Umusha/dhalmada

In umusha ka dib tabobar iyo jimicsi la sameeyo

Att träna och röra på sig efter förlossningen - somaliska

In uur la qaado oo ilmo la dhalo ayaa jidhka saameyn ku leh. Umusha ka dib wuxuu jidhku u baahan yahay inuu bogsado. Marka uu jidhku bogsado ayay wanaagsan tahay in tabobar la sameeyo. Waxa filimka lagugu tusayaa shan jimicsi oo aad sameyn kartid.

Läs texten på svenska här.

Jimicsiyadani waxay
ku habboon yihiin dumarka Ilmaha ferjiga ka dhalay iyo kuwa lagu soo qalayba.

Tabobarka dhalmada ka dib

Umusha ka dib ayuu jidhku inuu bogsado u baahan yahay.

Isla marka uu ilmuhu ilmo-galeenka ka soo baxo ayuu jidhku bilaaba inuu bogsado.

Hoosta dumarku waxay u baahan tahay inay bogsato haddii aad ferjiga ka soo dhashay. Calooshu waxay u baahan tahay inay bogsato haddii ilmaha lagugu soo qalay. 
 
Bogsashadu caadi ahaan 6-8 toddobaad ayay qaadataa. Waxay ka dibna qaadan kartaa ilaa sanad inuu jidhku ka soo wada kabto. Waxa muddadaas la samayn karaa tabobar iyo jimicsi. 

Marka hore waxbadan ha sameyn

Waxa maalmaha ugu horreeya ee umusha ka danbeeya wanaagsan in waxyar oo dhaqdhaqaaq ah uun la sameeyo. Tusaale ahaan, waxaad beddeli kartaa booska adigoo u kala bedbedelaya fadhi, taagni ama socod. 
 
Dhowr maalmood ka dib, ayaad bilaabi kartaa inaad waxooga dhaqaaq ah sameyso. Waxa laga yaabaa inaad waxyar soo lugayso.  

Waxaad sidoo kale jimicsi ku sameyn kartaa muruqyada sagxada miskaha,. waxa taas loola jeedaa hoosta dumarka. Waa la bilaabi karaa isla umusha kadib. Isku qabo oo giiji murqayada. Wax yara fudud ku bilow. Qiyaas ahaan saddex ilaa afar toddobaad ka dib ayaad wax ka adag/badan sameyn kartaa. Muddo yar oo gaaban giiji ka dibna kolba dabci.

Wakhtiga ay tahay in tabobar la sameeyo

6-8 todobaad ka dib ayaad tabobar bilaabi kartaa.  

Ku bilow iyada oo aanad miisaan culus qaadeyn haddii aanad jimicsiga caadaysan. Jidhkaaga oo kaliya u isticmaal miisaan ahaan. Markaad ku qanacsan tahay ayaad miisaanka kordhin kartaa.  
 
Waxaad filimka ku arkeysaa shan jimicsi oo aad dhowr jeer todobaadkii sameyn kartid.  
 
Kuwani waa tabobarada filimka ku jira: 

  • Jillibka la soo laabayo iyadoo kursi lagu fadhiyo 
  • Gacmaha ku cadaadi gidaarka 
  • Miskaha kor loogu soo qaadayo iyadoo la jiifo 
  • Jilbaha kor loo soo qaadayo iyadoo la jiifo 
  • Dhinac u jiifka misigta kor loo soo qaadaayo 
     

Waxa ay tabobaradu ku habboon yihiin haddii aad tabobar wanaagsan qabto iyo haddii kaleba. Dooro jimicsiga kugu habboon. 

Sababtan ayay in tabobar la sameeyo u wanaagsan tahay.

Waxaa jira sababo badan oo ay u wanaagsan tahay in tabobar la sameeyo uurka iyo umusha ka dib. 
 
Kuwani waa tusaalayaal ka mid ah waxyaabaha ka sii fiicnaan kara haddii aad tabobar sameyso: 

  • Dhakhso ayaad uga soo kaban kartaa dhalmada kadib. 
  • Waad ka firfircoonaan kartaa.  
  • Si ka wanaagsan ayaad ugu seexan kartaa. 
  • Waxaad kaa yaraanaya dhibaatooyinka caloosha.  
  • Waxaad kaa yaraan kara dhibaatooyinka welwelka iyo niyad jabka. 
  • Waxaad kaa yaraan kara xanuunka dhabarka.  
  • Waxa xoogaysan kara jidhkaaga isagoo wax ka badan qaban karta. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page