Soomaali/Somaliska

Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Covid-19 - somaliska

Content - Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Visa innehåll som:
Talaalka covid-19Vaccination mot covid-19 - somaliska

Covid-19 waa cudur faafa. Tallaalku waxa weeye habka ugu fudud/haboon ee loogaga hortagaayo in cudurka si xun loogu jirado ama loogu dhinto.

Iska qaadista tijaabo/iska baadhista covid-19 Lämna prov för covid-19 - somaliska

Dadka badankoodu uma baahna inay tijaabo iska qaadaan haddii ay yeeshaan calaamado Covid-19 noqon kara. Laakiin dadka qaar ayaa inay taas sameeyaan u baahan. Waxay tani khusaysaa haddii aad ka shaqeyso daryeelka ama xanaaneynta waayeelka, aad ku nooshahay guryaha dadka waayeelka ama aad adeega guri leedahay.

Covid-19 Om Covid-19 - somaliska

Waxa Covid-19 keena fayrus. Dadka covid-19 qaaday badankoodu waxay u xanuunsadaan sida hargabka oo kale. Dadka qaar ayaa aad u jirada oo daryeel cisbitaal u baahda.

Talada la siinaayo qofka covid-19 qabaRåd till dig som har covid-19 - somaliska

Waxa halkan ku yaala talo la siinaayo qofka cudurka covid-19 qaba. Waxay taladu khuseysaa qofka guriga joogi kara ee aan u baahnayn in cisbitaal daryeel lagu siiyo. La xiriir daryeelka caafimaadka haddii aad ka sii xanuunsatid sida aad tahay.

Warbixin loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo la xaqiijiyay in uu cudurka [Covid-19] ku dhacayInformation till dig med bekräftad covid-19 - somaliska

Markii natiijada shaybaarka laga qaaday lagu xaqiijiyo, in infeekshan aad imminka la xannuunsan tahay u sabab yahay cudurka [Covid-19], waa in sidii dad kale aad cudurka u qaadsiinin awgeed aad gurigaaga iska joogto, taasoo muhim ah. Tan kale, waa inaad tixgelisa qodobada ku xusan Sharciga amniga cudurrada faafa [smittskyddslagen]. Halkaan ka aqriso sidii aad u dhaqmi lahayd.

Warbixin loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo xiriir dhow la yeeshay qof u cudurka [Covid-19] ku dhacayInformation till dig som har haft kontakt med någon som har covid-19 - somaliska

Haddii aad xiriir dhow la yeelatay qof u cudurka [Covid-19] ku dhacay, waa inaad fiirogaar siisaa calaamadaha cudurka oona hoos u dhigta tirada dadyowga aad la kulanto. Haddii qof aad la nooshahay u qabo cudurka [Covid-19], waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso hab-dhaqamada qaarkood.

To the top of the page