Baaritaano/tijaabooyin

Baaritaanka PSA ee qanjirka shahwada ragga sameeya (prostata)

Blodprov: PSA - somaliska

Tijaabada PSA-du waa tijaabo dhiiga oo muujineysa haddii ay wax qanjidhka shahwada ragga iska bedeleen. Waxa jira isbeddello noocan oo kale ah oo aan khatar aheyn iyo kuwa keeni kara kansarka ku dhaca qanjirka shahwada ragga sameeya. Iyadoo la isticmaalaayo tijaabada PSA ayaa dhakhtarku uu ogaan karaa haddii aad u baahato in laguu sameyso baadhitaano dheeraad ah ama daaweyn.

Maxaan ugu dhiibayaa tijaabada PSA-da?

""
Qanjirka shahwada ragga sameeya wuxuu ku dhex yaalaa jidhka, guska korkiisa.

Qanjirka shahwada ragga sameeya wuxuu ku dhex jiraa jidhka, dhinaca guska korkiisa.  Waxaad dhiibi kartaa tijaabo dhiig ah oo loo yaqaano tijaabada PSA-da, haddii dhakhtarkaagu uu u maleynaayo inuu isbeddel ku dhacay qanjirkaaga shahwada ragga sameeya.

Waxa laga yaabaa inaad tusaale ahaan u baahato inaad marar badan kaadido, ama aad ku kaadido xawaaro yar, haddii qanjirka shahwada ragga sameeyaa uu wax iska bedelay. Daryeel caafimaad raadso haddii ay taasi kugu dhacdey.Qanjirka shahwada ragga sameeya wuxuu ku dhex yaalaa jidhka, guska korkiisa.

Maxay tusi kartaa tijaabada PSA-du?

Qanjirka shahwada ragga sameeyaa wuxuu soo saaraa walax loo yaqaan PSA. Tijaabada ayaa muujinaysa inta PSA ku jirto dhiigga. PSA da dhiiga ku jirta ee badan ayaa macnaheedu noqon karaa in wax ka mid ah qanjirka shahwada ragga sameeyaa uu isbeddelay.

Waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad sameyso baaritaano dheeraad ah si aad ugu hesho daryeelka caafimaad ee saxda ah.

Maxay ku xidhnaan kartaa?

Waxa caadi ah in wax iska bedelaan qanjirka shahwada ragga sameeyaa markaad ka weynaato 50 sanno jir. Inta badan ma aha khatar. Laakiin isbedel ayaa sidoo kale  laga yaabaa inay sabab u tahay caabuq/kacdoon ama kansar.

Kansarka qanjirka shahwada ragga sameeya ayaa ah nooca ugu badan ee kansarka ragga. Khatarta kansarka qanjirka shahwada ragga sameeyaa waa ay ka sii weynaataa, kolba marka aad ka sii weynaatid.

Qaar ka mid ah noocyada kansarka qanjirka shahwada ragga saameeyaa ayaa si tartiib tartiib ah u sameysma iyadoo aanad dareemin. Noocyada kale ee kansarka qanjidhka shahwada ragga ku dhaca ayaa si dhaqso ah u sameysma. Markaa kadibna waxaad u baahan doontaa daaweyn dhakhso ah. Waxa jira fursad ka weyn oo aad kaga bogsaneyso haddii kansar la ogaado xilli hore.

Waxaad adigu sii kaxeysan kartaa saaxiib ama waxa ku caawin doona turjumaan

Waa muhiim in la fahmo waxa shaqaaluhu sheegayaan. Waxaad xaq u leedahay turjumaan haddii aadan ku hadlin luqada iswiidhishka. Turjumaanka laftiisa waxa qabanaaya xeerka sir haynta. Hore ula sii hadal rugta caafimaadka, haddii aad turjumaan rabto.

Waxa kula joogi kara qof saaxiib ah ama qof qoyskaaga ka mid ah haddii aad rabto. Dadka qoyska iyo asxaabta ee kuu turjumaaya ma aha turjubaano oo ma qabanaayo xeerka sir hayntu.

Sidan ayaa loo sameynayaa tijaabada?

En person som lämnar blodprov genom en nål i armen.
Kalkaaliso ayaa waxay tijaabada dhiiga ah irbad dhuuban kaga qaadeysa cududaada.

Waxaad tijaabada PSA-da ka dhiibi kartaa xarunta caafimaadka ama dhakhtar. Kalkaaliso ayaa waxay tijaabada dhiiga ah ku qaadeysaa irbad dhuuban. Dadka qaarkood waxay u arkaan inay xanuuneyso ama waxay dareemeyaan raaxo la'aan, laakiin si degdeg ah ayay taas u baa'badaa. 

Goorma ayaan helayaa jawaabta tijaabada?

Waxaad heleysaa jawaab muddo dhowr toddobaad gudaheed ah. Waxaad heli doontaa warqad ama waxa lagula soo xiriiri doonaa telefoonka. Warqadda waxa loo dirayaa cinwaanka aad ka diiwaan gashan tahay. Waxaad u imaan doontaa baadhitaan cusub haddii tijaabadu ay muujisay in wax isbeddeleen.

Ma rabtaa inaad dhiibto tijaabada PSA?

Waxaad la xiriiri kartaa rugta caafimaadka haddii aad rabto inaad dhiibto tijaabada PSA.

Waxaad adigu had iyo jeer wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad qabto su'aalo ama aad tallobixin uga baahan tahay telefoonka. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ka jawaabi karaan haddii aad u baahan tahay inaad daryeel caafimaad raadsato.

Waxaad ku hadli kartaa Iswiidhish ama Ingriisi. Waxba kuma kharash gareynayso inaad wacdo 1177.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page