Uurka leh

Tubaakada iyo uurka

Tobak och graviditet - somaliska

Waxyeelo ayay kuu keeneysaa haddii aad tubaakada isticmaasho markaad uurka leedahay. Ilmaha uurka ku jira ayaa maadooyin khatar ahi ka soo gaadhi karaan tubaakada. Sidaas darteed tubaako ha isticmaalin markaad uurka leedahay. Haddii ay kugu adagtahay inaad joojiso ayaa taas lagaa caawin karaa. Waxyaalaha ay tubaakadu ku jirto waxa ka mid ah sigaarka

Här kan du läsa texten på svenska.

Dumarka doonaaya inay uur qaadaan ayaanay sidoo kale aheyn inay tubaako isticmaalaan.  
Waxay tubaakadu adkeyn kartaa in uur la qaado.

Maxaan samayn karaa?

Qof kastaa wuu iska joojin karaa isticmaalka tubaakada. Ta ugu muhiimsani waa inaad adigu rabto inaad joojiso.  
Ka fikir in rabitaanka tubaakadu uu dhowr daqiiqo uun ku hayo. 

Badanaa way ka fududahay in xiliga uurka la joojiyo. Waxaad dhiirigalin ka heli kartaa inuu ilmuhu sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ugu caafimaad qabi doono.  

Uurka ayaa sidoo kale keeni kara inaanad tubaakada u xaraaroon. 

Noocyada kala duwan ee tubaakada

Tusaale ahaan, sigaarka, shiishadda, sigaarka elektaroonigga ah iyo buuriga.Waxa dhamaantood ku jira maadooyin khatar ah. 

Waxa sigaarka elektaroonigga ah la iibsan karaa isagoo bilaa nikotiin ah. Laakiin waxa sigaarka elektaroonigga ah ku jira maadooyin kale oo khatar keeni kara. Sidaa darteed, waa inaad sigaarka elektaroonigga ah aad iska ilaalisaa markaad uurka leedahay.  

Maxaa jidhka ku dhacaaya?

Waxa tubaakada ku jira maadooyin khatar ah. 

Markaad tubaakada isticmaasho ayay maadooyinka khatarta ahi jidhkaaga galayaan. Dhiigaaga ayaa mandheerta soo galaaya. Iyadoo ay maadooyinka khatarta ahi ay mandheerta ilmaha ka soo galayaan. 

Sidan ayay tubaakadu kuu saameyn kartaa

Waxan ayaa dhici kara haddii aad isticmaasho tubaako markaad uur leedahay:   

  • Khatarta inuu ilmuhu kaa soo dhaco aya kordhi karta. 
  • Ilmaha ayaa si xun u kori kara.  
  •  Mandheerta ayaa xilli hore soo bixi karta. 
  • Foosha ayaa xilli hore bilaabmi karta. 

Waxay tubaakadu kor u sii qaadi kartaa khatarta uu ilmuhu caloosha ugu dhex dhimanaayo ama ku dhimanaayo lixda bilood ee ugu horreeya kadib markuu soo dhasho ilmuhu. 

Waxa soo socda ka fikir

Laga yaabaa inaad ka niyad xumaato inaad tubaako isticmaashay markaad uurka laheyd. Waa caadi in la dhibsado oo gef inaad gashay la dareemo. 

Laakiin ta ugu muhiimsani waa in aan ilmaha tubaako kale oo dheeraad ah la soo gaadhsiinin. Ka fikir siday hadda laga bilaabo u noqon karto sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Raadso daryeel caafimaad haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo si aad tubaakada u joojiso.  

Waxaad la xidhiidhi kartaa mid rugahan caafimaadka ka mid ah: 

  • Barnmorskemottagning.  
  • Xarunta caafimaadka (vårdcentral). 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad af Iswiidhishka ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballantaada booqashada qabsaneyso. 

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177 

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.  

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaarkood ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.  

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Daaweynta

Waxa jira xanjo ama balastar nikotiin ku jirto. Waxay yareeyaan xaraarada tubaakada. Laakin dawooyinka noocan ah ayaa ilmaha waxyeelo u geysta. 

Dhakhtarkaaga la hadal haddii aad u baahan tahay inaad isticmaasho dawo nikotin leh markaad uur leedahay ama aad naas nuujinayso. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page