DARYEELIDA GAARKA EE CARUURTA

Xanuunka dhegta

Ont i örat - somaliska

In dhegtu ku xanuunto waa caadi dhinaca caruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Dhinaca caruurta sababtu badanaaba waa hargab ama barar dhegta ah. Dhinaca dadka waaweyn waxay caadiyan ku xirantahay nabar cun-cun leh oo ku yaala marinka maqalka. Badanaaba dhibtani iskeed ayay u dhamaataa laakiin xaaladaha qaarkood waxaa loo baahan karaa nooc daweyn ah.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay sababaha ugu badan ee keena xanuunka dhegaha, waxa adigu iskaa aad u samayn karto iyo marka ay tahay inaad raadsato daryeel caafimaad.

Läs texten på svenska här.

Noocyo kala duwan oo ah xanuunka dhegta

Xanuun lagu yeesho mid ama labada dhegoodba waxay ku xirnaan kartaa sababo badan oo kala duwan. Waxaad adigu lahaan kartaa infekshan faayrus ah, infekshan leh baakteeriya ama barar gudaha markinka maqalka ah. Badanaaba way adagtahay in la ogaado sababta ay dheguhu u xanuunayaan qofka.

Xanuunka dhegta ee xilliga hargabka

Xilliga uu jiro hargab faayras leh badanaaba sanka iyo hunguriga ayaa bararsan. Badanaaba gudaha hunguriga ayaa u eeg wax guduudan oo bararsan oo tani waxay keeni kartaa xanuun cunaha gudihiisa ah. Waa caadi in xilliga hargabka xitaa la lahaado dhibaatooyin sida xummad, duuf iyo qufac. Tani waxa kale oo ay keeni kartaa xanuun dhegaha ah. Tani waxaa sabab u noqon karta cadaadis ku yimi dhegta maadaama xuubabka jilicsan ay bararsanyihiin.

Hargabku waxa kale oo uu keenaa in xuubabka jilicsan ee sanka iyo dhegta ay ku adkaato inay iska difaacaan baakteeriyada keeni karta bararka dhegaha. Xitaa dadka caafimaadka qaba waxay ahaan karaan sidayaasha baakteeriyadan ku taala sanka xagiisa dambe. Waa sidan badanaaba dhinaca caruurta yar yar, dadka waaweyna waa dhif iyo naadir. Baakteeriyadan waxay fursad u heshaa inaad xanuusato ugu horeyn marka tusaale ahaan infekshan faayras uu jidka u furay.  

Xanuunka dhegta xilliga bararka dhegaha  

Bararka dhegta aad ayuu caadi ugu yahay caruurta oo wuxuu badanaaba la socdaa hargab. Xitaa dadka waaweyn way yeelan karaan barar dhegaha ah, laakiin tani sidaas oo kale uma badna. Xilliga bararka dhegaha dheecaan ayaa ku samaysma dhexda dhegta oo xuubka dhegta ee maqalka ayaa noqda wax guduudan oo buuran. Xuubka dhegtu wuxuu u soo bixi karaa horay oo u dhaqaaqaa si liidata.

Xanuun ayay ku keentaa dhegta xilliga bararka dhegta. Tani waxaa sabab u ah in xuubka jilicsan uu bararsanyahay iyo in cadaadiska dhexda dhegta uu kordho oo xuubka dhegta ee maqalku uu bararsanyahay. Sidaas darteed ayaa badanaaba xanuunku sii bataa marka qofku jiifo oo waxaa kordha cadaadiska dhegta dhexdeeda. Qofku waxaa kale oo uu yeelan karaa xummad. Xummadu waxay caadi ka tahay dhinaca caruurta ka yar hal sanno laakiin dhinaca caruurta yara weyn iyo dadka waaweyn arrintani waa mid aan caadi ku ahayn.

Mararka qaarkood cadaadiska gudaha dhegta dhexdeeda ayaa aad u weynaado oo xuubka dhegta ee maqalka ayaa dilaaca. Tani waxay keeni kartaa xanuun badan ka hor intaanay dilaacin, laakiin badanaaba ka dib xanuunku si dhakhso ah ayuu u yaraadaa. Marka xuubka dhegta ee maqalku dilaaco badanaaba dheecaan ayaa ka soo dareera marinka maqalka. Badanaaba xuubka dhegta ee maqalku iskii ayuu u bogsadaa oo inta badan qofku ma yeesha wax dhibaato ah ka dib. Haddii xuubka dhegta ee maqalku dilaaco waa in qofku markastaba raadsado daryeel caafimaad maadaama bararkani u baahanyahay in lagu daweeyo anti-bayootiga. Tani waxaa sabab u ah in bararka dheguhu uu badanaaba xoog yahay haddii xuubka dhegta ee maqalku uu dilaacay.  

Xanuunka dhegta ee xilliga xanuunka xuubka qoyan ee dhegta

Marka uu jiro xanuunka xuubka qoyan ee dhegta waxaa dhegta dhexdeeda ku ururay dareere cadaan ah. Tani waxaa sabab u ah in xuubka jilicsan ee turuumbada dhegtu bararay oo aanu awoodin inuu is furo oo isu dheeli tiro cadaadiska. Markaasi waxay noqotaa cadaadis hooseeya oo waxaa samaysmi kara dareere kaas oo gebi ahaan ama qayb ahaan buuxiya dhegta dhexdeeda. Tani waxay keentaa in xuubka turuumbada aanu noqon mid sidi looga baahnaa u dhaq-dhaqaaqayn, mawjadaha codka ayaa hoos u dhigma oo maqalka ayaa sii xumaan kara wakhti kooban. Waxaa la dareemaa sidi in dabool saaranyahay dhegta oo codka ayaa hoos u dhigma.

Waa caadi in caruurtu ay yeeshaan xanuunka xuubka qoyan ee dhegta ka dib hargab ama bararka dhegta. Dhibaatadani badanaaba iskeed ayay u dhamaataa oo maaha in lagu daweeyo anti-bayootika. Adigaaga qofka weyn ah waxaad yeelan kartaa dhibaato ah dareere ku jira dhexda dhegta, tusaale ahaan haddii aanad awoodin inaad isu dheeli tirto cadaadiska (waa iyadoo sanka la isugu qabto faraha, la xiro afka oo la isku dayo in neefta laga soo saaro sanka) xilliga dayaarad raacida ama quusida biyaha. Badanaaba xitaa dadka waaweyn waxay dhibaato ku iman kartaa xilli la xiriirta hargabka laakiin dhibaatadani badanaaba iskeed ayay u dhamaataa. In la isku dheeli tiro cadaadiska (waa iyadoo sanka la isugu qabto faraha, la xiro afka oo la isku dayo in neefta laga soo saaro sanka) waxay keeni kartaa in dhibaatadan ay ku dhamaato si dhakhso ah. Haddii dhibtani aanay ku dhamaan hal toddobaad waa in adigaaga qofka weyn ahi aad markastaba raadsatid daryeel caafimaad. Tani waxay aad u khuseysaa haddii aad dhibaato ku leedahay dhinac keliya.     

Xanuunka dhegta ee xilliga cun-cunka marinka maqalka   

Xanuunka dhegta waxaa kale oo sabab u noqon karta in adigaaga qofka weyn ahi ama ilmahaagu aad barar ku yeelateen marinka maqalka laf ahaantiisa. Tani waxaa lagu magacaabaa cun-cunka marinka maqalka ama ´´otit´´ ka dibedda. Markaasi waa maqaarka marinka maqalka waxa kacsan ee bararsan.

Marka uu jiro cun-cunka marinka markaasi dhegta is-nadiifinteedu uma shaqayso sidii loogu talogalay. Tani waxay keeni kartaa in marinka maqalku noqdo mid kacsan oo cun-cun yimaado. Mararka qaarkood bararku aad ayuu khatar u noqdaa. Markaasi marinka maqalka ayaa noqon kara mid bararsan, waxay keeni kartaa xanuun oo waxaa bilaabmi karta in dareere ur qarmuun oo dheg-dheg leh ka soo dareero dhegta. Xaaladaha qaarkood walax yar oo kuusan ayaa ku samaysmi kara oo waxaa bilaabmi karta in halkaasi ay ka samaysmato cambaar ama baakteeriya. Maqalku si ku meel gaar ah ayuu u sii xumaan karaa haddii marinka maqalku gebi ahaan ama qayb ahaan u xirmo mar kale iyadoo ay sabab u tahay cun-cun, barar, dareere ama unugyada maqaarka. Tani waxaa sabab u ah in maqalka ka imanaya banaanka ay ku adkaanayso inuu horay u gaaro xuubka turuumbada.

 Cun-cunka marinka maqalka ee khafiifka ah waa mid aad caadi u ah, gaar ahaan dhanka dadka aad u dabaasha iyo kuwa barkada qubeyska isticmaala. Waxa kale oo arrintani ay caadi tahay haddii qofku gudaha marinka maqalka u isticmaalo qoriga leh cudbiga. Way sahlantahay in cun-cunka marinka dhegta la yeesho marka la joogo jawi diiran oo suyucsan. Sidaas darteed waa caadi in dhibaatadan la yeesho xilliga xagaaga gudaha Iswiidhan ama xilliga safarada lagu tago dalalka diiran. 

Xanuunka dhegta ee sababo kale

Xaalado dhif iyo naadir ah ayaa xanuunka dhegta ay sabab u noqon kartaa in alaabi gashay marinka maqalka. Caruurta yar yar waxaa dhici karta inay dhegta geliyaan kuulo, dhagxaan ama alaabooyin kale oo yar. Xitaa xasharaad ayaa geli kara gudaha marinka maqalka. 

Jug ku dhacda dhegta ama tusaale ahaan kubad ku dhacda dhegta waxay dilaacin kartaa xuubka turuumbada oo keeni kartaa xanuun, dhiig, hoos u dhac maqalka ah iyo mararka qaarkood dawakhaad. Wax la mid ah ayaa dhici kara xilliga quusida biyaha ama dayaarad raacida haddii qofku aanu ka gaarsiin in si dhakhso ah la isugu dheeli tiro cadaadiska (waa iyadoo sanka la isugu qabto faraha, la xiro afka oo la isku dayo in neefta laga soo saaro sanka).

Goorma ayaan anigu raadsanayaa daryeel caafimaad?

Xanuunka dhegtu badanaaba iskii ayuu u istaagaa oo dadka badankoodu uma baahdaan inay daryeel u raadsadaan dhibaatadooda.

Daryeel ka raadso xarun caafimaad ama rugta deg-dega haddii adiga oo qof weyn aha ama ilmahaaga

  • xanuun ku leedihiin dheg oo xanuunkani aanu maalin gudaheed ku sii yaraan
  • aad leedihiin dhareere ka soo da’aya dhegta
  • aad leedihiin marin maqal oo kacsan ama bararsan in ka badan laba maalmood. 

Si toos ah daryeel uga raadso rugta deg-dega haddii adiga oo qof weyn ah ama ilmahaaga  

  • aad xanuun ku leedihiin dhegta isla mar ahaantaasna qoortu tig-tigsantahay oo aad dareemaysid daal badan iyo awood daro
  • aad xanuun ku leedihiin dhegta, leedihiin xummad sareysa oo aad dareemaysiin xanuun khatar ah
  • dhegta gadaasheedu tahay guduud oo bararsantahay ama ay dhegtu bilowday inay kor u soo baxday.

La xiriir xarunta caafimaadka mar kale haddii dhibaatada xanuunka dhegta ama dareere ka soo da’aya dhegtu uu weli sii jiro laba ama saddex maalmood ka dib markii dhakhtar uu soo qiimeeyay dhibaatadan.

La xiriir xarunta caafimaadka haddii adiga oo qof weyn ah ama ilmahaagu ka dib bararka dhegaha aad dareemaysaan in dabool saaranyahay dhegta, maqalka oo sii xumaaday, maqlaysaan sidii jalis garaacmaya ama cod dhuuban oo dhegta ah oo ku joogsan waayay ka dib saddex bilood. Xilli hore raadso daryeel haddii dhibaatadu aad u weyntahay.

Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo heli kartaa talo-bixinta daryeelka bukaanka oo laga helo telafoon lambarka 1177.

Maxaa anigu keli ahaantay samayn karaa?

Badanaaba xanuunka dhegta iskii ayuu u dhamaadaa. Waxaa jira dhowr shay oo adigu aad tijaabin karto si loo khafiifiyo calaamadahan. 

Madaxa ku hay meel sare   

Caruurta iyo dadka waaweyn labaduba waxay wanaag ku dareemaan inay madaxa meel sare la saaro marka ay dheg xanuunayso. Markaasi waxaa yaraada bararka gudaha sanka iyo afka oo waxay keentaa in xanuunku yaraado. Waxaa fiicnaan karta in xitaa madaxa meel sare la saaro marka la seexanayo. Tani waxaad u samayn kartaa in aad goglato barkimooyin aad u buuran. Waxaa kale oo aad kor u kicin kartaa sariirta dhinaceeda madaxa iyadoo aad barkimo dheeraad ah hoos dhigaysid furaashka.

Caruurta ka yar hal sano waxaad ku tijaabin kartaa inaad xambaartid. Waxaa kale oo aad isaga/iyada ku qaban kartaa dhabta ama kursiga dhalaanka. Waxa kale oo aad kor u kicin kartaa sariirta dhinaceeda madaxa marka ilmuhu seexanayo, tusaale ahaan iyadoo buugaag buuran la hoos dhigayo lugaha sariirta ee dhinaca ku beegan madaxa.

Buufiska sanku wax ma ka taro bararka dhegaha laakiin wuxuu fududeeyaa neefsashada     

Dhibcaha sanka kala bixiya iyo buufiska sanka waxay yareeyaan cabudhka sanka oo waxay fududayn karaan in la neefsado xilliga hargabka. Laakiin wax ma ka taraan isla bararka dhegaha. Tani waxay khuseysaa caruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Ha isticmaalin buufiska sanka kala bixiya wax ka badan toban maalmood. Tani waxay keeni kartaa in qofka ay ku dhacdo cabudh sanka ah oo ay adagtahay in uu ka baxo.

Sanka ku dhaq dareere ah cusbo la kar-kariya    

Waxaa kale oo aad tijaabin kartaa inaad sanka ku dhaqdid cusbo la karkariyay. Way jiraan dhibcaha cusbada la karkariyay oo diyaarsan iyo buufiska cusbada la karkariyay oo laga iibsado farmasiga. Adiga ayaa xitaa keligaa diyaarsan kara cusbada la karkariyay iyadoo aad qaado cusbo ah ku qasaysid hal desilitir oo biyo ah. Dareerahan waa in la karkariyo oo ka dib ay qabowdaa. Si dareerahan cusbada karkarsan loo geliyo sanka waxaad isticmaali kartaa biyo raaciya sanka ah oo gaar ah ama tuumbo balaastig ah oo yar. Labadaba waxaa laga helaa oo iibiya farmasiga.

Dawooyinka lagu iibsado bilaa warqad dhakhtar way yareeyaan xanuunkan  

Dadka waaweyn waxay isticmaali karaan dawooyinka lagu iibsado bilaa warqad dhakhtar ee xanuunka yareeya ee wata baarasatamool ama ibuubarafeen. Baarasatamool waxay ku jirtaa tusaale ahaan Alfadoon iyo Baanodiil. Ibuubarofeen waxay ku jirtaa tusaale ahaan Ibreen iyo Ibumatiin. 

Haddii ilmahaagu ka yaryahay lix bilood waa inaad mar kastaba la tashatid kalkaaliso caafimaad ama dhakhtar ka hor intaanad isaga/iyada siin dawo. Laga bilaabo da’da lix bilood waxaad ilmaha siin kartaa dawo ay ku jirto ibuubarafeen. Dhowr tusaale waa Ibreen ama Ibuubarofeen Abofirii. Waa muhiim in si taxadar leh loo raaco tilmaamaha ku qoran baakadan si ilmuhu u helo qiyaas sax ah.

Iska ilaali dawooyinka qaarkood    

Caruurta ilaa iyo 18 sanno ah ee leh xummad waa inaanay isticmaalin dawo ay ku jirto (acetylsalicylsyra) tusaale ahaan Treo iyo Bamyl, iyadoo adigaaga qofka weyn ahi aanad marka hore la hadlin dhakhtar.

Talooyinka sida aad u yarayn karto cun-cunka marinka dhegaha

Cun-cunka marinka dhegaha badanaaba iskii ayuu uga istaagaa caruurta iyo dadka waaweyn kaaliin cun-cunku wuu badan karaa. Si loo yareeyo dhibtan waxaa fiican in dhegtu ahaato mid qallalan iyadoo la isticmaalayo cudbi, furka dhegaha ama koofiyada dabaasha marka lagu qubeysanayo barkadda qubeyska ama rushaashada. Tani waxay keeni kartaa in dhibtu dhamaato. Waxaa kale oo fiican in la iska dhaafo in la xoqo dhegta maadaama ay sii xumayn karto dhibtan. Adigu qof weyn ahaan waxaa kale oo aad tijaabin kartaa buufiska dhegaha ee ka hortaga cun-cunka marinka dhegaha kaas oo yaala lagana iibsan karo farmasiga. Buufiskan waxaa kale oo loo isticmaali karaa caruurta ka weyn shan sanno.

Isu dheeli tirka cadaadisku wuxuu wax ka tari karaa dhibaatada dhegaha  

Maqalku si ku meel gaar ah ayuu u sii xumaan karaa ka dib bararka dhegaha haddii cadaadiska gudaha dhexda dhegta uu is-baddalay. Markaasi waxaa wax ka tari karta in la isu dheeli tiro cadaadiska. Arrintan waxaad u samaynaysaa iyadoo sanka aad ku qabato faraha isla markaana aad isku daydo inaad neefta ka soo saarto sanka. Hawadu waxay u soo cadaadsamaysaa kor oo soo dhex maraysaa turuumbada dhegaha oo baddal u noqonaysaa. Waxaa in yar fududaanaysa in la isu dheeli tiro cadaadiska haddii qofku isticmaalo dhibcaha sanka ama buufiska sanka kuwaas oo yareeya bararka xuubabka jilicsan. Si loo caawiyo caruurta yar yar in ay isu dheeli tiraan cadaadiska waxaad u oggolaan kartaa inay wax nuugaan, tusaale ahaan mujuruc caruurta lagu sasabo ama ka cabaan musaasad. Waxaa kale oo jira alaabooyin kaa caawinaya oo laga iibsado farmasiga.

Waxaa kale oo fiicnaan karta in la sameeyo isku dheeli tirka cadaadiska xilliga safarada dayaarada haddii qofku leeyahay dhibaato dhegaha ah.

Dhibaatada dhegaha iyo dabaasha   

Xilliga ay jirto dhibaato dhegaha ah oo wadata xanuun iyo dareere ka soo baxaya dhegaha waa in aanad ku qubeysan barkadda qubeyska. Haddii aad lahayd barar dhegaha ah oo dalool ku samaysmay xuubka dhegta ee maqalka waa inaad iska ilaaliso in biyo kaa galaan dhegaha muddo toddobaad ah ka dib marka ay joogsato inay wax ka soo dareeraan dhegta. Waxaad isticmaali kartaa cudbig ama furka dhegaha xilliga ku qubeyska rushaashada ama barkadda qubeyska.

Iska ilaali in biyo galaan dhegta isla ka dib qallitaan adiga ama ilmahaagu la idiin geliyay tuumbo dhegta. Dhowr toddobaad ka dib waa caadi in si xor ah loogu qubeysto barkadda qubeyska, waa haddii madaxa aan la gelin biyaha wax ka badan hal mitir.

Daweynta

Xanuunka dheguhu badanaaba keligiis ayuu istaagaa. Xanuunka dhegaha e exilliga hargabka iyo xanuunka ku dhaca xuubka qoyan ee dhegaha ma lagu daweeyo anti-bayootika.

Bararyada dhegaha qaarkood waxaa lagu daweeyaa anti-bayootika  

Dhamaan dadka waaweyn iyo qaar ka mid ah caruurta waxay u baahdaan daweynta wadata anti-bayootikada xilliga bararka dhegaha ee ay sababtay baakteeriya. Daweyntan bararka dhegaha siyaabo kala duwan ayay u eekaan kartaa dhinaca da’da kala duwan maadaama khatarta dhibaatooyinku ay kala duwanaanto xagga da’da.

Kuwa ay tahay inay mar kastaba helaan daweynta anti-bayootikada waa: 

  • Caruurta ka yar hal sanno.  
  • Caruurta ka yar labo sano ee bararka dhegaha ku leh labada dhegoodba. 
  • Caruurta ka weyn laba iyo toban sano iyo dadka waaweyn.  
  • Dhamaan caruurta iyo dadka waaweyn ee uu dilaacay xuubka dhegta ee maqalka. 

Dhinaca caruurta u dhaxaysa hal iyo laba iyo toban sanno, bararka dheguhu badanaaba wuxuu ku bogsadaa bilaa anti-bayootika. Laakiin xitaa bararka dhegaha ee caruurta waa in la daweeyaa haddii:

  • Ilmuhu leeyahay xummad saraysa.  
  • Ilmuha ay aad u xanuunayso dhegtu inkastoo lagu daweeyay dawooyinka yareeya xanuunka ee lagu iibsado bilaa warqad dhakhtar. 
  • Ay jirto calaamad u ah in ay dhici karto in infekshanku fiday ama haddii ilmuhu leeyahay cudur kale oo khatar ah.

Cun-cunka marinka maqalka waxaa lagu daweeyaa dhibcaha dhegaha

Arrinta ugu muhiimsan xilliga daweynta cun-cunka marinka maqalka waa in marinka maqalka ahaado mid nadiifsan. Mararka qaarkood nadiifintan ayaa ugu filan daweyn. Xaaladaha qaarkood waxaad heli kartaa dhibcaha dhegaha oo dhakhtar qoray. Iyaga waxaa badanaaba ku jirta isku jir ah anti-bayootika, koortisoon iyo wax dila cambaarta. Anti-bayootikadu waxay wax tartaa haddii aad leedahay infekshan baakteeriya leh, koortisoona waxay wax ka tartaa ka hortaga bararka, kaas oo keenta in la is cun-cuno iyo bararka.

Haddii marinka maqalku si aad ah u bararsanyahay waxaad heli kartaa maro yar oo la saaro taas oo lagu qooyay wax qaboojiya marinka maqalka. Tani waxaa lagu magacaabaa "tamboonaad". Marka bararku joogsado ayaad bilaabi kartaa daweynta dhibcaha dhegaha.

Xaaladaha qaarkood bararku wuxuu u fidi karaa dhinaca dibedda ee dhegta. Markaasi waxaa loo baahan karaa anti-bayootikada nooca kiniinka ah.

Tuumbada dhegaha

Caruurta iyo dadka waaweyn ee leh dhibaato badan dhinaca dareere gudaha dhegta ah ama bararyo dhegaha ah oo soo noq-noqda waxay heli karaan in tuumbo qaab qallitaan ah loo geliyo dhegta. Dhinaca dadka waawaeyn qallitaanka waxaa loo samayn karaa iyadoo wadata suuxdin kooban laakiin badanaaba caruurta waa la wada suuxiyaa. Caruurtu mararka qaarkood waxaa loo samayn karaa in isla markaas laga qalo qanjir balaartay oo ka dambeeya sanka. Tani waxaa la sameeyaa haddii qanjirkan keeno in turuumbada dheguhu ay aad u noqoto ciriiri ama keento in ilmuhu khuuriyo.

Xilliga qallitaankan tuumbo balaastig ah oo yar ayaa la dhex geliyaa xuubka dhegta ee maqalka qaabilsan si hawado ay u soo geli karto dhexda dhegta. Tani waxay keentaa in maqalku sii fiicnaado oo waxaa kale oo ay yarayn kartaa khatarta dhinaca bararyo dhegaha ah oo cusub.

Baaritaan

Si loo baaro dhegta waxaa dhakhtarku isticmaalaa aalada dhegta lagu eego. Tani waxay u eegtahay sida halka gacanta la qabto ee ilbaabada oo leh tuubo yar iyo nal xagga sare ah. Mararka qaarkood dhakhtaru wuxuu isticmaalaa maykaraskoobka dhegta taas oo ah sida diirad. 

Dhakhtarku wuxuu baaraa sida xuubka dhegta ee qaabilsan maqalku u eegyahay, haddii ay jirto wax dareere ah oo ka dambeeya xuubka dhegta ee maqalka qaabilsan, sida dareerahan u eegyahay iyo sida uu u dhaqaaqayo xuubkan dhegta ee maqalka qaabilsan. Iyadoo la adeegsanayo buufin ayaa isaga/iyadu hawo ku afuufaan dhinaca xuubka dhegta ee qaabilsan maqalka si loo eego haddii uu dhaqaaqayo. Mararka qaarkood waxaa taas badalkeeda uu dhakhtarku isticmaalaa waxa lagu magacaabo "tympanometer" si loo baaro dhaq-dhaqaaqa xuubkan dhegta ee maqalka iyo cadaadiska dhexda dhegta. Markaasi dhakhtarku fur yar oo jilicsan ayuu dhigaa afka marinka maqalka ee dhegta oo qalab ku xiriiriyaa furkan. Qalabkan wuxuu bixiyaa dhawaaq hoon leh. Baaritaankani ma keeno xanuun.

Cun-cunka marinka maqalka wuxuu keeni karaa inay adkaato in la eego xuubka dhegta ee maqalka. Tani waxay keeni kartaa inay ku adkaato dhakhtarku in la eego in qofku leeyahay dhibaatooyin kale oo dhegaha ah oo dheeraad ku ah cun-cunkan. Markaasi badanaaba caruurta iyo dadka waaweyn labadaba waxaa marka hore la siiyaa daweynta ka hortaga cun-cunkan. Ka dib ayaa qofku u yimaadaa booqasho soo noqod ah dhowr maalmood ka dib si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Miyaa la kala qaadaa xanuunka dhegta?

Infekhshanada gudaha dhegaha sida bararka dhegaha iyo xanuunka ku dhaca xuubka qoyan ee dhegaha ma la kala qaado. Laakiin waxay badanaaba yimaadaan xilliga hargabka. Faayraska hargabka si fudud ayuu u fidaa. Fiditaankan wuxuu ku sii gudbi karaa dhinaca is gacan qaadista iyo xiriir kale oo toos ah. Waxaad isku dayi kartaa inaad ka taxadarto inaad dadka kale qaadsiiso iyadoo aad ku qufacayso ama ku hindhisayso laabatadaada gacanta iyo inaad si joogto ah u dhaqdo gacmaha.

Cun-cunka marinka dhegaha ma la kala qaado laakiin walaxda ku samaysmi karta gudaha dhegta waxaa ku jiri karta baakteeriyo faafta.

Sidee ayaan uga hortagi karaa xanuunka dhegta?

Way adagtahay in laga taxadaro in caruurta iyo dadka waaweyn uu kuf ido faayraska hargabka kaas oo badanaaba sabab u ah xanuunka dhegta.

Wax adag in la iska ilaaliyo bararyada dhegaha  

Qofka weyn khatarta in ay ku dhacdo bararka dhegaha aad ayay u yartahay. Wax adag ayay gebi ahaanba ahaan kartaa in la iska ilaaliyo bararyada dhegaha dhinaca caruurta. Waxyaabahan ayaa wax tari kara:

  • Sii wad inaad naaska nuujiso ilmahaaga, haddii marka horeba sidan aad samaysid. Naas nuujinto wax tar ka hortag ah ayay leedahay xilliga sannadaha hore ee ilmaha.   
  • Iska ilaali meelaha qiiqa leh maadaama ay tani keento in xuubabka jilicsan ee ilmuhu ay u nuglaadaan infekshanada.    

Caruurta iyo dadka waaweyn ee ay ku dhacdo bararyo dhegaha ah oo badan waxay heli karaan in tuumbo qaab qallitaan ah loogu geliyo dhegta. Tani waxay yarayn kartaa khatarta in ay ku dhacaan bararyo dhegaha ah oo badan.

Sidan ayaad isaga ilaalinaysaa cun-cunka marinka dhegaha   

Fartaada ha gelin dhegta. Tani waxay kharibtaa is nadiifinta dabiiciga ah ee marinka maqalka waxayna kordhisaa khatarta ah in baakteeriya ay gasho gudaha dhegta. Waxaa kale oo cun-cunka marinka dhegaha aad ku qaadi kartaa in wax badan lagu qubeysto barkadda qubeyska ama dhegta la safeeyo.

Way fiicantahay in la istcmaalo alaabta dhegaha ilaalisa iyo xarkaha maqalka ee lagu xirto banaanka dhegta halkii laga isticmaali lahaa noocyada la geliyo gudaha marinka maqalka.

Qof isticmaala waxyaabaha dhegaha laga soo laad-laadiyo hadaad tahay waxaad isku dayi kartaa inaad isticmaasho noocyada laga soo tijaabiyay laguna taliyay dhinaca xasaasiyadaha. Xasaasiyadaha iyo cun-cunka ku yaala qaybta banaanka ee dhegta waxay u fidi karaan marinka maqalka. Waxaa kale oo fiican in la isticmaalo shaambooga iyo saabuunta laga soo tijaabiyay xasaasiyada.   

Waa muhiim in hawo la siiyo marinka maqalka haddii aad isticmaasho qalabka dhegaha ay gashadaan dadka maqalkoodu liito     

Adiga oo ah qof isticmaala qalabka dhegaha waxaad ka fikirtaa inay fiican tahay in hawo la siiyo marinka maqalka iyadoo la iska saarayo qallabkan marka aanad isticmaalayn. Waxaa kale oo muhiim ah in la nadiifiyo aaladan si wax baakteeriya ahi aanay u gelin marinka maqalka.

Haddii badanaaba aad leedahay dhibaatada cun-cunka marinka dhegaha waxaa fiicnaan karta in la isticmaalo mid lagu xirto dhegta xageeda dambe inti la isticmaali lahaa qallab la geliyo gudaha dhegta.

Dhibaatooyinka iyo xanuunada ka dib yimaada

Xanuunka dhegta badanaaba keligii ayuu ku bogsadaa dhowr maalmood. Mararka qaarkood dareere ayaa ku sii harsanaan kara xuubka dhegta ee maqalka qaabilsan xageeda dambe wakhti ka dib marka bararka dhegtu uu bogsaday. Tani waxay keeni kartaa in maqalku sii xumaado wakhti kooban. Waxaa fiican in lala xiriiro dhakhtar haddii dhibaatadani ay sii waarto dhowr toddobaad ama sii xumaato. Caruurta ka yar afar sanno ee bararku kaga soo dhacay labada dhegoodba waa in mar kastaba ay tagaan booqasho soo noqod ah saddex bilood ka dib. Baaritaankan waxaa sameeya dhakhtar jooga xarunta caafimaadka. Haddii dhakhtarku ogaado in maqalku aanu si buuxda u soo noqon ama haddii xuubka dhegta ee maqalku aanu u eekayn mid caafimaad qaba waxaa warqada u gudbinta loo qoraa rugta dhegaha-sanka-cunaha.

Mastoydiit iyo dhibaatooyinka kale 

Xaalado tiro yar oo bararka dhegaha ah waxaa fida infekshanka oo keena dhibaato. Mastooydiit waxay tahay in bararka dheguhu u fiday lafta ka dambeysa dhegta. Waxaa calaamad u ah xanuun xoog ah dhinaca gudaha iyo xagga dambe ee dhegta, xummad iyo dheg dibedda u soo baxday. Dhinaca caruurta yar yar dhibaatadan si dhakhso ah ayay u iman kartaa oo maba la haleelo in la dareemo bararka dhegaha. Cudurkan waa khatar. Si toos ah daryeel uga raadso rugta deg-dega ee isbitaalka haddii aad aaminsantahay in adigaaga qofka weyn ah ama ilmahaagu leeyahay mastooydiit. Dadka leh mastooydiit waxaa la dhigaa isbitaalka oo si toos ah ayaa anti-bayootiga looga raaciyaa dhiiga. Dadka badankoodu way caafimaadaan ka dib daweyntan laakiin mararka qaarkood waxaa loo baahdaa qallitaan.

Bararka dheguhu waxaa kale oo uu sababi karaa tusaale ahaan wejiga oo qallala iyo bararka xuubka maskaxda haddii ay fido. Markaasi waxaad adigaaga qofka weyn ah ama ilmahaagu u baahantihiin daryeel caafimaad oo dhakhso ah. 

Cun-cunka marinka maqalka ee soo noqda    

Waa caadi in ay dib u soo noqoto cun-cunka marinka maqalka. Ka dhig dhegta mid qallalan oo isticmaal shaamboo iyo saabuun laga tijaabiyay xasaasiyada maadaama marinka maqalku mararka qaarkood ay sabab u tahay xasaasiyad. Tani waxay yarayn kartaa khatarta ah in ay kugu timaado dhibaato. Iska ilaali inaad faraha geliso gudaha dhegta. Waxa kale oo fiican in la isticmaalo sameecadaha daboola dhegaha halki laga istcmaali lahaa kuwa furka ah dhinaca dhegaha marka aad dhagaysanayso muusiga ama iska ilaalinaysid sanqadha xooga ah.

Waxaa kale oo aad infekshna ku yeelan kartaa qanjidhada maqaarka  

Waxaa kale oo aad infekshan ku yeelan kartaa mid ama dhowr ka mid ah qanjidhada maqaarka ee gudaha marinka maqalka si la mid ah sida aad u finan ugu yeelan karto wejiga. Tani badanaaba xanuun badan ayay keentaa, mararka qaarkoodna waxay keentaa barar iyo dheecaan ka soo baxa dhegta. Badanaaba waxaa loo baahdaa daweyn qaboojisa, mararka qaarkoodna waxaa loo baahdaa in waxan soo baxay uu furo dhakhtar. Faraha ha gelin dheecaankan maadaama ay keeni karto in infekshankan fido.

To the top of the page