Covid-19 waa cudur faafa. Talaalku waxa weeye habka ugu wax ku oolsan ee loogaga hortagaayo in si xun loogu jirado/xanuusto ama loogu dhinto cudurka. Waxa uu Talaalku sidoo kale gacan ka geysan karaa yareynta faafitaanka cudurka covid-19 ee bulshada dhexdeeda. Waxa sidaa darteed muhiim ah in dadka inta ugu badan ee suurtogalka ahi ay doortaan inay is talaalaan.