Sida looga cawdo adeegyada daryeelka caafimaadka
Så klagar du på vården - andra språk - somaliskaMiyaad kala kulantay khibrad xun daryeel caafimaad? Markaa waad ka caban kartaa. Waxaad uga caban kartaa siyaabo kala duwan. Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa waxa wanaagsanaa.
Waxaad sidoo kale ka caawin kartaa qof kale inuu ka cawdo adeegyada daryeelka caafimaadka. Markay sidaas tahay, qofkaas wuxuu u baahanyahay inuu ogolaado oo uu ku siiyo wax loo yaqaan wakiilnimada qareenka (fullmakt). Wakiilnimada qareenka, waxaad u sheegi kartaa waxa ku dhacay qofka.
Waxaad ka caban kartaa goobta aad ka hesho daryeelka
Waxaad ka caban kartaa goobta aad ka hesho daryeelka. Markay sidaas tahay, waxaad ka hadli kartaa waxa dhacay.
Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa waxa wanaagsanaa. Tan waxay gacan ka geysaneysaa hormarinta adeegyada daryeel caafimaad.
Waxaad sidan ku sameyn kartaa mid ka mid ah siyaabahaan:
- Soo wac rugta caafimaadka oo la hadal shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
- U qor rugta caafimaadka. Waxaad ku qori kartaa warqad ama fariin adoo isticmaalaya adeegyada elektarooniga ee 1177.se.
- Soo wac ama u soo qor maamulaha rugta caafimaadka. Waad sameyn kartaa tan, tusaale ahaan, haddii aadan ku qanacsaneyn sharaxaada shaqaalaha. Waxay sidoo kale noqon kartaa in xiriirka shaqaalaha uusan si fiican u shaqeyneyn.
Ma rabtaa inaad ka cabato daryeelka aad ka hesho degmada?
Waad ka caban kartaa haddii aad ku hesho daryeel caafimaad guriga ee degmada ka yimaado oo aadan ku qanacsaneyn.
Markay sidaas tahay, waa inaad soo wacdaa ama aad u soo qortaa kalkaalisada masuulka ka ah adeegyada daryeelka caafimaadka ee degmada. Kaalisada waxaa loo yaqaan MAS. MAS waxaa loola jeedaa kaalisada caafimaad ahaan masuul ka ah.
Waa inaad ku heshaa jawaab sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah
Waa inaad ku heshaa jawaab sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Waa inaad si ku haboon ugu heshaa jawaab afar isbuuc gudahood.
Mararka qaar waxay ku qaadataa waqti in ay rugta caafimaadka ogaato waxa dhacay. Markay sidaas tahay, jawaabta waxay qaadan kartaa in ka badan afar toddobaad. Rugta caafimaadka ayaa kuu sheegi doonto haddii sidaa tahay.
Sida aad ku heli kartid jawaab
Waxaad ku heli kartaa jawaab siyaabo kala duwan:
- warqad ahaan
- teleefon ahaan
- adoo la kulmaya shaqaalaha daryeelka caafimaadka
- sida fariin ahaan adoo isticmaalaya adeega elektarooniga ee 1177.se.
Waa inaad heshaa jawaab cad
Daryeel bixiyaha waa inuu ku siiyaa jawaab cad oo la fahmi karo.
Waxyaabaha hoose waa in lagu sheegaa jawaabta:
- maxaa dhacay iyo sababta
- cida la soo wacayo ama qoraalka loo soo dirayo haddii aad qabtid wax su'aalo ah.
Waxaad ka heli kartaa caawin guddiga la talinta Bukaanka (Patientnämnden)
Guddiga la talinta Bukaanka ayaa ku caawin kara markii aad u baahantahay inaad la xiriirto bixiye daryeel. Gudaha Iswiidhishka, guddiga la talinta Bukaanka waxaa loogu yeeraa Patientnämnden.
Tusaale ahaan, waxaad heli kartaa caawin aad:
- uga cabatid daryeel bixiyaha
- uga heshid jawaab daryeel bixiyaha
- ku ogaatid xuquuqaha aad ku leedahay daryeelka caafimaadka
- ku ogaatid maamuladee kale ayaad ugu caban kartaa.
Dhammaan gobollada ku yaalo Iswiidhan waxay leeyihiin guddiga la talinta Bukaan.
Sida loo weydiiyo caawin guddiga la talinta Bukaan
Waxaad u weydiin kartaa caawin guddiga la talinta Bukaanka siyaabo kala duwan:
- Waad soo wici kartaa.
- Waxaad fariin ku soo diri kartaa adeega elektarooniga 1177.se.
- Waxaad soo diri kartaa i-meel.
- Waxaad soo qori kartaa warqad.
Waa bilaash inaad caawin weydiisato guddiga la talinta Bukaanka.
Warbixinta xiriirka ee guddiga la talinta Bukaanka ee Iswiidhan (ivo.se). Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd af Iswiidish ah.
Miyaad soo wacday qadka caawinta 1177 oo ma rabtaa inaad ka cabatid wacitaanka?
Qadka caawinta 1177 waa lambar teleefon oo aad soo wici kartid markii aad u baahantahay tallo ku saabsan caafimaadka iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.
Waxaad ka caban kartaa wicitaanka taleefonka haddii aadan ku qanacsaneyn. Ka aqriso sida looga cawdo: Wacitaanada taleefonka ee ku aadan qadka caawinta 1177. Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd af Iswiidish ah.
Faallooyinkaaga waxaa loo dirayaa gobolka ka jawaabay wicitaankaaga.
Ma rabtaa inaad ka cabatid sheekada 1177 direkt?
1177 direkt waa sheekeysiga lala yeesho shaqaalaha daryeelka caafimaadka. 1177 direkt waxaa laga heli karaa gobolo badan oo Iswiidhan ah.
Waxaad ka caban kartaa sheekeysiga haddii aadan ku qanacsaneyn. Markay sidaas tahay, waa inaad soo wacdaa ama aad usoo qortaa rugta caafimaadka ee aad la sheekeysatay.
La xiriir guddiga la talinta Bukaanka haddii aadan hubin rugtee aad la sheekeysatay.
Tan waa sida aad caawin uga heli kartid guddiga la talinta Bukaanka.
Ma qabtaa dhaawac uu keeno adeegyada daryeelka caafimaadka?
Mararka qaar waxaad heli kartaa lacag haddii uu dhaawac kaa soo gaaray adeegyada daryeelka caafimaadka. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay ku waxyeeshay daaweyntaada ama daawadaada. Markay sidaas tahay, waa inaad lasoo xiriirtaa guddiga la talinta Bukaanka ee gobolkaaga.
Tan waa sida aad caawin uga heli kartid guddiga la talinta Bukaanka.