Baaritaanada inta aad leedahay uurka – baaritaanada uurjiifka
Undersökningar under graviditeten - somaliskaMarkii aad uur tahay, waxaad qaadan kartaa baaritaanada uurjiifka ee ilmo galeenka. Baaritaanadaan waxaa loo yaqaan baaritaanada uurjiifka. Adiga dooro haddii aad rabtid inaad martid baaritaanadaan.
Waxaa wax lagaa weydiin karaa dhowr baaritaano kala duwan
Marka aad uur leedahay, waxaad qaadan kartaa hal baaritaanadaan ama ka badan:
- raajada kumbuyuutarka
- KUB – raajada kumbuyuutarka iyo baaritaanka dhiiga la isku daray
- Baaritaanka dhiiga NIPT
- baaritaanka biyaha canuga
- baaritaanka mandheerta.
Umulisadaada ayaa kuu sheegeyso baaritaanada aad qaadan kartid.
Maxay baaritaanada muujiyaan?
Baaritaanada waxay muujinayaan sida uurjiifka u korayo. Waxay sidoo kale muujin karaan haddii wax aysan sax aheyn.
Umulisadaada ayaa wax badan kaaga sheegi karta baaritaanada iyo waxay muujin karaan.
Waa go'aankaaga
Umulisada waxay ku weydiin doontaa haddii aad rabto inaad sameyso baaritaanada ogaanshaha uurjiifka. Laakiin kuwaan ayaa gabi ahaanba iqtiyaari ah. Tan waxay ka dhigantahay inaad naftaada u go'aansatid haddii aad rabtid inaad qaadatid ama aadan qaadan baaritaanada.
Ma jirto cid kale oo taas kuu go'aamin karta. Waxa ah sax ama qalad ayuu qofba si fahansan yahay. Sidaas darteed, waa inaad mar walba sameysaa waxa adiga kugu haboon.
Kala hadal umulisadaada
U sheeg umulisadaada haddii aad rabtid inaad baaritaanada martid. Fadlan tixgeli waxaad ku fikiraysid oo ay kula yihiin baaritaanada. Weydii umulisadaada haddii aad wax su'aalo ah qabtid.
Waad bedeli kartaa fikirkaaga xili walba. Xattaa waxaad baddeli kartaa isla markaa aad maraysid baaritaanada.
Raajada kumbuyuutarka
Waa wax caadi ah in la qaato laba raajo kumbuyuutar ah intaad uurka leedahay.
Raajada kumbuyuutarka koowaad waxaa badanaa la sameeyaa inta u dhaxeysa isbuucyada 11 iyo 14 aad. Raajada labaad waxaa badanaa la sameeyaa inta u dhaxeysa isbuucyada 18 iyo 22 aad.
Maxaa dhaco inta la qaadayo raajada kumbuyuutarka?
Waxaad ku seexanaysaa sariirta. Umulisada waxay calooshaada marin doontaa jeel.
Umulisada ayaa kadib saari doontaa qalab gaar ah calooshaada. Waxaad shaashadda ku arki doontaa uurjiifka.
Umilisada ayaa fiirineyso sida uurjiifka u korayo. Waxaad ogaaneysaa ku dhawaad taariiqda aad dhaleysid iyo haddii aad calooshaada ku leedahay wax ka badan hal uurjiif.

KUB – raajada kumbuyuutarka iyo baaritaanka dhiiga la isku daray
Mararka qaarkood waxaa lagu weydiinayaa haddii aad rabto inaad martid baaritaanada loo yaqaan KUB. Wuxuu ka kooban yahay raajada kumbuyuutarka iyo baaritaanka dhiiga. KUB waxaa badanaa la sameeyaa isbuuca 12.
Maxaa dhaco inta lagu jiro baaritaanka KUB?
Marka hore dhiig ayaa lagaa qaadi doonaa. Intaa ka dib, waxaad qaadaneysaa raajada kumbuyuutarka.
Waxaad heleysaa natiijooyinka KUB isla markiiba ka dib raajada kumbuyuutarka.
Baaritaanka dhiiga NIPT
NIPT waa baaritaan dhiig. Muuno ayaa laga qaadayaa xididdada dhiigga ee garabkaaga. Waxaa lagu weydiin karaa haddii aad rabtid inaad qaadatid NIPT ka dib KUB.
Baaritaanka biyaha canuga
Gudaha ilmo galeenka, waxa ku jira biyaha canuga ee illaaliyo uurjiifka. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad keento muunada biyaha canuga kadib baaritaanka KUB.
Maxaa dhaco inta lagu jiro baaritaanka biyaha canuga?
Dhaqtar ayaa qaado muunada isagoo isticmaalayo cirbad uu kaa geliyo calooshaada. Baaritaanka xanuun ma lahan.
Baaritaankaan ayaa yara kordhiyo qatarta ka soo dilanka. Laakiin qatarta ayaa weli aad u yar.
Baaritaanka mandheerta
Gudaha ilmo galeenka, mandheerta ayaa uurjiifka siiso nafaqo iyo neef. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad muuno ka bixisid mandheerta baaritaanka KUB kadib.
Maxaa dhaco inta lagu jiro baaritaanka biyaha canuga?
Dhaqtar ayaa qaado muunada isagoo isticmaalayo cirbad uu kaa geliyo calooshaada. Baaritaanka xanuun ma lahan.
Baaritaankaan ayaa yara kordhiyo qatarta ka soo dilanka. Laakiin qatarta ayaa weli aad u yar.
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad gaarto go'aano adag
Haddii ay baaritaanada muujiyaan in wax aysan sax aheyn, waxaad u baahan kartaa inaad go'aano adag gaartid. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay maraan iska soo xaaqid oo soo ridaan uurka. Dadka kalena waxay rabaan inay haystaan uurjiifka iyadoon loo eegin waxa baaritaanada muujinayaan.
Waa qofka uurka ah kan go'aansado waxa ay rabaan inay sameeyaan.
Adiga ayaa go'aan ka gaari kara illaa isbuuca 18 ee uurka. Intaa ka dib, sharciyo gaar ah ayaa quseeya iska soo xaaqida. Umulisadaada ayaa wax badan kuu sheegi karta.
Haddii aad u baahantahay inaad qof la hadashid
Mararka qaar waxtar ayay kuu yeelan kartaa inaad qof la hadashid. Wuxuu noqon karaa qof aad taqaanid ama la taliye. U sheeg umulisadaada haddii aad rabtid inaad la hadasho la taliye.
La hadlida la taliyaha waa lacag la'aan.