In ilme la daryeelo

Beddelka caanaha naaska iyo naqafaqo-kabista

Bröstmjölksersättning och tillskottsnäring - somaliska

Carruurta aan caanaha naaska la siinin ayaa u baahan inay helaan beddelka caanaha naaska. Waxa kuwaas u sameysan yihiin si ay ugu ekaadaan caanaha naaska. Marka uu ilmahu bilaabo inuu cuntada caadiga ah cuno ayuu taas beddelkeeda ilmahu heli karaa waxa loo yaqaano nafaqo-kaabis.

Carruurta qaar ayaa la isku siiyaa caanaha naaska iyo beddelka caanaha naaska. Halka qaar kalena beddelka caanaha naaska oo kaliya uun la siiyo. 

Läs texten på svenska här.

Bedelka caanaha naaska

Waxa beddelka caanaha naaska ku jira wax kasta oo uu ilmahu u baahan yahay lixda bilood ee ugu horreeya. Waayo waxay aad ugu dhow yihiin caanaha naaska. Hase yeeshee ma siiyaan difaac la mid ah ka ay ka helaan caanaha naaska ee caabuqa/infegshanka ka ilaalinaaya. 

Bedelka caanaha naaska ayaa sidoo kale loo yaqaanaa bedelka caanaha hooyada, caanaha daasada ama caanaha kaabitaanka. 

Nafaqo-kaabista

Waxa uu ilmahu u baahan karaa nafaqo-kaabista marka ugu horeysa ee uu lix bilood jir gaadho. Waxa kaas la siiyaa carruurta bilowday inay cunaan cuntada caadiga ah. Nafaqo-kaabista ayaan loo sameyn in aanay noqon cuntada kaliya ee uu ilmahu qaadanaayo.  

Haddii aad doorbidey inaad sii wadato siinta bedelka caanaha naaska ayay taasi sidoo kale okay tahay. Wuxuu markaa ilmahu u baahan karaa inuu waxoogaa macdanta birta ah oo dheeraad ah helo. 

Kaliya isticmaal bedelka caanaha ee la ansixiyey

Waa inuu ilmahu helaa beddelka caanaha ee qiyaasta ilmaha da'diisa loo sameeyey/lagu beegay.  Waxaad dukaamada cuntada ama farmasiiyada ka soo iibsan kartaa beddelka caanaha naaska iyo quudinta dheeraadka.  

Kaliya isticmaal bedelka caanaha ee Iswiidhan loo ansaxiyey. 

Waxa beddelka caanuhu yihiin budo aad biyo ku qasayso/walaaqeyso. Waxa sidoo kale jira beddelka caanaha oo hore la iskugu soo qasay.

Mujuruca iyo masaasadda

Waxa caadi ah in ilmaha beddelka caanaha naaska lagu siiyo masaasad. Waxa jira habab kala duwan oo mujuruc iyo masaasad ah.  

Isku tijaabiya hab ilmaha ku haboon. 

Tan ayaa wanaagsan marka laga fikiraayo waxyaabaha khuseeya masaasadda iyo mujuruca:  

  • Dooro masaasad qaadi karta ugu yaraan 250 millilitir.  
  • Hubi in aanu mujurucu daloolin. 
  • Masaasadda beddel haddii ay xoqanto. 
  • Dooro mujuruc qiyaas ahaan ilmaha da'diisa ku haboon.  

Sidan ayaa beddelka caanaha iskugu qaseysaa

Waxa muhiim ah in nadaafadda la ilaaliyo marka caanaha la qasaayo.  

Tan ayaa wanaagsan in laga fikiro : 

  • Gacmaha marka hore dhaq. Hubi inay meesha agtaadu nadiif tahay.  
  • Hubi in dhalada iyo mujurucu ay nadiif yihiin. 
  • Isticmaal biyo qabow oo aad qasabadda ka soo shubato. Qofka biyaha ka soo qaata ceel uu isagu leehay ayay tahay inuu marka hore tayada biyaha iska hubiyo/eego. 
  • Raac qiyaasta lagugu siiyey baakada. Ha ku shubin budo ka badan ama ka yar.  
  • Beddelka caanahu waa inay diirimaad ahaadaan. Heerkulka ku eeg iyadoo aad dhowr dhibcood gacanta ku shubeyso.  
  • Iska ilaali inaanad bedelka caanaha mikrovågsugn ku diirisid.  
  • Xilli kasta oo cunto u qas bedelka caanaha ama nafaqo-kaabista.  Bedelka caanaha ee la qasay waa inaad ugu badanaan saacad kaliya uun keydsataa. 

Sidan ayaad ilmaha wax u siineysaa

Sidan ayaad ilmaha dhalada wax ugu siineysaa  

  • Ilmaha jidhkaaga ku soo dhawee. Waxa fiican haddii aad dubka dubka u saarto. 
  • Mujuruca ku taabo afka ilmaha. Marka uu ilmahu mujuruca raadsado ee uu afka kala qaado ayaad mujuruca afka ilmaha galin kartaa.  
  • Janjeedhi masaasadda si aanay caanuhu mujuruca oo dhan uga wada buuxsamaan. Haddii kale hawo ayuu ilmahu liqayaa/qaadanayaa. 
  • Masaasadda ha dhaqdhaqaajin oo u ogolow inuu ilmahu xawaaraha uu wax ku cabaayo go'aamiyo. Nasasho qaado haddii uu ilmahu u baahan yahay. 
  • U ogolow inuu ilmahu jaqo ilaa inta uu isagu kaligiis iska sii deynaayo. 

Sidan ayaa ilmaha masaasadda wax ugu siineysaa

Markaas ayaad masaasadda iyo mujuruca nadiifinaysaa

Masaasadda iyo mujuruca ku maydh dawada/saabuunta weelka lagu xalo iyo biyo diiran. 

Waxaad masaasadda ku maydhi kartaa mishiinka weelka lagu dhaqo laakiin mujuruca ha ku maydhin. 

Haddii aad talo iyo taageero u baahan tahay

Wakhti ayay qaadan kartaa ka hor inta ay quudinta masaasaddu si fiican ugu shaqeynayso waxaanad u baahan kartaa inaad u sabirto. Qofka su'aalo qaba ama caawimo u baahan ayaa BVC la xidhiidhi kara. Todobaadka ugu horreeya ee dhalmada ka dib ayaad BB la xidhiidhi kartaa. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page