Baaritaanka kansarka ee naasaha hablaha lagu sameeyo ayadoo la adeegsanoyo qalab raajo

Waxaad heshay ballanta baaritaanka naasaha ee loo yaqaanno [mammografi]

Du har fått en kallelse till mammografi - somaliska

Dalka Iswiidhan waxaa raajada naasaha awgeed, hab joogto ah loo yeedhaa dhamaan haweenka ah da’yo cayiman. Raajada naasaha waxaa lagu magacaaba [mammografi]. Baaritaankan waxaa lagu magacaaba baaritaanka baahsan. Ujeedada baaritaankan baahsan waa in la helo haddii ay jiraan wax isbaddelo ah oo tilmaamayo jiritaanka kansarka naasaha. Adigu waxaad lahaan kartaa kansarka naasaha iyadoo aanad dareemin. Fursada in laga bogsado kansarka naasaha way korodhaa haddii cudurkan la helo wakhti hore. Baaritaanka baahsan ee sawirka naasaha waxaa qiyaastii mar kastaba wakhti hore lagu heli karaa kansarka naasaha iyo xitaa marxaladaha hore ee kansarka naaasaha.

Qayb ka mid ah isbaddelada hore ee kansarka marnaba ma u gudbaan kansar naaso oo khatar ah, laakiin maaha suurtagal in wakhti hore la sii ogaado. Sidaas darteed, waxaa kansarada naasaha oo dhan loo daweeyaa sidii haddii kuwa noqon lahaa kuwa khatar ah. Mararka qaarkood waxaa baaritaanka baahsan keeni karaa daaweynta ka hortaga kansarka naasaha oo aan baahi loo qabin.

Baaritaanka ku salaysan raajada naasaha wuxuu u dhaca si dhakhso ah. Uma baahnid inaad isu diyaarisid. Kalkaaliyayaal caafimaadeed oo hab gaar ah u tababarsan ayaa ku daryeeli doono xilliga booqashada oo samaynaya baaritaankan.

Ballantan aad heshay ee ku qoran af-iswiidhishka ayay ku taalaa halka aad tegayso iyo wakhtiga aad ballansantahay. Haddii aanad tegi karin xilligaasi waa caadi in aad hesho wakhti cusub. Baaritaanka baahsan qasab ma ah ee waa ikhtiyaari. Xilliga booqashada waxaad u baahantahay inaad haysato kaadhkaaga aqoonsiga. Qof wehel ah ayaa soo kaxaysan kartaa.

To the top of the page