Calaamada cudurka/cudurka

Injirta timaha gasha

Löss i håret - somaliska

Miyey timaha meesha maqaarka ku dhow ku cuncunaysaa? Waxa laga yaabaa inay injiri sababa u tahay. Injirtu waxay kaliya ku faaftaa marka timaha xiriir tooska ah la yeeshaan timo. Waa inaad iskaga daaweysid sida ugu dhakhsaha badan, haddii ay injiri ku gashay. Taas adiga ayaa guriga ku sameyn doona.

Waa maxay injirta timaha gashaa?

Ukunta injirta ayaa laga arki karaa timaha.
Injirta dhererkeedu waa 2-3 millimitir.
Shalnada injirta oo dhowr xabbo oo injir ahi ku jirto.

Injirta waxa sidoo kale loo yaqaan injirta madaxa, waana xayawaan yaryar oo ku dhex nool timaha, meesha u dhow maqaarka. Waa ay yaryar yihiin, iyadoo sidaa daraadeed ay adagtahay in la arko. Injirta badanaa ma laha wax midab ah, laakiin sidoo kale waxay noqon karaan cawlaan, bunni, madow ama guduud. 

Injirtu waxay jaqdaa dhiigga iyadoo ukun yaryar, oo wareegsan oo cadaan ah dhigta. Injirtu waxay si fiican uga heshaa meesha diiran, tusaale ahaan, timo ka dheer 3 sentimitir.

Sidee ayay injirtu ku faaftaa?

Injirtu waxay dadka dhexdiisa ugu faaftaa, iyadoo ay timuhu si toos ah ugu taabtaan/ula xiriiraan qof kale timihiisa. Wax faraq ah ma sameynayso haddii aad nadiif tahay iyo haddii aad wasakh tahay. Qof kasta oo timo madaxa ku leh ayay injirtu gali kartaa. 

Injirtu ma duuli karto mana boodi karto. Sidaa darteed, ayaanad ugu baahneyn inaad tusaale ahaan dhaqdid, gogosha sariirta, shukumaanada/tuwaallada ama alaabta lagu ciyaaro. Hase yeeshee, injirtu waxay mararka qaarkood timaha iskaga faafi kartaa shanlada/gar-feedha/ iyo burushka timaha, kuwaas oo markaas u baahan in la nadiifiyo.

Sidee ayaan ku ogaan karaa inaan injirta qabo?

Waxaad ku ogaaneysaa inaad injir qabto maadaama oo ay timahu ku cuncunayaan. Waxa badanaa ku cuncuna qoorta iyo dhinacyada madaxa. Waxaad marmar qaarkood aad arki kartaa ukunta injirta, haddii aad xoog u eegto.

Waxaad sidoo kale fiirin kartaa barkintaada. Halkaas ayaad marmarka qaarkood ku arki kartaa buddo madow, haddii aad injir leedahay.

Timahaaga ku shalnee shalnada injirta

Timahaaga ku dul shalnee waraaq cad.

Habka ugu fudud ee lagu eegi karo inay injir timahaaga ku jirto waa inaad ku shalneysato shalnada injirta. Shalnada injirta ayaa laga soo iibsan karaa farmasiyaha.

Sidan samee:

  • Fadhiiso miiska agtiisa.
  • Warqad cad hortaada dhig.
  • Timaha si taxadir leh ugu dul shalnee warqadda dusheeda.
  • Eeg warqada haddii aad arki karto wax injir ah. 

Sidan ayaad sameynaysaa si aad qof kale injirta uga shalneyso

Waxa badanaa dhibyar in la shalneeyo timaha qof kale halkaad kuwaaga ka shalneyn laheyd.

Sidee ayaan iskaga saaraa injirta?

Adiga ayaa guriga iskaga daaweynaaya si aad iskaga saartid injirta. Ku billow inaad ku shalnayso shalnada injirta. Ka dibna daawada injirta mari timaha iyo timaha guntooda. Waxaad daawada injirta ka iibsan kartaa farmasiiga. Ku celi daaweynta toddobo maalmood ka dib.

Qof kasta oo ka weyn labo sano ayaa lagu daaweyn karaa daawada injirta. La xiriir xarunta daryeelka caafimaadka kahor inta aanad carruurta laba sano ka yar ku daaweynin.

Dhamaan dadka si wadajir ah meel ugu wada nool, waa in isku mar la wada daaweeyo. Ka fogow taabashada ay timahu taabanayaan timo kale ilaa inta aad daweyntawaqtiga labaad iyo kan ugu dambeeya aad sameynaysaan. Haddii kale waxaa jiri karta khatar ah in mar labaad injirtu dib u fiddo.

Haddii ay adag tahay in timaha la shalneeyo

Waxa adkaan karta in la wada shalneeyo timaha oo dhan haddii ay timuhu aad u iskugu duuduuban yihiin ama qaro weyn yihiin. Markaas waxaad isku dayi kartaa inaad marka hore timaha saliid mariso. Kadibna shalno caadi ah ama burush ku shalnee kolba qeyb yar. Markaa ka dib ayaad ku shalneyn kartaa shalnada injirta.

Maxaan sameeyaa si aanan mar kale u qaadin injir?

Sii waddo inaad timahaaga si taxadir leh, u sii shalneysid labada toddobaad ee ka danbeeya daaweynta. Timaha shalnee ugu yaraan laba jeer toddobaadkii. 

Xilliga xagaagu waa waqtiga ugu badan ee ay injirtu faafto. Sidaa darteed, waa muhiim in la shanleeyo lana daaweeyo carruurta injirta nool leh ka hor intaan xilliga deyrtu bilaabmin.

Waxaad mar kale qaadi kartaa injir, xataa haddii ay kaa wada baxdey injirtu. Shalnada injirta ku shalnee timahaaga iyo timaha carruurtaada marka ugu horeysa ee aad ogaato in ay injir ku jirto xanaanada ama dugsiga. Marba marka ay ka sii horeyso wakhtiga aad ogaato injirta, ayay ka sii fududahay in la iska wada saaro.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page