SOOMAALI/SOMALISKA

Warbixin ku saabsan tallaanka TBE ee carruurta Sörmland

Information om TBE-vaccination till barn i Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

Waa maxay TBE?

TBE waa kelmed ingiriis ah oo la soo gaabiyey waana cudur magacii. Tick Borne Encephalitis. Marka luqadda iswiidhishka lagu turjumo waa xannuun uu keenno shilin ama gafane oo maskaxda ku dhaca (Fästingburen hjärninflammation).

Sidee ayuu u faafaa TBE?

TBE waa fayrus uu sababo shilin ama gafane wax qaniina. Shilintu waxay joogtaa ama laga helaa meelaha cawska iyo dhirta gaagaaban. Xayawaano badan sida tusaale ahaan cawsha iyo jiir ama dooli duureedku, waxa la socda oo ay wataan shilin. Cudurku wuxuu faafaa bilaha maarso- nofembar marka xaraarada hawadu ay balas noqoto (plus grader).

Cudurka TBE ma caadi ah ayuu ka yahay Sörmland?

Cudurka TBE waa mid aan caadi ahay laakiin gobolada Sörmland, Uppsala iyo Stockholm TBE aad ayuu caadi uga yahay marka loo eego wadanka intiisa kale, inkastoo dad badan ay iska tallaalaan. Sannadkii 2018 waxa gobolka Sörmland laga soo diiwaangeliyey wax ka badan 40 kiis oo cudurka TBE ah laakiin kumay jirin wax carruur ah oo xannaanooyinka dhigtaa.

Waa maxay astaamaha TBE?

Qofku wuu qaadikaraa cudurka TBE isaga oo aanay ku dhicin wax astaan ahi habba yaraatee. Inta badan carruurta yaryari way ka fudud yihiin dadka waaweyn markuu cudurku kudhaco. Caadiyan waxa qofka ku dhaca qandho ama xumad dhowr maalmood kadibna wuxuu qofku dareemaa inuu waxyar fiican yahay. Haddana dhowr maalmood kadib waxa qofka ku dhaca maskaxda oo xannuunta taas oo keenta madax xannuun, qandho, lallabo ama yalaalugo iyo xitaa marmarka qaarkood dhibaato kaga timaado hadalka ama dhinaca dhaqdhaqaaqa.

Dhadkee ayaa u baahan in gabaad looga sameeyo ama laga ilaaliyo TBE?

Waxa u baahan carruurta iyo dadka waaweyn ee aada ama taga duurka/dabeecada (naturen) ama deggen gobolka Sörmland ama meelo ka mid ah wadanka Iswiidhan ama jooga Yurub halkaas oo uu dadka ku dhicikaro dudurka TBE.

Sidee ayaa laysaga ilaaliyaa cudurka TBE?

Sida ugu wanaagsan ee laysaga ilaalinkaraa waa qofka oo iska tallaalada cudurka TBE. Markuu ilmahaagu bannaanku cawska ku cayaaro ka fiiri jirkiisa shilinta ama gafanaha. Ka qaad shilinta ama gafanaha ilmha jirkiisa sida ugu dhakhsaha badan.

Tallaalka TBE saamayn dhibaato ah ilmahayga ma kuyeelankaraa?

Tallaalka TBE waa mid la hubo oo carruurta Yurub deggen sannado badan laga tallaalayey. Saamaynta dhinaca waxyeelada ee uu tallaalku carruurta ku samaynkaraa waxa weeye marka imaha la tallaalo kadib gacantii laga tallaaley ayaa xannuunta. Ma jiraan dhibaatooyin la ogyahay oo khatar ah.

Xagee ayaan ilmahayga ku tallaalaa kharashka ku baxayaase waa imisa?

Tallaalka TBE waa u bilaash dhammaan carruurta buuxisey 3 sannadood iyo ilaa inta uu qofku buuxinayo 19 sannadood gobolka Sörmland. Waxa layska tallaalikaraa rugta caafimaadyada (vårdcentraler) iyo meelaha baraayfadada ah sida gaarka ah loo leeyahay ee layska tallaalo kuwaas oo heshiis lagay Gobolka Sörmland.

Xagee ayaan anigu ka akhrisan karaa warbixin intaa dheer oo ku saabsan TBE:

www.1177.se

To the top of the page