Soomaali/Somaliska

Uurka leh

Graviditet - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
  • Dhibaatooyinka badanaa xilliga uurka la yeesho

    Vanliga besvär under en graviditet - somaliska

    Markaad uurka leedahay ayuu uurku jidhka siyaabo kala duwan u saameeyaa. Wuxuu keeni karaa dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatooyinkaas ayaa dhalmada ka dib kaa taga.

  • Soo xaadhista uurjiifka

    Abort - somaliska

    Soo xaadhista uurjiifka ayaa ah marka uurka dhexda lagu joojiyo. Adigaaga uurka leh ayaa go’aansanaya in aad iska soo xaadho iyo in kale.

  • In la yalaalugoodo (lalaboodo) marka uur la leeyahay

    Att må illa under graviditeten - somaliska

    Waa wax caadi ah in la yalaalugoodo/lalaboodo oo la matago marka uur la leeyahay. Inkasta oo ay wax adag/la dhibsado noqon karto, ayaanay haddana taasi waxyeello adiga iyo ilmaha toona u laheyn. Waxa jira waxyaalo aad sameyn karto si aad uga roonaato.

  • Xanuunka miskaha ee xilliga uurka

    Att ha ont i bäckenet under graviditeten - somaliska

    Markaad uurka leedahay ayay xubnaha kala-goysyada jidhku noqdaan qaar ka dhaqdhaqaaq badan. Waxaad markaas xanuun ku yeelan kartaa miskaha. Taasi waa wax caadi ah oo badanaa dhalmada ka dib kaa tagta.

  • Dhiigkarka yimaada xilliga uurka

    Havandeskapsförgiftning - somaliska

    Havandeskapsförgiftning (dhiigkarka yimaada xilliga uurka) waa cudur aad qaadi karto markaad uurka leedahay. Waxaad yeelanaysaa dhiig kar. Taasi ayaa adiga iyo ilmahaba saameyn karta. Si cadaadiska dhiiggaaga loogu dejiyo waxaad u baahan kartaa nasasho iyo dawo lagu siiyo.

  • Foosha iyo xanuunka foosha

    Sammandragningar och värkar - somaliska

    Ilmo-galeenku waxa weeye muruq. Mararka qaar ayuu ilmo-galeenku xilliga uurka dhuujismaa/giigsamaa. Waxa tan loo yaqaannaa fool (sammandragningar). Marka la gaadho wakhtigii umusha ayuu sidoo kale ilmo-galeenku giijismayaa. Waxa tanna loo yaqaannaa xanuunka foosha.

  • Khamriga iyo uurka

    Alkohol och graviditet - somaliska

    Khamri ha cabin markaad uurka leedahay. Waxa khamriga ku jira maadooyin khatar ah oo ilmaha caloosha ku jira dhaawici kara. Dumarka ay ku adagtahay inay cabitaanka khamriga joojiyaan ayaa taas laga caawimo karaa.

  • Tubaakada iyo uurka

    Tobak och graviditet - somaliska

    Waxyeelo ayay kuu keeneysaa haddii aad tubaakada isticmaasho markaad uurka leedahay. Ilmaha uurka ku jira ayaa maadooyin khatar ahi ka soo gaadhi karaan tubaakada. Sidaas darteed tubaako ha isticmaalin markaad uurka leedahay. Haddii ay kugu adagtahay inaad joojiso ayaa taas lagaa caawin karaa. Waxyaalaha ay tubaakadu ku jirto waxa ka mid ah sigaarka

  • Booqashada xarunta umulisada

    Besök på barnmorskemottagningen - somaliska

    Markaad uurka leedahay ayaad booqan doontaa xarunta umulisada. Waxa ay ujeedada booqashadu tahay si loogu eego sidaad adiga iyo ilmaha uurka ku jira aad tihiin. Waxa lagu siin doonaa talo iyo gargaar ku wajahan sidii aad dhalmad iskugu diyaarin laheyd. Booqashadu waa kuu bilaash.

  • Miyaad uur leedahay mise dhawaan ayaad ilmo dhashay? Rayigaaga/Ereygaaga ka dhiibo

    Gravid eller nyss fött barn? Gör din röst hörd - somaliska

    Haddii aad uur leedahay ama hadda uun aad ilmo dhashay/umushay waxa aad fursad u leedahay inaad ka qeybqaadato rayi ururinta loo yaqaan Rayi ururinta uurka (Graviditetsenkäten.) Waxaad taas/Halkan kaga jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan sida aad daryeelka u heshay xilligii aad uurka laheyd,dhalmada ka dib ama hal sanno dhalmada/umusha ka dib. Waxaad sidoo kale ka jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan adiga caafimaadkaaga. Uur kasta iyo dhalmo kastaaba waa mid gaar sidaas darteed ayay muhiim u tahay inaad ka qeybqaadato. Jawaabahaaga ayaa gacan ka geysanaya horumarinta daryeelka.

To the top of the page