Umusha/dhalmada

Foodhaca (framfall) ka dib markaad ilmo dhasho

Framfall efter att du har fött barn - somaliska

Waxa uu foodhacu ka dhigan yahay inay wax ka soo kuusan yihiin/ka soo baxaan daloolka farjiga. Waxa ka soo baxay waxa uu noqon karaa ilmo-galeenka ama siilka gudahiisa. Taasi waa wax la dhibsan karo laakiin waxa jirta daweyn ku caawin karta.

Foodhaca waxa sabab u noqon kara iyadoo uu daloolka farjigu weynaaday uurka ka dib.

Läs texten på svenska här.

Sidan ayaa la dareemi karaa

Tani waa tusaale ka mid ah dhibaatada:

  • Waxa la dareemayaa inay hoostu ku culustahay.
  • Waxan soo kuusan ayaa nabar ku dhici kara.
  • Kaadida ayaa kugu adkaan karta. Waxaad sidoo kale noqon kartaa qof si dhibyar kaadidu u qabato ama isku kaaja.
  • Inuu xaarku kaa yimaado ayaa kugu adkaan karta. Waxa sidoo kale kaa dareeri karta saxaro ama dhuuso.

Waxa nooca dhibaatada ee aad yeelanaysaa ku xidhan tahay waxa uu yahay waxa farjiga ka soo foodhaca. Waxaad dhibaatada ka yara nafistaa markaad jiifsato.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsan karaa?

La xidhiidh daryeelka caafimaad haddii aad u malaynayso inaad foodhac qabtid.

Waxaad sugi kartaa ilaa inta ay maalin shaqo noqonayso haddii ay maalmaha fasaxyada tahay.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso.

Haddii ay xaaladu degdeg tahay

Waxa laga yaabaa in si ka degdeg badan daryeel caafimaad loo raadsado haddii ay waxyaalahani adiga kugu haboon yihiin:

  • Waxa xoog/aad kuugu adag kaadida ama maba kaaji kartid gabi ahaanba.

La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda:

  • Qeybta dhalmada (förlossningsavdelningen) ee aad ilmaha ku dhashay.
  • Rugta heeganka ee furan.
  • Xarunta umulisada.
  • Rugta gynekologisk mottagning.
  • Xarunta caafimaadka (vårdcentral).

Haddii ay xidhan yihiin ama aanay ku qaabili karin, daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaargka degdega.

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Maxaan samayn karaa?

Waxay tani yareyn kartaa dhibaatada ama waxay dhimeysaa khatarta lagu qaadayo :

  • Murqaha hoosta jimicsi/tabobar u samee/adkee. Waxa loo yaqaanaa Jimicsigaaga sagxada miskaha.
  • Ka fogow inaad waxyaabo culus qaado.

Waxyaabahan ayaa kuu fududeyn kara inaad saxarooto/xaarto:

  • Inaad cunto cuntooyinka uu faybarku ku badan yahay oo aad biyo badan cabto. Waxay taasi keeneysaa inay saxaradu ka jilicsanaato oo ay kuu fududaato inaad xaarto.
  • Musqusha toos u aad markaad saxaro u baahan tahay.
  • Kubad lugaha hoostoda gasho, markaad kursiga musqusha ku fadhido. Waxay midhicirka u sahlaysaa inay saxaradu kaa soo baxdo.
  • Waxa kaa caawin kara markaad faraha ku qabato farjiga markaad isku dayayso inaad saxarooto.

Waxyaalahan ayaa kuu fududeyn kara inaad kaadido:

  • Markaad kaadidey ayaad kor u istaagi kartaa oo aad horay u foorarsan kartaa. Fadhiiso oo isku day inaad haddana kaadido.

Baadhitaanada

Dhakhtarka ayaa sameyn doona baadhitaan xanuunada dumarka (gynekologisk) isagoo baadhitaanada ku sameyn doona ultraljud. Dhakhtarka ayaa xitaa malawadka dareemi kara.

Waxa sidoo kale lagaa qaadi karaa shaybaadh kaadi ah.

Dadka qaar ayaa u baahan kara inay baadhitaano badan sameeyaan ama shaybaadho kale iska qaadaan.

Daaweynta

Waxa lagu siin karaa fargal balaastik ah oo khaas ah oo aad farjiga geliso. Waxa uu fargalku keenaain aanay waxba soo foodhacin karin. Umuliso ayaa kaa caawin doonta in fargalka farjiga la geliyo.

Qaliin ayaa laguu sameyn karaa haddii aad dhibaato badan leedahay.

Uurka

Waxa dhici karta inaad uur qaado oo aad uur yeelato, xitaa haddii ay wax kaa soo foodhaceen (framfall). La hadal dhakhtarka ama umuliso haddii aad qorshaynayso inaad uur yeelato.

In galmo la sameeyo

Wax dhib ah ma leh inaad galmo samayso haddii aad foodhac leeday.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page