Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Talaalka covid-19

Vaccination mot covid-19 - somaliska

Covid-19 waa cudur faafa. Tallaalku waxa weeye habka ugu fudud/haboon ee loogaga hortagaayo in cudurka si xun loogu jirado ama loogu dhinto. Waxa uu tallaalku sidoo kale gacan ka geysanayaa dhimista faafitaanka cudurka covid-19 ee bulshada dhexdeeda. Waxa sidaa darteed muhiim ah inay dad badani doortaan inay is tallaalaan.

Waxaad u baahan tahay in laba cirbadood lagu siiyo, waxaana loo baahan yahay in 3-4 toddobaad u dhaxeeyaan cirbadda koowaad iyo tan labaad.
Waxa tallaalka cirbad lagaaga siinayaa cududa.

Gobolkaaga ayaa ah cidda talaalka ka mas'uulka ah. Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa khuseeya meesha aad joogto.

Uma baahnid inaad tallaalka covid-19 lacag ka bixiso.

Adiga ayaa go'aaminaaya haddii aad rabto inaad is tallaasho.

Macluumaadka qoraalka ayaa khuseeya carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Du kan läsa texten på svenska här.

Sörmland

Sidan ayaa balan uga qabsan kartaa gobolka Sörmland

Tellefon nambarkan ayaad soo wici kartaa 016-104044 hadi aad dooneyso in lagugu caawiyo luuqada ad ku hadasho.

Luqadaha kala ah Arabiska, engelska, finska, Somaliska iyo Svenska.

Xitaa internetka aya uga balansan kartaa luuqada Svenska.

Meeshaas ayaa kaheli kartaa macluumaad dheeri ah oo ku qoran luuqada Svenska sida ama habka aad u balansan karto waqti qadka internetka.

To the top of the page