BAARITAANO/TIJAABOOYIN

Tallaalka ka hortaga cudurka qaaxada ee Skåne

Vaccination mot tuberkulos i Skåne - somaliskaThe content concerns Skåne

Gudaha Iswiidhan tallaalka ka hortaga cudurka qaaxada, looguna yeero tallaalka BCG,waxa la siiyaa oo keliya carruurta khatar sareysa ugu jira in faafid ahaan dhib uga soo gaadho.

Tani waxay khuseysaa tusaale ahaan carruurta leh qof qaraabo dhow ah oo lahaa cudurka qaaxada, carruurta qoysaska ka yimid dalal ay caadi ka tahay cudurka qaaxada ama carruurta joogi doonta dal noocaas oo kale ah muddo dheer. Waalid ahaan warbixinta ku saabsan tallaalka ka hortaga cudurka qaaxada waxa laga helaa cisbitaalka ummusha iyo ilmaha ama rugta daryeelka carruurta. Mararka qaarkood warbixinaha waxa mar horeba laga helaa qaabilaada ummulisooyinka.

Sidan ayuu u dhacaa tallaalku

Xilliga tallaalka wuxu ilmuhu ku fadhiisanayaa jilibka mid ka mid ah waalidka. Kalkaaliso caafimaad ayaa qabanaysa gacanta ilmaha inta ay kalkaaliso caafimaad oo kalena ku durayso dareere yar hoosta maqaarka cudada bidix ee ilmaha. Meeshii dareeraha lagu duray waxa ka bilaabmaysa kor u kicid yar. Waxa kale oo dhici karta in ay guduud noqoto hareeraha meeshaas durida. Iyadoo la xiriirta durida iyo dhowr miridh kadib durida way hafeefan kartaa wax yar, qiyaasti sida marka qaniinyo xuun oo kale.  

Tan ayaa dhacda kadib tallaalka

Kor u kicida tallaalka kadib wuu qarsoomaa muddo koobaan ka dib. Maalmaha ugu horeeya kadib waxa jiri kara guduud ku yaala goobta tallaalka. Haddii ay si dhakhso ah u noqoto wax bararsan, guduud iyo damqasho leh goobtaas la duray waa in lala xidhiidho qofki sameeyay durida, ama talobixinta daryeelka bukaanka laga waco telafoon lambarka 1177.

Mar dambe waxa bilaabma buro adag, taas oo kadib sii weynaata, guduudasho iyo mararka qaarkood kor u kicid. Burada adag waxa ku daboolan maqaar biyobiyo ah oo dhalaal leh. Maqaarku wuxu si tartiib ah u noqdaa mid biyobiyo sii ah oo qiyaasti laba toddobaad kadib tallaalka waa caadi in maqaarku dilaaco. Waxay noqotaa nabar, kaas oo sii deynaya mid ama dhowr dhibcood oo malax ah.

Nabarka

Nabarku wuu dareeraa ha fogaato ama ha dhawaato, laakiin badanaaba wuu qallalayaa kadib laba toddobaad. Mararka qaarkood nabarku wuu dareeri karaa wakhti dheer, ilaa iyo dhowr bilood. Marka nabarku uu qallalo waxa samaysma qolofta nabarka fuusha taas oo iska soo dhacaysa kadib dhowr toddobaad.

Lama oggola in la dhaqo nabarka oo lama oggola in la isticmaalo salfo, bootarka nabarka ama balastar. Haddii nabarku si aad ah u dareero oo la doonayo in la ilaaliyo dharka waxa muhiim ah in la isticmaalo balastar si jiq ah u saaran. Balastarka dharka oo kale ah wuu fiicanyahay in la isticmaalo, tusaale ahaan kuwa maqaska loogu jari karo qeybo weynaantoodu haboontahay. Lama oggola in la isticmaalo balastarada balastiiga ah. 

Mararka qaarkood wax nabar ah haba yaraatee lama helo, laakiin burada adag ayaa weli jirta hal ama dhowr bilood ka hor intaanay dib u noqon.

Isbaddelo kale oo caadi ah

Waxa caadi ah in la helo weynaan dhexdhexaad ah oo qanjidhada killkilada ah. Mararka qaarkood tallaalka kadib waxa la heli karaa xummad, laakiin tan waa mid naadir ah.

In laga fikiro tallaalka kadib

Waa in aan lagu dabbaalan barkadda lagu dhex maydho, barkad dabaaleed, biyo lagu dabbaasho, balli ama bad ilaa iyo inta uu jiro nabar ama qolofta nabarka fuusha. In la maydhaa way fiicantay oo wax dhib ah ma laha in biyo ay dusha kaga dareeraan nabarka.

To the top of the page