Baaritaano/tijaabooyin

Baaritaanka xaaladda xididka hawlbawlaha wayn ee lagu qaban doono Skåne

Undersökning av stora kroppspulsådern i Skåne - andra språk - somaliskaThe content concerns Skåne

Haddii aad degan tahay Skåne, oona aad buuxsan doonto 65 sano, waxaa lagugu yeeri doonaa baaritaanka xaaladda xididka hawlbawlaha wayn dartiisa. Baaritaanka xaaladda waxaa lagu shaacbixin doonaa haddii hawlbahlahaaga ay leeyihiin hud/erniya. Huda/erniyada waxay noqon kartaa halis waxayna sababi kartaa dilaaca xididka hawlbawlaha. Sidaas awgeed, wuxuu baaritaanka xaaladda suurtagelin doonaa shacbixinta jiritaanka cillada noocaas ah.

Maxay tahay sababta loo baarayo xididka hawlbawlaha wayn?

Xididka hawlbawlaha wayn waa xidid ka soo dhaqaaqa wadnaha oo kaddib gala caloosha. Marka waxaa dhici karto in xididka noocaas ee gala caloosha dadyoow qaarkood uu is fidiyo, xaaladaas ayaa loogu yeeraa ama loo yaqaanno huda/erniyada xididka hawlbawlaha wayn. Haddii daahid la’aan aan la shaacbixin huda/erniyada waxay noqon kartaa mid halis ah. Teeda kale, qofku badi ahaan, ma garan karo in uu qabo huda/erniyada. Waxaa cillada-caafimaadeedkaan lagu shaac-bixin karaa haddii caloosha sababo kale awgeed loo baaro.

Haddii kahor aan hudada/erniyada aan la shaacbixin, waxaa dhici karto in xididka hawlbawlaha uu dilaaco oo kaddib dhiig culus gudaha jirka ku sii daayo. Haddii ay dhacdo waa in qofku uu sida ugu dhaqsida badan uu daryeel-caafimaadeed hela oona qallin lagu sameeyaa. Waa qaallin wayn oo dhib badan oo halis badan leh. Haddaba, sidii dhibaatada noocaas looga hortago awgeed ayaa lagu siiyay fursadda baaritaanka noocaan ah.

Maadaama tirada ragga uu ku dhaco hudada/erniyada ay aad ugu badan yihiin tirada dumarka, ayaan waxaan fursadda baaritaanka la siiyaa ragga oo keliya. Halista noocaan ah way soo korarta kolba uu qofku sii waynaanayo.

Bråck på stora kroppspulsådern (1177.se)

Waxaan ku qaban doonaa ballan

Sannadka aad 65 sano buuxsato ayaan ballan ku qaban doonaa. Warqad ku qoran ballanka ayaa boostada lagu soo diri doonaa.

Warqadda waxaa ku qoran
• goorta lagu yeeray
• warbixin dheeraad oo baaritaanka ku saabsan
• warbixin dheeraad oo xididka hawlbawlaha wayn ku saabsan.

Go’aanka ka qaybgelida baaritaanka adiga ayaa iskaleh. Dadyoowga badidooda hal jeer oo keliya ayaa la baara.

Goobta lagugu baari doono waxay noqon doontaa Helsingborgs lasarett, Centralsjukhuset Kristianstad ama Skånes universitetssjukhus Malmö.


Sidatan ayaa baaritaanka loogu dhaqaaqa

Vi undersöker dig utanpå din mage med ultraljud. Då kan vi se på en skärm hur stora xididka hawlbawlaha ah ser ut. Baaritaanka xaaladda en är inte farlig och gör inte ont. Hela besöket tar ungefär 15 minuter.


Natiijada baaritaanka

Natiijada baaritaanka waxaa toos lagugu wargelin doonaa xilliga booqashada.

Haddii la shaacbixiyo jiritaanka hudada/erniyada xididka hawlbawlaha wayn, waxaa lagu ballaminayaa dhakhtar caafimaadka xidida ku takhasusay. Ballan qabsashada waa laga caawini karaa laakin go’aankeeda adiga iskaleh. Dhakhtarka ku takhasusay caafimaadka xididada ayaa warbixin dheeraad oo ku saabsan cudurka ku siin doono. Sidaasoo kale, waxaa lagu siin doon warbixin xiriir la leh halka aad la xiriiri karto haddii su’aallo aad baaritaanka kaddib qabto.

Inkastoo la oran karo marna ma dhacdo, haddana waxaa dhici karto in natiijada baaritaanka aan lagu qanacsanayn.
Haddii taasi ay dhacdana, mar labaad ayaa baaritaanka la sameeyaa.

Wuxuu su’aallo ah

Wixii su’aallo ah kala xiriir rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay. Ama wac 1177. Waad wici karta xitaa haddii aan lagu baarin.

To the top of the page