Soomaali/Somaliska

Baaritaano/tijaabooyin

Undersökningar/prover - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
Galoolanka maarta ka sameeysan oo jajabay – Gobolka SkåneTrasiga kopparspiraler i Skåne - somaliska

Galoolanka maarta ka sameeysan waa waxyaalaha uur-qaadista laysaga ilaaliyo. Qaar dumarka Gobolka Skåne ku nool waxaa loo geliyay galoolanka maarta ka sameeysan, kaasoo goor dambe la shaacbixiyay in uu cillad leeyahay.

Shaybaarka kansarka ku dhaca qanjirka kaadihaysta ragga ku nool Gobolka Skåne ee joogtada ahRegelbunden testning för prostatacancer i Skåne - andra språk - somaliska

Rag miyaa tahay, da'daaduna ma u dhaxayaa qonton ilaa lexdan iyo sideed sano? Xaaladdas waxaa lagu siinaayaa fursadda inaad shaybaar iska qaado, kaasoo xiriir la leh cudurka kansarka ku dhaca qanjirka kaadihaysta ragga. Waxaa laga qaadi doonaa shaybaarka dhiigga kaasoo loo yaqaanno [PSA-prov]. Shaybaarka loo yaqaanno [PSA-prov] waxaa lagu xaqiijin karaa haddii uu kansarka qanjirka kaadihaysta ragga kugu dhacay iyo in kale.

Baaritaanka xaaladda xididka hawlbawlaha wayn ee lagu qaban doono SkåneUndersökning av stora kroppspulsådern i Skåne - somaliska

Haddii aad degan tahay Skåne, oona aad buuxsan doonto 65 sano, waxaa lagugu yeeri doonaa baaritaanka xaaladda xididka hawlbawlaha wayn dartiisa. Baaritaanka xaaladda waxaa lagu shaacbixin doonaa haddii hawlbahlahaaga ay leeyihiin hud/erniya. Huda/erniyada waxay noqon kartaa halis waxayna sababi kartaa dilaaca xididka hawlbawlaha. Sidaas awgeed, wuxuu baaritaanka xaaladda suurtagelin doonaa shacbixinta jiritaanka cillada noocaas ah.

Raajada naasaha (mammografi) – Baaritaanka naasahaMammografi - somaliska

Mammografi waa baaritaanka naasaha ah. Baadhitaanku wuxuu muujin karaa haddii aad qabtid kansarka naasaha ama aad leedahey halis aad ku qaadeyso. Iyadoo la isticmaalaayo raajada naasaha, ayaa kansarka naasaha la ogaan karaa goor hore lana daaweyn karaa. Raajada naasahu wax kharash ah ma aha.

Tijaabada unugyada ee ilmo galeenkaCellprov från livmodern - somaliska

Tijaabada unugyada ee ilmo galeenka waxa laga soo qaadaa siilka. Waa tijaabo muujinaysa haddii ay ilmo galeenkaaga wax iska bedeleen, taas oo isku bedeli karta cudurka kansarka. Tijaabada unugyadu waxay muujin kartaa haddii xilli hore wax isbedeleen. Markaas ayaad wakhti hore heli doontaa daaweyn sax ah, hadii loo baahdo. Waxba kuma kharash gareynayso inaad dhiibto tijaabada unugyada.

Baaritaanka PSA ee qanjirka shahwada ragga sameeya (prostata)Blodprov: PSA - somaliska

Tijaabada PSA-du waa tijaabo dhiiga oo muujineysa haddii ay wax qanjidhka shahwada ragga iska bedeleen. Waxa jira isbeddello noocan oo kale ah oo aan khatar aheyn iyo kuwa keeni kara kansarka ku dhaca qanjirka shahwada ragga sameeya. Iyadoo la isticmaalaayo tijaabada PSA ayaa dhakhtarku uu ogaan karaa haddii aad u baahato in laguu sameyso baadhitaano dheeraad ah ama daaweyn.

To the top of the page