Raadso daryeel

Doorashada caafimaadka iyo daryeelka Skåne

Hälsoval och vårdval - andra språk - somaliskaThe content concerns Skåne

Skåne waxa ka jira dhowr doorasho oo cafimaadka iyo daryeelka ah oo taasi waxay tahay in aad adigu awoodo doorashada daryeel bixiyaha ama rugta adigu aad doonaysid inaad tagto.

Marka tahay dhinaca rugta caafimaadka, XDC (xarunta daryeelka caruurta), rugta ummulisooyinka iyo daryeelka ilkaha ee caruurta iyo dhalinyaradda waxaad adigu isku qoraysaa halka aad doonaysid inaad tagto oo kadibna waxaad ka tirsanaanaysaa rugtaas ilaa iyo aad samaynayso doorasho cusub. Markay tahay doorashada daryeel ee daryeeladda gaaban waxaad marka hore baadhitaan cudur ka helaysaa dhakhtar ama farsamo yaqaanka muraayadaha indhaha (loogu talo galay caadka indhaha). Kadibna adiga qof ahaantaada ayaa awooda doorashada daryeelaha aad doonaysid inaad tagto.

Doorashada caafimaadka iyo daryeelka ee aad adigu isku qori kartid:

  • Rugta caafimaadka
  • XDC
  • Rugta ummulisooyinka (marka uur la leeyahay)
  • Rugta daryeelka ilkaha ee caruurta iyo dhalinyaradda 0-23 sanno

Doorashada caafimaadka iyo daryeelka ee gudbin ka dib adigu aad dooranayso daryeelaha:

  • Qallniinka caadka indhaha
  • Daryeelaha maanka iyo cudurada maskaxda
  • Daryeelaha xanuunka xad-dhaafka ah

Doorashada caafimaadka iyo daryeelka ee u gudbin la’aan adigu u dooranayso lana xidhiidhayso daryeele:

  • Rugta maqalka
  • Rugta ummulisooyinka
  • Sidan ayaad adigu u dooranaysa

Adiga ayaa si dhibyar isugu qoraya rugta caafimaadka iyo xarunta daryeelka caruurta iyadoo la adeegsanayo adeega elaktarooninga ee Mina vårdkontakter ee halkan 1177.se. Waxa kale oo aad awoodaa inaad doorashadaada ku samayso foomka doorashada kaas oo aad daabacayso, saxeexayso una dhiibayso rugta aad dooratay. Foomyada waxaad ka helaysaa afar-geeska "Så gör du ditt val".

Waxaad dooranaysaa:

  • rugta qalliinka caadka indhaha iyadoo la adeegsanao in aad doorashadaada ku war-geliso farsamo yaqaanka muraayadaha indhaha ama dhaktarka diri doona u gudbinta
  • rugta maqalka iyadoo la adeegsanayo in adigu qof ahaantaada aad la xidhiidho rugta
  • Daryeelka maanka iyo cudurada maskaxda iyo daweeyaha xanuunka xad-dhaafka ah waa ka dib marka aad hesho soo gudbin dhakhtar jooga rugtaada caafimaadka.
To the top of the page