RAADSO DARYEEL

Waa kan kharashka daryeel-caafimaadeedka ee Gobolka Skåne

Det här betalar du för vården i Skåne - somaliskaThe content concerns Skåne

Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa kharashyada la bixiyo, markii la booqanayo goobaha daryeel-caafimaadeedka qaarkood ee ku yaalaan Gobolka Skåne.

Goobaha daryeel-caafimaadeedka qaarkood ee ku yaalaan Gobolka Skåne wax lacag ah lama bixiyo. Laakin badi ahaan wuxuu bukaan-socdka booqashada darteed bixiyaa kharash.

Kharashyada boggan ku xusan wuxuu khuseeya:

  • Goobaha daryeel-caafimaadeedka iyo isbitaallada ku yaalaan Gobolka
  • Goobaha daryeel-caafimaadeedka oo gaar ahaanta loo leeyahay oo laakin heshiis la galay maamulka Gobolka Skåne.

Daryeel-caafimaadeedka ilmaha, dhallinyarada iyo waayeellada waa lacag la`aan

Tusaaleha daryeel-caafimaadeedka lacag la`aanta waxaa xaq ku leh:

  • Qofka aan weli 20 sano buuxan.
  • Ama da`diisa ka wayn tahay 85 sano.

Kharashka dhawr booqashooyinka kamid ah waa intaan

Kharashka booqashooyinka rugta daryeel-caafimaadeedka waa intaan

  • Wax lacag ah lama bixiyo booqashada kalkaalisada caafimaadka, kalkaalisada caafimaadka hoose ama kalkaalisada caafimaadka xaafadda.
  • Booqashooyinka kale ee rugta daryeel-caafimaadeedka waxaa la bixiyaa laba boqol karoon. Sida tusaale booqashada qof dhakhtar ah.

Kharashka booqashooyinka isbitaallada ama daryeel-caafimaadeedka gaarka ah waa intaan

  • Booqashooyinka rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga waxaa la bixiyaa afar boqol karoon.
  • Booqashooyinka qof dhakhtar ah waxaa la bixiyaa saddex boqol karoon. Haddiise booqashada ay ku salaysan tahay soo gudbinta dhakhtar kale, wuxuu qofku bixiyanaa hal boqol karoon. U sii gudbinta/ku wareejinta waxaa tusaale ahaan awooda dhakhtarka rugta daryeel-caafimaadeedka, waa haddii qofku u baahan yahay daryeel-caafimaadeedka rug kale.
  • Dhammaan booqashooyinka kale ee isbitaalada waxaa la bixiyaa laba boqol karoon. Sida tusaale haddii bukaan-socodka u la kulmi doono kalkaalisada caafimaadka, aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojist, la taliyeha arrimaha bulshada ama daaweyaha shaqaalaha.

Booqashooyinka qaarkood mar kasta waa lacag la`aan

Tusaalaha booqashada lacag la`aanta:

  • Shay-baarka unugyada ee qofka da`diisa u dhaxayso saddex iyo labaatan ilaa toddobaatan sano waa lacag la`aan. Shay-baarka unugyada waxaa lagu shaacbixiyaa haddii u cudurka kansarka ku dhacay ilmogalenka, ama haddii ay jirto halista in qofku u cudurka ku dhaco.
  • Qofka itaaldarro la dhiban oo taageero iyo daryeel la siiyo waa lacag la`aan. Daryeelka noocaas waxaa loo yaqaanno baxnaanis [habilitering].
  • Haddii qofka baaritaanka naasaha ee loo yaqaanno [mammografi], dartiisa loo yeero waa lacag la´aan. Baaritaanka noocaas waxaa lagu shaacbixiyaa haddii u cudurka kansarka ku dhacay naasaha, ama haddii ay jirto halista in qofku u cudurka ku dhaco.
  • Booqashooyinka rugta hooyooyinka iyo rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta waa lacag la`aan.
  • Booqashada rugta daryeel-caafimaadeedka dhallinyarada ee dhallinyada da`dooda u dhaxayso laba iyo tobban ilaa saddex iyo labaatan waa lacag la`aan.

 

Qofka ballan loo qabtay oo aan ka faa´iidaysan karin

Qofka ballan loo qabtay oo aan ka faa´iidaysan karin, waa in sida ugu dhaqsi badan la xiriira rugta ballanka u qabatay, oona wargeliya baaqashada. Ballanka la ciribtiray qof kale ayaa ka faa`iidaysan karo.

Waa in afar iyo tobban saacadood kahor rugta loola xiriira oo la wargeliyaa baaqashada. Xaaladaas lacag la`aan ayaa la ciribtiri karaa ballankii la qabsaday. Haddii qofku u baaqashada wargelin rugta ama u wargelinta la soo habsaamo, waa in uu bixiyaa laba boqol karoon. Waa in uu lacag bixiyaa xitaa haddii booqashada ay lacag la`aan ahayd.

Qofka labaatan sano buuxsaday ama ka wayn ayaa waajib ku ah bixinta lacagta noocaas ah. Warqadda qaansheegashada ayaa boostada loogu soo diri doonaa.

Xitaa haddii qofku u leeyahay kaarka loo yaqaanno [frikort] waa in lacagta u bixiya.

Sidatan ayaa kharashka booqashada loo bixiya

Siyaabaha lacagta loo bixiyo waxaa kamid ah:

  • Iyadoo kaarka lacagaha caddaanka la adeegsado.
  • Iyadoo lagu bixiyo lacagaha caddaanka.
  • Iyadoo lagu bixiyo qaansheegasha goor dambe la soo diro. Qaansheegashada noocaas waxaa loo yaqaanno [faktura].

Kharashka wuu badanayaa haddii qaansheegasho iyo goor dambe la bixin doono. Kharashka booqashada ka sokoow waxaa la bixiyaa qonton karoon oo dheeraad ah.

Biloowga bisha ku xigta ayaa qaansheegashada boostada lagu soo dira. Lacagta waa in la bixiya kahor intii ay bisha dhaman. Waa in daahid la`aan lacagta la bixiyo taasoo arrin aad muhim u ah. Haddii kale qofka waxaa loo soo diri doonaa qaansheegasho cusub, waxaan lagu sii dari doonaa lexdan karoon oo dheeraad ah.

Xaddaynta heerka harashka [Högkostnadsskyddet]

Muddo ka kooban laba iyo tobban bilooda gudahooda, wuxuu qofku ugu badnaan kharash daryeel-caafimaadeedka ahaan bixinayaa 1150 karoon. Taasoo loo yaqaanno Xaddaynta heerka kharashka [Högkostnadsskyddet].

Tusaale: Haddii qofku u bisha abriil la kulmo qof dhakhtar ah, oona kaddib markii uu dhawr jeer booqday xarumaha daryeel-caafimaadeedka, wuxuu bisha oktoobar isku-darkii bixiyay 1150 karoon. Markaas kaddib wuxuu codsan karaa kaarka loo yaqaanno [frikort].

Kaasoo ayuu adeegsan karaa ilaa bisha abriil ee sannadka ku xiga. Macnaha uma baahna in daryeel-caafimaadeedka dartiisa u bixiyo wax kharash ah. Taariikhdaas waxaa ka soo wareegatay laba iyo tobban bilood tan iyo markii uu booqdhay markii ugu horeeysay rugta daryeel-caafimaadeedka.

Laakinse haddii qofku isbitaal la seexiyo, ma isticmaali karo kaarka noocaas ah, waa in uu iska bixiya kharashka daryeel-caafimaadeedka.

Sidatan ayaa kaarka [frikort] lagu hela

Kaddib markii qofku u muddo ka kooban laba iyo tobban bilood bixiyay 1150 karoon, wuxuu shaqaalaha goobaha caafimaadka ka codsan karaa kaarka [frikort].

Mararka qaarkood waxay xaq u yeelanshada kaarka noocaas ku qoran tahay hab-dhiska kombyuutarka. Iyadoo sidaasi tahay haddana waxaa qofka laga codsan karaa caadaynta lacag bixinta.

Siyaabaha lagu cadeeyo lacag bixinta waxaa kamid ah:

  • Tusida rasiidka lacag-bixinta ama qaansheegayaasha.
  • Qofku waa in uu shaqaalaha tusa kaarka huruudka ah oo ku qoran inta lacag u bixiyay. Kaarka huruudka waxaa tusaale ahaan laga hela rugta daryeel-caafimaadeedka.

 

Kharashka daryeelka isbitaalka waa intaan

Waxaa mararka qaarkood dhici karto in qofku isbitaalka la seexiyo. Sida tusaale haddii qofku u dhawr maalmood u baahan yahay isbitaalka lagu daryeelo. Xaaladaas qofku ma isticmaali karo kaarka loo yaqaanno [frikort].

Kharashka daryeelka isbitaalka waa intaan:

  • Soddonka maalmood ee ugu horeeyo waa in uu maalin kasta bixiya boqol karoon.
  • Soddon maalmood kaddib wuxuu maalin kasta bixinayaa qonton karoon.

Qaansheega lacagaha lagu bixiyo boostada ayaa qofka loogu soo dira.

Waxaa dhici karto in kharash inta ka yar daryeel-caafimaadeedka awgiis la bixiyo

Xaaladaha qaarkood waxaa dhici karto, in qofku u kharash intaas ka yar u bixiyo markii isbitaalka lagu daryeelo. Sida tusaale haddii daqliga qofku usan sidaas u badnayn. Daqligu waa in usan bishii ka badnayn 7730 karoon kahor inta canshuurta aan laga jarin. Nidaamkaas ayaa hirgalo haddii xitaa qofku u yahay hawlgab.

Dadyoowga daqligooda aan badnayn waxay bixiyaan:

  • Shanta maalmood ee ugu horeeyso waxay bixiyaan boqol karoon.
  • Shan maalmood kaddib waxay bixinayaan qonton karoon maalintii.

Haddii qofku usan shaqayn oona ku nool yahay taageero-dhaqaaleed oo ay bixiso Khasnadda caymiska bulshada, wuxuu xaaladaas maalin kasta bixin karaa qonton karoon.

Xaaladiisa waa in shuruudaha hoos ku qoran ay waafaqsan yihiin:

  • In u la dhiban yahay itaaldarro cudur u sabab ah.
  • In uu qaato taageero-dhaqaaleed loo yaqaanno [sjukersättning] oo aan qabyada ahayn ama gunnada dhaqdhaqaaqa [aktivitetsersättning].
  • Oona weli usan afartan sano buuxsan.

Sidatan ayaa loo codsada kharash yarada

Qofkii ku talo jiro in uu kharash yar bixiyo, waa in caawinaad waydiista shaqaalaha isbitaalka.

To the top of the page