In ilme la daryeelo

Dhibaatooyinka xilliga naasnuujinta caadi ahaan la yeesho

Vanliga besvär vid amning - somaliska

Waxa caadi ah in bilowga naasnuujinta ay naasuhu ku xanuunaan. Badanaa waxoogaa ka dib ayay taasi iska tagtaa. Mararka qaar ayaa in lagu daaweeyo loo baahan yahay.

Naasnuujinta ayaa lagaa caawin karaa. Inta lagu jiro todobaadka ugu horreeya ee dhalmada ka dib ayaad BB la xiriiri kartaa.  

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa Xarunta Daryeelka Carruurta (BVC) ama Xarunta umulisadda. Waxa meelaha qaarkood ku yaala qeyb naasnuujinta u gaar ah.

Läs texten på svenska här.

Naasaha ayaa ku giigsan oo ku dareeraaya

Waa wax caadi ah inay naasuhu noqdaan kuwo ku giigsan ama wax kaa dareerayaan, gaar ahaan xilliga hore. 

Waxa sidoo kale ku sameysmi kara caano ka badan intii uu ilmuhu ka gaadhsiin kari lahaa inuu qaato. 

Ibta riix 

Ibta ayaad riixi kartaa si aad ugu joojiso caanaha kaa dareeraaya. Waxa sidoo kale jira waxa loo yaqaano aalad caanaha ururisa ama suufka caanaha la iskaga dhigo oo aad keenshaliga hoos galin karto.

Dumarka ay caanahoodu badan yihiin ayaa waxoogaa yar gacanta iskaga lisi kara ka hor intaanay ilmaha naaska ku nuujin. Ka yara naso mararka qaar oo u ogolow inay caanuhu iskood iskaga dareeraan.  

Mjölkstas

Markay caanuhu dareerayaan ayay naasuhu aad kuu giigsanaan karaan. Waxay taasi caadi ahaan dhacdaa saddex ilaa afar maalmood dhalmada dabadeed. Waxa kale oo aad yeelan kartaa heerkulka jidhkaaga/xaraaradaada oo kacsan.  

Waxa taas loo yaqaan mjölkstas waxaanay badanaa iska tagtaa dhowr maalmood ka dib. 

Sidan ayaad dhibaatada u dhimi kartaa 

Waxa ugu fiican waa in ilmaha loo ogolaado inuu marar badan naaska nuugo.  

Waxa wanaagsanaan karta in wax diiran ama wax qabow naasaha la saaro. 

Marka ilmuhu naaska nuugaayo ayay ku xanuunaysaa 

Waa wax caadi ah inuu xanuun kuu yimaado marka uu bilawga ilmuhu naaska nuugaayo. Ibta ayaa xasaasi ah oo aan la qabsan karin. Iyada ayaa iska tagta. 

Waxay sidoo kale ku xanuuni kartaa haddii ilmuhu aanu si weyn naaska u qabsan/cantuugin.

Dawooyinka xanuunka biiya 

Waxaad isticmaali kartaa dawo aan warqad dhakhtarku qoro u baahneyn oo ay paracetamol ama ibuprofen ku jirto haddii aad xanuun leedahay.

Ibta naasaha ee ku damqaneysa

Waxa marmarka qaarkood ibta ku sameysmi kara nabarro, nabar ama dildillaac. 

Waxa muhiim ah in la nadiifiyo oo la qalajiyo 

Gacmaha dhaq intaanad naaska nuujin ka hor. Waa muhiim inay meeshu nadiif ahaato haddii ay nabar yeelato. Haddii ay bakteeriva nabarka gasho ayuu caabuq/infegshan imaan karaa.  

Naasaha ha marin saabuun ama lotion. Waxaad ibta ku  duugi kartaa caanaha naasaha naasnuujinta ka hor iyo ka dibba. Waxaad sidoo kale naasaha ku dhaqi kartaa biyo milix leh. 

Nasi ibta naasaha 

Waxay ibta naasuhu u baahan karaan inay naasnuujinta ka nastaan si ay ugu bogsadaan. Markaas ayaad gacmaha ama mashiin iskaga lisi kartaa.

Waxaad sidoo kale tijaabin kartaa waxa loo yaqaano amningsnapp. Waa sidii wax ibta naasaha ilaaliya.

infegshanka fangaska  

Inay ibta naasuhu ku xanuunaan oo ay nabar ku yeeshaan ayaa waxa sabab u noqon kara infegshan fangas ah. 

Infegshanka fangaska ayaa kaligiis iska taga. Haddii kale waxaad u baahan kartaa inaad kiriim khaas ah isticmaasho. 

Waxa sidoo kale muhiim ah inaad naasaha qoyaanka ka ilaaliso haddii aad infegshanka fangaska leedahay. 

Nabarka naaska 

Waxa jirta khatar aad ku yeelan karto nabarka naaska haddii aad infegshanka naasaha yeelato. Markaas ayay aad kuu xanuunaysaa. Qandho/xummad ayaad sidoo kale yeelan kartaa.

Waxa uu nabarka naasku u baahan yahay inuu dhakhtar ku daaweeyo. 

Caanaha kugu istaaga

Waxa ay caanaha kugu istaagaa ka dhigan yihiin in hal ama wax ka badan oo marinada caanaha ahi ay ku awdmaan/xidhmaan. Markaas ayaanay caanuhu soo bixi doonin.

Kuwani waa calaamadaha caadiga ah: 

  • Kaatir/kuus ayaa maqaarka hoostiisa ku jira. 
  • Waxa la dareemayaa inay meeli ku diiran tahay oo ay ku damqaneyso. 
  • Waxaad leedahay qandho/xummad. 
  • Way ku xanuunaysaa markaad naasnuujiso. 

Isku day inaad caanaha soo saarto 

Waxa ugu wanaagsan waa in ilmuhu jaqitaanka naasaha sii wato. Markaas ayay  caanuhu soo bixi doonaan. 

Waxaad sidoo kale isku dayi kartaa inaad gacanta ama mashiin caanaha iskaga listo. 

Gacanta ku salaax meesha ku adag oo u soo riix dhanka ibta naaska markaad naasnuujinayso, bamgaraynayso ama gacanta iskaga lisayso. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Wac telefoonka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Daryeelka caafimaadka la xidhiidh 

La xidhiidh xarun caafimaad haddii kuwan mid ka mid ahi ku khuseyso: 

  • waxa aad dareemaysaa inaad naaska fud ku leedahay 
  • waxaad ka shakisan tahay in caabuqa fangaska naasaha aad ku leedahay. 

Waxa mararka qaar ku filan inaad wadahadal maqal iyo muuqaal ah dhakhtar ama kalkaaliso la yeelato si aad caawimo ugu hesho. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page