Hagahaaga daryeelka caafimadka ee Östergötland

Xarunta daryeelka caafimaadka

Vårdcentralen – andra språk - somaliskaThe content concerns Östergötland

Xarunta daryeelka caafimaadka xaafaddaada ayaa marwalba u badan in aad horta la xiriirto haddii aad bukooto ama dhaawacanto. Xarumaha daryeelka caafimaadku waxay talo ku bixiyaan telefoonka waxayna qorsheeyaan ballamo haddii loo baahdo. Kooxo xirfadleyaal kaladuwan ayaa ka shaqeeya xarumaha daryeelka caafimaadka waxayna qiimayn karaan oo ay daawayn karaan wax walba laga bilaabo cabashooyinka sahlan ilaa cudurrada daran.

Läs denna text på svenska

Marwalba u tag xaruntaada daryeelka caafimaadka haddii aad qabto dhibaatooyin soo noqnoqod leh ama cudur waqti dheer. Tan ayaa weliba habboon in aad u tagto haddii ilmahaagu bukoodo. Xarumaha daryeelka caafimaadku waxay weliba talo ka bixiyaan nolosha caafimaadka leh iyo ka hortagga cudurrada.

Tusaalooyinka waxyaabaha aad gargaar ka heli karto:

  • Talada iyo qiimaynada caafimaadeed
  • Xanuunada dabadheeraadka ah sida cudurka macaanka ama sonkorowga iyo cudurka neefta ama naqaska
  • Cabashooyinka cusub ama cudur ka sii daray ama sii xumaaday
  • Beddelaadda habnololeedkaaga, tusaale ahaan joojinta sigaarka
  • Cudurka maskaxda
  • Tallaallada
  • Daryeelka caafimaadka carruurta (laga helo kiliniigga caafimaadka ee carruurta)
To the top of the page