Raadso daryeel

Kani waa 1177

Det här är 1177 - somaliska

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Markaas ayaad talo ka heli kartaa kalkaaliso ku hadasha Ingiriisi ama Iswidhish. Habeen iyo maalinba waad soo wici kartaa. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

Läs texten på svenska.

1177.se waa bogga internetka ee daryeelka bukaanka. Kaasi waxa uu sidoo kale yahay lambar telefoon. Qoraalkan ka akhriso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidan ayuu daryeelka bukaanka ee Iswiidhan u shaqeeyaa.

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad talo u baahan tahay markaad jirran tahay ama uu dhaawac ku soo gaadhay.

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxaad dooran kartaa inaad ku hadasho af Iswiidhan ama Ingiriisi. Gobolada qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Kalkaalisooyinka ayaa talo kaa siin kara sidaad dhibaatadaada u maareynayso. Haddi loo baahdo ayay kuu sheegi karaan halka aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso.

Qoyska oo dhan khuseysa

Waxaad sidoo kale soo wici kartaa haddii ilmo ama qof qaraabo ahi uu jiran yahay. Wax lacag ah lagaama qaadaayo in 1177 la soo waco. Waxa kaliya ee aad  bixinayso waa kharashka telefoonka.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aanu telefoonkaagu laheyn adeeg aad Iswiidhan ka qaadatey/sameysatey ama kaadhka telefoonka oo Iswiidhan laga qaatey, ama haddii aad wadan kale ka soo wacayso.

Xogtaada ayaa la ilaalinayaa

Waxaad u baahan tahay inaad lambarkaaga shakhsiga ama samordningsnummer sheegto markaad soo waceyso 1177.  Waxa taas loogu baahan yahay si ay shaqaaluhu ugu awoodaan inay qoraal meesha ku qoraan. Qoraalada ayaa la keydinayaa.

Macluumaadkaaga iyo waxa aad sheegto ayaa waxa ilaalinaaya sharci aamusnaanta iyo waajibaadka sir qarinta ee reebaya in la bixiyo waraaqaha/xogta dadweynaha. Waxa ay taasi micnaheedu tahay inaanay shaqaaluhu cid ka baxsan daryeelka caafimaadka u sheegi karin wax adiga kugu saabsan. Waajibka sir qarintu waxa uu qabanayaa/khuseeyaa dhammaan shaqaalaha aad daryeelka caafimaadka kula kulanto, xitaa turjumaan iyo shaqaalaha farmasiiga.

Talooyin ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka bukaanka oo internetka laga bixiyo

Bogga 1177.se ayaa waxa ku jira macluumaad ku saabsan cudurada, daryeelka caafimaadka iyo caafimaadka. Halkan ayay sidoo kale ku dhigan yihiin talooyin khuseeya waxyaalaha aad adigu sameynayso si aad uga ama ilmahaagu uga soo roonaado.

Dhammaan macluumaadka ku qoran 1177.se ayuu xogta hubiyey/sugay dhakhar ama shaqaale kale oo daryeelka bukaanka ka tirsani.

Daryeel caafimaad hel

Waxa kale oo aad raadsan kartaa oo aad heli kartaa cinwaanada iyo lambarada telefoonada ee rugaha daryeelka caafimaadka ee kala duwan.

Dooro gobolka aad degan tahay si aad macluumaadka saxda ah ugu hesho. Taas ayaad bogga xagiisa sare ka sameynaysaa.

Ku soo gal  e-legitimation

Waxa kale oo la soo gali karaa bogga 1177.se.  Markaas ayaad tusaale ahaan ballan  qabsan kartaa ama aad daryeelka caafimaadka la xiriiri kartaa. Si aad ugu soo gasho, ayaad u baahan tahay inaad haysato aqoonsiga elektarooniga ah ee e-legitimation  iyo lambarka shakhsiga ee Iswiidhan.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page