Sharciyada iyo xuquuqda

Ku turjuman luuqadeyda

Tolkning till mitt språk - somaliska

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. Waxa uu turjumaanku kaa caawinayaa in laguu turjumo markaad daryeelka caafimaadka ama daryeelka ilkaha booqanayso. U sheeg inaad turjumaan luuqaddaada ku hadlo u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso.

Ett vårdbesök med tolk.
Turjumaan ka shaqeynaaya sidii uu ugu turjumi lahaa luuqado kala duwan.

Waxba kama bixinaysid kaalmada turjumaanka.

Muxuu turjumaanka luuqaddu qabtaa?

Waxa uu turjumaanku turjumaa waxa uu shaqaalaha daryeelka caafimaadku sheegayo si aad u fahanto. Turjumaanka ayaa garanaya af Iswiidhish iyo luuqaddaadaba.

Turjumaanku wuxuu turjumi karaa haddii aad su'aalo qabtid. Kadibna waxa uu turjumaanku luqaddaada kuugu turjumi doonaa jawaabta ka soo baxda shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Turjumaanka ayaan badanaa qoraalada qoran turjumin.

Qaabkan ayuu kulan turjumaan u dhici karaa

Kani waa tusaale muujinaaya sida uu kulan turjumaan u dhici karo:

  • Turjumaanka ayaa jooga kulankaaga shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
  • Turjumaanka ayaa kulanka kaga qeybgalaya telefoon sameecad leh.
  • Adiga, shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo turjumaanka ayaa wada xidhidhaaya iyadoo la isticmaalaayo kamarad iyo kombiyuuter. Waxa taas loo yaqaanaa turjumaada maqalka iyo muuqaalka (fiidyaha) laga sameeyo.

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka weydii nooca tarjumaan ee aad heli karto markaad ballantaada booqashada qabsaneyso.

Waxa turjumaanka saaran waajibaadka sir qarinta

Turjumaanka waxa qabanaya waajibaadka sir qarinta. Waxay taas micnaheedu tahay in aanu turjmaanku bixin macluumaadka ku khuseeya iyadoo aanu ogolaansho kaa haysan.

Mararka qaar ayaa xubnaha qoyska ama saaxiibadu kaa caawin karaan turjumaadda. Waxay taasi mararka qaar horseedi kartaa isfaham la'aan. Mana laha iyagu masuuliyadda sir qarinta. Waxa sidaas darteed ka wanaagsan in caawimo laga helo qof turjumaan ahaan ku shaqeeya.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page