Uurka leh

Xanuunka foosha

Smärta under förlossningen - somaliskaThe content concerns Jönköpings län

Waa xanuun badantahay canug dhalida. Dadka isku ma u dareeman xanuunka. Jirka waa loo suubiyay inuu xanuunka awoodo, laakin waxaa jiro farsamo kala duwan oo qofka ka caawin qafiifinta xanuunka haddii loo baahdo.

Läs texten på svenska

Weey adagtahay qofka inuu sii qiyaaso sida foosha uu dareemidoono. Waxaa xita adag in la oggaado xanuun qafiifiyaha adiga kugu haboon. Sidas daraadeed waxaa fiican inaa dhowr xal oo kala duwan diyaar u tahay.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xanuunka marka aad foosha cambarka suubineysid. Qeyb kamid ah qoraalkan waxey ku saabsantahay foosha oo qofka canuga lagu qalo iyo qeyb ku saabsan adiga oo wehlin iyo kaalmeyn qof foolan.

Haddii adiga ka walwalsantahay xanuunka foosha waxaa fiican inaa kala hadashid ummulisada aad xiriirka la leedahay. Meeshas baa adiga ka helikarta caawinaad oo sida aad ugu diyaar garoobi kartid.

Siduu yahay xanuunka foosha marka canug la dhali? - Hur känns smärtan när man föder barn?

Bilaawga foosha xanuunka waa daciif. Dadka qaarkood waxey dhahan inuu yahay sida caado xanuun badan. Adiga xanuunka waxaa ka dareemikarta qeybta hoose oo dabarka, oo xanuun hoos oo lugaha u faafi ama qeybta hoose oo caloosha.

Qeybta dambe oo foosha xanuunka aad buu sii badan. Xanuunka waxaa ka dareemi caloosa, dabarka iyo lugaha. Waa caadi qofka inuu dareemo in lafta misigta cules soo riixi marka canuga hoos usoo riixtamaayo.

Xanuunka waa xanuun marmar aad u badan

Xanuunka waa mid marmar ku qaban. Xanuunka caadiyan wuxuu kugu bilaaban si tartiib. Iyo soo badan dhowr ilbiriqsi ilaa aad xanuun aad u badan dareentid. Xanuunka inta uusan ku diyan, waa markas markuu ugu badanyahay xanuunka, markas kadib xanuunka oo dhan baa kaa tagi. Xanuunka qofka wuxuu hayn caadiyan inta u dhaxeyso 30 ilbiriqsi ilaa 2 minid. Dadka inta ugu badan bilaawga foosha xanuunka waa u kala fugyahay iyo waa xanuun qafiif ah. Xanuunka ma’ahan xanuun culus oo kugu soo buudi halmar.

Hakad aan xanuun laheen

Marka xanuunka kaa tago waa hakad. Markas adiga caadiyan wax xanuun ma dareemeysid iyo waxaa heli wakhti aad inyar ku nasatid. Hakadyada aadan xanuun dareemen waxey ahaankaran 1 minid ilaa 10 minid. Hakadyada ilaa inta ey ahaan weey kala duwanyahiin. Taasna waxey ku xirantahay fooshaada heerka ey markeyso.

Canuga marka uu dhalanaayo waxaa dareemi sidii dab ku gubi

Canuga marka uu ka soo bixi afka cambarka waxaa dareemi sidii in xubinta dhalmada dab xoog leh lagu shiday camal. Markas camal haddii ummulisada shukumaan kulul kuu saarto inta u dhaxeyso cambarka iyo futada xanuunkas xoog ma u dareemeysid.

Ilaa imiso baa xanuunka la dareemi?

Xanuunka aad dareemi doontid marka canuga dhaleysid waa xanuunyada ugu culus qof dareemikaro. Laakin ilaa heerka aad xanuunka dareemi doontid weey kala duwan tahay. Dadka qaarkood waxey dhahaan waa sida marka kellida dhagax ka soo fuqi camal.

Haddii xanuunkas si fudud wax looga qabankaro waxey ku xirantahay dhowr wax, tusaale:

  • sida adiga ugu soo diyaargaroowdid. Siduu caafimaadkaada ahaa foosha ka hore iyo sida hurdadaada eheed.
  • haddii adiga horey ula soo kulantay.
  • ilaa inta ey foosha socoto.
  • canuga inta la egyahay.
  • ilaa inta ey la egtahay lafta misigta.

Isku diyaarinta xanuunka - Att förbereda sig inför smärtan

Haddii aad ku fikireysid ama ka walwalsantahay xanuunka foosha waxaa wanaagsan inaa la hadashid ummulisada aad xiriirka la leedahay. Haddii aad xoog u walwalsantahay adiga waa lagaa caawinkara cabsida aad foosha ka qabtid.

Qeybta ummulisada waxaa xita laga hela waxbarasho ey waalidiinta ku martiqaadan. Meeshas adiga waxaa baran waxyaabo ku saabsan foosha iyo sida aad ugu sii diyaargaroobikartid.

Adiga waxaa baran karta iyo ku tababarankarta sida loo neefsado, jirka loo daliigo iyo sida la isku dabcaya. Inaa isku kalsoonaatid iyo jirkaada ku kalsoonaatid.

Si kale aad isku diyaarinkartid waa in shaqaalaha ku kalsoonaatid. Aad bey u adagtahay in la sii oggaado sida foosha noqondoonto iyo sida aad dareemidoontid. Shaqaalaha waxey arrinta u leeyahiin waayo aragnimo iyo aqoon oo ayaga adiga weey kaa caawinkaran xanuunka oo foosha nooca ey doonta ah noqoto. Waxa xita wanaagsan inaa suubsatid qurshaha foosha haddii ey muhiim kuu tahay in aragtidaada soo gaarto shaqaalaha.

Jirka maxuu la kulmi? - Vad händer i kroppen?

Canuga siduu u dhalankaro uu uga soo bixikaro makaanka waxaa isku soo aroori oo soo gaaban luqunta makaanka iyo waxey bilaabi iney furmato. Makaanka wuu isku soo aroori. Marka luqunta makaanka ey wada furmato buu canuga bilaabi inuu hoos usoo degto uu soo galo xubinta dhalmada. Markas buu qofka ducanaya siduu canuga bannaanka ugu soo baxo buu afka cambarka kala jiitami.

Marka canuga dhasho qofka waa ducanaya siduu iska soo saaro quluftii canuga ku dhex jiray. Quluftas weey jilicsantahay iyo weey ka yartahay canuga. Wuxuu ku soo bixi quluftas hal ama labo jeer aad ducaneysid.

Xanuunka ma ahan halis

Xanuunka aad dareemeysid marka canuga dhaleysid halis ma’ahan oo waxaa sabab u ah in canuga ku soo riixmaayo iyo soo mari xubinta dhalmada. Xanuunka halis ma’ahan. Laakin jirka baa u micneysankaro iney halis tahay. Markas adiga waxa dareemi cabsi iyo walwal.

Adiga waa u diyaar garoobikarta xanuunka. Tusaale ahaan waxaa jiro hab loo neefsado ama jirka loo dhaqdhaqaaqiyo.

Xanuunka foosha kadib

Canuga iyo quluftii uu jiray marka ey kaa soo baxan, makaanka wuxuu bilaabi inuu isku soo arooro. Waxaa taas loo yaqaan xanuunka foosha kadib. Ma’ahan xanuun xoog badan leh sida xanuunka foosha, oo waxaa dareemi xanuun qafiif. Xanuunkas waxaa u dareemi si aanan joogto eheen. Caadiyan xanuunka foosha kadib qofka wuxuu dareemi hal ilaa labo maalmood.

Xanuun aad ka dareemeysid meelaha ku dilaacay iyo nabarada

Foosha kadib adiga waxaa dareemi dhanqasho iyo barar oo xubinta dhalmada, qaas ahaan haddii uu ku dilaacmay cambarka.

Foosha kadib waxaa ka walwalikarta inaa kaadisid ama xaartid. Laakin inta ugu badan si wanaagsan bey noqotaa. Qofka xanuun maka dareemo. Ummulisada kaadida waxey kaaga soo saarikarta tubo haddii ey kugu adkaato inaa kaadisid. Waxaa dhicikarta inaa adiga ubaahantahay inaa isticmaashid daawada xaarka jilciso sidey kugu fududaato marka aad xaareysid, haddii dilaacyo weeyn kugu dhacay.

Haddii xanuun xoog leh aad dareemeysid waxaa wanaagsan inaa ka codsatid dhakhtar ama ummuliso iney baaritan kugu suubiyan oo fiirshan haddii aad u baahantahay daryeel.

Awooda jirka oo xanuun jebinta - Kroppens egen smärtlindring

Jirka bina’aadanka wuxuu lee yahay awood uu xanuunka ku jebinkaro. Inta aad foolaneysid jirka waxaa ku badan maaddada xanuun jebinta oo la dhaho endorfin. Maaddada endorfinka baa sabab u ah in adiga xanuunkas badan u adkeysankartid. Maaddadas waxey jirka ku abuurmi tusaale ahaan qofka marka loo daliigo, jirka loo salsalaaxo, farsamada akupunktur iyo farsamada la dhaho TENS. Waa hab xanuun nusqaamin oo xoog u yeeli nidaamka jirka markey noqoto xanuun jebinta.

Waxa ey ku kala duwanyahiin xanuun iyo cabsi - Skillnad mellan smärta och rädsla

Inta ugu badan xanuun wuxuu loona mid yahay wax halis ama jiro. Taas baa sabab u ah in xanuunka uu noqdo wax aan dhibsan. Wuxuu qofka ku ridikara welwel. Weey fiicantahay inaa adiga ku fikirtid in xanuunka foosha uusan halis eheen, oo waa sidii loogu talagalay.

Xanuunka baa xoog u dareemi haddii adiga isla markas aad cabsaneysid. Markas waxaa la qaatay inaa cabsida isku mashquulisid. Maskaxiyan isku diyaari sidaa suubindoontid iyo u fikiridoontid xanuunka marka uu kugu soo bato. Ku tababaro inaa si degnaansho leh u neefsatid. Isku day inaa ereyo ku tilmaamikartid waxa aad dareemeysid. Sawir ka suubso xanuunka natiijada ka dambeyndoonto.

Waxaa xitaa fiican inaa ku fikirtid in xanuunka dhammaandoono. Wax ku meel gaar lee uu yahay.

Degnaansho waxey kuu noqon xanuun jebiye - Lugn ger smärtlindring

Jirka markuu dareemi xanuun maskaxda baa gaari farriin. Farriinta oo in jirka xanuunsan waxey mari xididka dareenka. Maskaxda waxey heli warbixinta oo ilaa heerka xanuunka gaari iyo meesha ku xanuuni. Xididyada dareenka qaarkood waxey soo mari qeybta maskaxda oo ku shaqo leh dareenada. Xididyada dareenka kadeed dheeri bey muujin haddii adiga dareemi cabsi iyo welwel. Xididyada dareenka culeyska baa ka yaran haddii adiga dareemeysid degnaansho iyo kalsooni.

Haddii adiga ku tababartid foosha ka hore isdhibcinta iyo isticmaashid farsamooyinka la isku dibciyo marka aad foolaneysid waxaa nusqaami cabsida iyo markasna xanuunka.

Sidan baa xanuunka ka suubinkarta - Så kan du hantera smärtan

Waxaa jiro siyaabo kala duwan oo xanuunka lagu xalinkaro. Adiga waa:

  • iska indha tir. Adiga wado howsha aad ku mashuulsantahay iyo xanuunka juu kuu talin.
  • ka jeed jeedsasho. Dabaal suubso, filim fiirso, muusig dhageyso ama waxkale aad jeceshahay.
  • oggolaansho. Ha iloobin in xanuunka uu kamid yahay foosha. Xanuunka badan micnahiisa waa in adiga iyo canugaaga mardhaw wada kulmidoontiin.

Xanuun jebiyaasha waxey kala yahiin labo koox - Det finns två olika grupper av smärtlindring

Waxaa jiro farsamooyin kala duwan oo xanuunka lagu suuxin iyo lagu nusqaamin.  Farsamooyinkas qaarkood waxaa la isticmaali daawo. Waxaa loo yaqaan farsamo daawo.

Farsamooyinkale waa adeegsashada nidaamka jirka lagu abuuray oo nusqaaminta xanuunka. Waxaa loo yaqaan farsamada aanan daawo la isticmaalin ama farsamo dabiici.

Tusaale xanuun jebin aanan daawo la isticmaaleyn:

  • kuleel oo xanuun jebin
  • jir duugid oo xanuun jebin
  • TENS
  • akupunktur [oo farsamo cirbado jirka la suri]
  • sterila kvaddlar [maqaarka jirka hoostiisa baa lagu shubi biyo la nadiifshay]
  • shukumaano kulul baa lagu qaban xubinta dhalmada markii la gaaro xilliga canuga soo bixi.

Tusaale xanuun jebin oo daawo la isticmaalaayo:

  • gaaska suuxinta
  • suuxinta dabarka
  • suuxinta luqunta makaanka, PCB
  • suuxinta lafta misigta, PDB
  • suuxinta meel qaas ah

Farsamada xanuun jebinta oo ugu fiican waxey kala yahiin dhowr kala duwan oo dadka isku si ma u wada anfaci iyo foosha isku si ma wada ahan.

Weey adagtahay in hordhac ahaan la sii ogaado farsamada adiga tijaabindoontid. Markas adiga iyo ummulisada waa ka wada tashankartiin inta foosha socoto tan aad dooneysid. Adiga inta ey foosha socoto waad is badalikarta oo dhowr farsamo oo kala duwan baa tijaabinkarta.

Dhammaan farsamooyinka xanuun jebinta oo daawo la isticmaali waa mid adiga daryeelka isbitaalka kugu martiqaadi. Adiga baa go’aanka iska leh haddii aad dooneysid xanuun jebiye ama aadan dooneyn.

Farsamada xanuun jebintee baa igu wanaagsan, xilligee? - Vilken smärtlindring passar bäst när?

Inta ugu badan qofka wuxuu tijaabiyaa dhowr nooc oo kala duwan farsamada xanuun jebinta inta foosha socoto. Bilaawga inta foosha daciifka tahay waxaa ku filan kuleel, is dibcin ama jir duugis. Adiga waxaa cunikarta kaniiniga oo xanuun jebinta oo ku jirto daawada la dhaho paracetamol. Adiga waxaa xita lagugu duri kara cirbad daawo xanuun jebiso haddii xanuun aad u badan dareemeysid.

Foosha qeybta dambe markuu kuleelka xanuunka soo bato waxaa caadiyan ah in la isticmaalo farsamada xanuun jebinta oo sida camal daawada gaaska suuxinta ama suuxinta dabarka.

Dadka qaarkood waxey doonaayan xanuun jebin badan oo daawo inta ey foosha socoto oo dhan. Dadka qaarkood waxey iska ilaalin daawo iyo isticmaale farsamada sida jir duugis iyo kuleel foosha oo dhan. Inta eysan foosha bilaaban weey adagtahay in la sii oggaado tan adiga ku anficidoonto. Weey fiicantahay inaa ka sii fikirtid sida aad dooneysid, laakin waxbo ha ka murugoon haddii ey noqoto si kale. 

Qeybaha lagu foosho isku si ma’ahan - Olika på olika kliniker

Qeybaha lagu foosho mar mar waxey leeyahiin dhaqamo kala duwan. Qaarkood waxey aad u isticmaalan farsamooyinka qaarkood iyo farsamooyinka kale marmar dhif. Laakin adiga markasto waa ku kalsoonaan karta in lagaa caawindoono xanuun jebinta haddii adiga baahi u qabtid. 

Canug dhalis kale - Att föda igen

Foolkasto waa qaas. Lama sii oggaankaro sida xanuunka noqon doono adigoo markas ka cabir qaadaneysid sidii aad dareemeysay markii canugii hore aad dhaleysay. Waa caadi in foosha dhaqso ku dhammaato haddii canug horey usoo dhashay.

Adiga waxaa u baahnaankarta kaalmo dheeri ah iyo waxaa dhicikarto xanuun jebiye oo daawo foosha bilaawgeeda, haddii xanuun aragti dhib leh kala kulantay fooshii hore. La sii qorshee ummulisada ama dhakhtarka.

Kaalmeynta qof canug dhali - Att stötta någon som ska föda barn

Adiga oo wax dhaleyn dhib bey kugu noqon karta ilaa joogtid qof ehelkaada ah oo aad u xanuunsanaayo. Weey fiicantahay inaa hore ka sii fikirtid ficil celintaada waxa ey noqon doonto.

Inta foosha socoto waa caawin karta iyo u fududeyn karta. Adiga aad baa muhiim u tahay. Qofka taas waxey la noqonkarta mas’uuliyad weeyn iyo weey fiicantahay inaa isku sii diyaarisid. Waxaa suurtagal inaa koorso isku sii diyaarin inaa ka qeyb-qaadankartid. Waxaa akhrisankarta warbixin ku saabsan foosha, ka wada hadlikartiin iyo isla wada suubin kartiin qorshaha foosha.

Waxaa labadiina ka qaadeysiin kalsooni haddii aad ogtahiin sida uu dooni qofka wax dhali. Adiga waxaa u suubinkarta jir duugis, barkinta usoo kulelen karta iyo siyaabo kale ugu fududeyn karta. Isla qorsheeya iyo isla tababarta xilliga uurka oo waxyaabaha adiga suubinkartid iyo ka caawinkartid.

Inta foosha socoto weey ku adkaan karta qofka foolan inuu hadlo. Markas waxaa fiican adiga oo la socdo inaa ogtahay aragtida iyo sida uu doonaayo qofkas in wax loogu suubiyo. Adiga markas waa ka qeyb-qaadankarta iyo u sheegikarta shaqaalaha sida uu dooni qofka canuga dhali.

Xanuun iyo qalitaanka foosha - Smärta och kejsarsnitt

Marka adiga ku dhaleysid canuga qalitaanka foosha adiga waa lagu suuxin, oo wax xanuun ma lahan.

Waxaa caadiyan ah in adiga suuxinta dabarka lagugu suubin qalintaanka foosha. Inta qalitaanka socdo waxaa dareemikarta in dhakhtarka caloosha kaa jeedi iyo waad dhibsankarta. Laakin wax xanuun kama dareemeysid.

Qaliinka kadib adiga meesha nabarka ku ah waa ka dareemikarta xanuun. Xanuunka waxaa ka dareemi qeybta hoose oo caloosha. Marka adiga dhaqdhaqaaq badan suubisid xanuunka wuu soo badan kara. Qaas ahaan marka aad sida aad oo jiiftid ama u fadhisid badaleysid, adigoo jiifo fadhiisaneysid ama istaageysid dhib baa u dareemikarta.

Adiga waxaa u baahnaankart daawo xanuun jebin labo ilaa saddex isbuuc. 

Saameyn ku yeelo iyo ka mid noqo daryeelkaada - Påverka och delta i din vård

Adiga oo buukan jiifka waxa haysata fursad, sida ku qoran sharciga buukan jiifka[patientlagen], aad saameynt ku yeelankartid daryeelka lagu siin.

Sidaa uga qeybqaadankartid daryeelka lagu siin aad bey muhiim u tahay in adiga fahamsantahay warbixinta ey shaqaalaha daryeelka ku siin adiga. weey dii su’aalo haddii aadan fahmeyn. Adiga waxaa warbixin lagaa siin kara daryeelada suurtagalka ah.

Adiga waxa haysata fursad uu turjum ku caawin karo haddii aadan u hadlin iswiidhish. Adiga waxa haysata fursad uu turjum ku caawiyo haddii maqalkaada liito. Haddii aad u baahantahay qalabka caawinaada adiga waxaa lagu siin warbixin oo qalabka jiro iyo sidaa ku helikartid. 

To the top of the page