Soomaali/Somaliska

In ilme la daryeelo

Att ta hand om barn - somaliska

Content - In ilme la daryeelo

Visa innehåll som:
  • Baadhitaannada ilmaha hadda soo dhashay

    Undersökningar av det nyfödda barnet - somaliska

    Ilmaha hadda soo dhashay ayaa maalinta ugu horeysa siyaabo kala duwan loogu baadhaa. Baadhitaannada intooda badan waxa lagu sameeyaa cusbitaalka intaydaan guriga tagin ka hor. Waxaad u baahan kartaan inaad dib u soo laabataan haddii aad hore cusbitaalka uga baxdeen.

  • Naasnuujinta

    Amning - somaliska

    Waxa ay naasnuujintu ilmaha siisaa cunto, isku-dhowaansho iyo ammaan intaba. Laakiin wakhti ayay qaadan kartaa si ay naasnuujintu u shaqeyso. Waxa jirta caawimo la heli karo.

  • Dhibaatooyinka xilliga naasnuujinta caadi ahaan la yeesho

    Vanliga besvär vid amning - somaliska

    Waxa caadi ah in bilowga naasnuujinta ay naasuhu ku xanuunaan. Badanaa waxoogaa ka dib ayay taasi iska tagtaa. Mararka qaar ayaa in lagu daaweeyo loo baahan yahay.

  • Beddelka caanaha naaska iyo naqafaqo-kabista

    Bröstmjölksersättning och tillskottsnäring - somaliska

    Carruurta aan caanaha naaska la siinin ayaa u baahan inay helaan beddelka caanaha naaska. Waxa kuwaas u sameysan yihiin si ay ugu ekaadaan caanaha naaska. Marka uu ilmahu bilaabo inuu cuntada caadiga ah cuno ayuu taas beddelkeeda ilmahu heli karaa waxa loo yaqaano nafaqo-kaabis.

  • Sidan ayaad u dhimeysaa khatarta dhimashada degdega ah ee dhallaanka

    Så minskar du risken för plötslig spädbarnsdöd - somaliska

    Dhimashada degdega ah ee dhallaanku waa inuu ilmuhu neefsashada joojiyo oo uu si lama filaan ah ugu dhinto, badanaa xilliga hurdada. Taasi waa wax aan caadi aheyn. Waxa ugu muhiimsan ee khatarta lagu dhimayaa waa inuu ilmahu dhabarka u seexdo.

  • Barnaamijka tallaalka ee carruurta

    Vaccinationsprogrammet för barn - somaliska

    Waxa dhamaan carruurta Iswiidhan joogta loo soo bandhigaa tallaalka lagaga hortagayo laba iyo toban cudur. Taasi waa si ilmaha looga ilaaliyo inuu si xun u xanuusto. Qaadashada tallaalku waa bilaash.

  • Xarunta xanaanada carruurta

    Barnavårdscentralen, BVC - somaliska

    Xarunta xanaanada carruurtu waa rug gaar ah oo loogu talogalay carruurta ilaa lix sano jirka ah. Halkaas ayuu shaqaaluhu ku baadhi doonaa caafimaadka ilmaha iyo sida uu u korayo. Waxaad weydiin kartaa dhamaan wax kasta oo khuseeya ilmahaaga iyo su'aalo waalidnimada ku saabsan.

To the top of the page