Baaritaano/tijaabooyin

Baaritaanka naasaha - raajada naasaha

Mammografi - somaliska

Waxaad si joogto ah u samayn kartaa baaritaannada naasaha iyadoo la adeegsanayo raajada naasaha marka aad gaarto da' gaar ah. Tani waa in la hubiyo haddii aad qabto cudurka kansarka naasaha.

Samtal inför mammografi.
Qofka sameynaya raajada naasaha ayaa kuu sharxi doona sida baaritaankan loo sameeyo.

Läs texten på svenska här.

Baaritaanka noocan ah waxaa loo yaqaan baaritaanka ogaanshaha hore. Taas macnaheedu waa inaad baaritaankan sameyso xitaa adigoo dareemaya in aad caafimaad qabto.

Adiga ayaa go'aansanaya inaad rabto inaad sameyso baaritaankan, laakiin waxaa ugu wanaagsan inaad sidaas sameyso. Waa lacag la'aan.

Waxaad heli doontaa warqad marka ay soo dhawdahay inaad sameyso baaritaankan. Waxay kuu sheegi doontaa waqtiga iyo goobta baaritaankan.

Waad beddeli kartaa waqtiga ballantaada iyo goobta haddii aad u baahato. Warqaddu waxay kuu sheegi doontaa sida loo sameeyo tan.

Maxaa la iigu casuumaya inaan sameeyo raajada naasaha (mammografi) ?

Kansarka naasaha waa nooca kansarka ugu badan ee ku dhaca haweenka. Khatarta ah inuu cudurku ku dhaco ayaa kororta marka da'du sii korodho.

Waxaa jira fursad weyn oo soo kabasho ah haddii kansarka naasaha la ogaado waqti hore. Raajada naasaha waxay ogaan kartaa kansarka naasaha ka hor intaadan xitaa dareemin inaad xanuunsan tahay.

Waxaad heli doontaa martiqaad joogto ah oo aad ku sameyso raajada naasaha haddii dhammaan kuwan soo socda ay ku khuseeyaan:

  • Waxaad tahay haweeney.
  • Da'daadu waxay u dhaxaysaa 40 iyo 74 sano.
  • Waxaad ka diiwaan gashan tahay diiwaanka dadweynaha ee Iswiidhan.

Maxaa dhacayo inta uu socdo baaritaanka?

Baaritaankan waxaa lagu sameyn doonaa rugta caafimaadka ee baaritaanka raajada naasaha. 

Waxaad qol la geli doontaa qofka baaritaankan sameyn doona. Waxaa qolka ku jiri doona mashiinka raajada naasaha. Waxay qaadaysaa raajada naasaha. 

Maxaa dhacayo inta uu socdo baaritaanka?

  • Waxaad ka jawaabi doontaa dhowr su'aalood. Tusaale ahaan, haddii aad wax sidii hore ka duwan naasahaaga ku aragtay, ama haddii aad qaadanayso kiniinnada ka hortagga uurka ama daawooyin kale oo hoormoon ah.
  • Waxaa lagaa codsan doonaa inaad dharka ka saarto waxii dhexda ka sarreeya.
  • Waxaa lagu weydiin doonaa inaad fadhiisato ama aad istaagto meel u dhow mashiinka raajada naasaha.
  • Waxaa lagaa codsan doonaa inaad mid ka mid ah naasahaaga saarto saxan caag ah oo siman.
  • Saxan kale oo fidsan ayaa lagu riixi doonaa naaskaga. 
  • Waxaad u baahan doontaa inaad gacantaada ku hayso boos gaar ah.

Baaraha ayaa ku caawin doona oo hubin doona in wax walba si sax ah loo dhigay, ka dibna wuxuu qaadi doonaa laba ama saddex sawir raajo.

Kadib waxaa lagaa codsan doonaa inaad isla sidaas oo kale ku sameyso naaska kale.

Waxay qaadataa dhowr ilbiriqsi in sawirrada raajada la qaado. Booqashada oo dhan waxay qaadan doontaa qiyaastii 30 daqiiqo.

Qof uur leh ama naas nuujinaya

Waxaad samayn kartaa sawir qaadista raajada xitaa haddii aad uur leedahay ama aad naas nuujinayso. Haddii aad naas-nuujinayso, waa inaad naas nuujisaa ama aad caanaha iska listaa ka hor baaritaankan. Tani waxay sahlaysaa baaritaankan.

Sidee bey kula tahay raajada sawir qaadista?

Naasaha waa in la isku cadaadiyaa si loo qaado sawirro wanaagsan. Tani waxaad ku dareemi kartaa dhib muddo gaaban. Dadka qaar waxay u arkaan inay xanuun badan tahay. Dadka badankood waxay mar kale dareemaan caadi baaritaankan ka dib.

Goorma ayaan heli doonaa natiijooyinkayga?

Waxaad natiijadaada heli doontaa dhowr usbuuc ka dib. Waxaad heli doontaa warqadda. Warqadda waxaa lagu soo diri doonaa cinwaanka aad ku nooshahay ee diiwaangashan. Waxaa lagaa codsan doonaa inaad u timaadid rugta caafimaadka si baaritaan kale laguu sameeyo haddii sawirrada wax isbeddel ah oo ku yimid naasahaaga ka muuqdaan.

La xiriir rugta caafimaadka haddii aad wax su'aalo ah ka qabtid natiijooyinkaaga. Warqaddu waxay kuu sheegi doontaa sida loo sameeyo tan.

Haddii adigu aad wax ku aragto naasahaaga

La xiriir xarun daryeel caafimaad (vårdcentral) haddii aad wax ka duwan naasahaaga ku aragtay. Tusaale ahaan, haddii aad dareento wax adag ama naasahaagu ay u muuqdaan kuwo ka duwan sidii hore oo aysan sidii hore isku xallinin.

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad samayso raajada naasaha iyo baaritaanno kale.

Waxaad had iyo jeer wici kartaa lambarka taleefanka 1177 haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama aad u baahan tahay talo taleefan wicitaan ahaan. Dadka ka jawaabaya waa kalkaaliyaal ku hadla Iswidhish iyo Ingiriis. Mararka qaar waxaad ku heli kartaa caawin luuqadaha kale. Lacag la'aan ayaad ku wici kartaa 1177.

Ka soo wac +46 771 11 77 00 haddii aad ka wacayso taleefan lambar ajnabi ah.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

Kani waa 1177

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta waqti walba – maalin iyo habeen – oo waxaad talo ka heleysaa kalkaalisada. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

To the top of the page