Uurka leh

Booqashada xarunta umulisada

Besök på barnmorskemottagningen - somaliska

Markaad uurka leedahay ayaad booqan doontaa xarunta umulisada. Waxa ay ujeedada booqashadu tahay si loogu eego sidaad adiga iyo ilmaha uurka ku jira aad tihiin. Waxa lagu siin doonaa talo iyo gargaar ku wajahan sidii aad dhalmad iskugu diyaarin laheyd. Booqashadu waa kuu bilaash.

Isla marka aad ogaato inaad uur leedahayba toos ula xidhiidh xarunta umulisada (barnmorskemottagning). 

Halkan ayaad ka helaysaa xarunta barnmorskemottagningar. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. 

Läs texten på svenska här.

Maxaa xilliga booqashada la sameeyaa?

Waxaad barnmorskemottagningen kula kulmaysaa umuliso. Kuwani waa waxyaabo aad tusaale ahaan ka wada hadli kartaan:  

  • Sideed tahay? 
  • Haddii aad uur hore u soo qaaddey. 
  • Haddii aad leedahay ama ay hore kuugu soo dhaceen wax cuduro ahi. 
  • Fikradahaaga uurka ku saabsan 
  • Waxyaalaha uu uurku ku wanaagsan yahay. 
  • Sida dhaqdhaqaaq iyo jimicsiga ugu sameyn karto xilliga aad uurka leedahay. 
  • Sida ay tubaakada,khamriga, daroogada iyo dawadu ilmaha u saameyn karaan.  
  • Fikradahaaga khuseeya dhalmada ilmaha iyo naas nuujinta. 

Waxaad sidoo kale wax badan ka ogaan doontaa baadhitaanada kala duwan ee ku siinaaya macluumaad ku saabsan koritaanka uurjiifka ee ilmo-galeenka dhexdiisa. Waxa baadhitaanada noocaas ah loo yaqaanaa Baadhitaanka uur-jiifka (fosterdiagnostik). 

Waxa intaas dheer in tijaabooyin lagaa qaado oo lagu baadho.  

Waxa shaqaalaha saaran waajibaad sir qarinta. 

Dhamaan dadka daryeelka caafimaadka ka shaqeeya waxa qabanaaya  waajibaadka sir qarinta. Waa inaan qofna dadka kale uga sheekeynin adiga booqashadaada aad ku timid barnmorskemottagningen. 

Immisa jeer ayaa booqashada la sameynayaa?

Waxa umulisada la booqdaa lix ilaa toban jeer xilliga uurka la leeyahay. Dadku way ku kala duwan yihiin inta jeer ee ay u baahan yihiin inay booqdaan. 

Marka xilliga fooshu soo dhawaato ayay booqashooyinku iskaga soo dhadhawaadaan. 

Shaybaadhada la qaadaayo iyo baadhitaanada

Marka ay booqashadu socoto waxay umulisadu qaadi doontaa shaybaadho baadhitaano lagu sameyn doono. Taasi waa si loogu ogaado sida uu caafimaadkaaga iyo ka ilmaha uurka ku jiraa yahay. 
 
Waxa caadi ah in la iska qaadaa shaybaadh dhiig ah iyo mid kaadi ah. 

Waxyaabaha hoose ayay sidoo kale umulisadu baadhitaan ku sameysaa:  

  • Cadaadiska dhiiggaaga. 
  • Inta uu miisaankaagu yahay. 
  • Sida uu ilmo-galeenku u korayo. 
  • Sida uu ilmuhu u dhaqdhaqaaqaayo.  
  • Sida uu wadnaha ilmahu u garaacmayo. 

Macluumaadka kugu saabsan waxa lagu ururiyaa diiwaanka caafimaadka

Waxay umulisadu waxyaabaha muhiimka ah ee ku saabsan uurkaaga ku qortaa diiwaanka caafimaadka ee dhijitaalka ah. Shaqaalaha qeybta dhalmada ayaa diwaankaaga caafimaadka akhrisan doona markaad umuleyso. 

Kulamada waalidka

Waxa ay Barnmorskemottagningen soo qabanqaabineysaa kulamada dadka waalidka noqon doona. Halkaas waxaa sidoo kale lagula kulmaa dad kale oo iyaguna waalid noqon doona. 

Waxa kulamada laga helaa warbixin iyo talooyin. Waxa caadi ahaan laga wada hadlaa dhalmada, xanuun-jabiyaha la qaadan karo xilliga dhalmada, ilmaha yar ee soo dhashay iyo naas nuujinta. 

Waxaad heli kartaa taageero kaalmo dheeraad ah

Waxaad heli kartaa taageero kaalmo dheeraad ah. 

Haweenka ka walwalsan ama ka baqaya dhalmada ayaa kaalmo dheeraad ah heli kara.  
Umulisada u sheeg haddii ay jiraan wax aad ka welwelsan tahay. Wax kasta ayay taasi noqon kartaa. 

Haweenka qaar ayaa u baahan kara inay tagaan daryeelka hooyada ee takhasuska gaarka ah (specialistmödravården)

Qofka leh cuduro ama dhibaatooyinka qaar ayaa laga yaabaa in loo baahdo inuu aado waxa loo yaqaano daryeelka hooyada ee takhasuska gaarka ah.  

Umulisada ama dhakhtarka jooga barnmorskemottagningen ayaa kuu sheegaya haddii aad u baahan tahay inaad halkaa tagto. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa booqashadaada daryeelka caafimaadka laguu qaban karaa turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso. 

Booqashadaada aad dib ugu soo noqonayso barnmorskemottagningen

Markaad dhasho kadib ayaad dib ugu soo noqonaysaa barnmorskemottagningen. Waxa booqashada dib loogu soo noqonaaya la sameynayaa 2 ilaa 16 todobaad kadib.  
 
Booqashada aad dib ugu soo noqonayso ayaad kaga wada hadlaysaan dhalmada iyo naas nuujinta. 

Umulisadu waxay sameyn doontaa baadhitaan la xidhiidha xubinta dhalmada ama macdanta dumarka. Umulisadu waxay sidoo kale kula soo qaadi doonta haddii aad u baahan tahay inaad uurka iska ilaaliso. 

Waxa laga yaabaa inaad dhowr jeer dib ugu soo laabato/booqato. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page