Umusha/dhalmada

Booqashada rugta umulisada ka dib markaad ilmo dhashay

Besök på barnmorskemottagningen efter du har fött barn - somaliska

Markaad ilmo dhasho ka dib waxa muhiim ah in umulisada joogta rugta umulisada la booqdo. Waxaad ka wada hadlaysaan siday dhalmada iyo wakhtigii ka danbeeyey uu ahaa. Waa lagu baadhi doonaa waxaanad weydiin kartaa su'aalo.

Waxa booqashada loo sameynayaa si ay umulisadu u ogaato inaad caafimaad qabto oo uu jidhkaagu bogsanayo.

In booqashada la tago ayaan qasab aheyn.

Ilmaha ayaad u sii qaadan kartaa haddii aad dooneyso.

Läs texten på svenska här.

Way kala duwan tahay in booqashada la qabsado

Waxa kala duwan sida booqashada loo qabsado. Meelaha qaarkood ayay umulisadu kula soo hadlaysaa si aad wakhti ugu go'aansato. Gobolada kale ayaad adigu telefoon u soo diraysaa oo aad wakhti go'aansaneysaa.

Goorma ayuu dhacayaa wakhtiga booqashada rugta umulisadu?

Waxay ay booqashadu dhacaysaa 16 toddobaad gudahood marka la umulo. Adiga ayaa go'aaminaaya marka ay kugu haboon tahay inaad timaado. Haddii aad doonto ayaad hal ama dhowr todobaad ka dib imaan kartaa.

Waxaad sameyn kartaa hal booqasho ama wax ka badan. Waxaad xitaa imaan kartaa dhowr booqasho.

Waxa caadi ahaan lala kulmaa isla umulisda aad la kulmi jirtey xilligii aad uurka laheyd. Laakiin mid kale ayaad la kulmi kartaa haddii aad dooneyso.

Maxaa xilliga booqashada la sameynayaa?

Waxaad weydiin kartaa su'aalaha aad qabtid/aad is weydiineyso.

Waxa waxyaabaha aad ka wada hadlaysaan tusaale ahaan ka mid ah:

  • Sida uu caafimaadkaaga jidhka iyo ka dhimirku yahay.
  • Dhalmadaada iyo sida aad dareemayso inay aheyd. Waxaad akhriyeysaan diwaankaaga caafimaadka. Halkaas ayuu ku yaalaan daryeelka aad heshay iyo sida aad ilmaha u dhashay.
  • Naasnuujinta iyo quudinta ilmaha.
  • Sidaad u aragto in waalid la ahaado.
  • Siday tahay in carruur badan la dhalo, haddii aad carruur hore u dhashay.
  • Galmada iyo waxyaalaha uurka la iskaga ilaaliyo.
  • Xidhiidhada.

Cabiraadaha kala duwan

Xilliga booqashada ayay umulisadu qiyaastaa/cabirtaa dhiig karkaaga oo ay shaybaadh qaadaa. Sidoo kale miisaankaaga ayaa la cabiri doonaa.

Baadhitaanada gudaha iyo agagaarka farjiga

Umulisada ayaa gudaha iyo agagaarka farjiga ku baadhi doonta. Kursi ayaad dhabarka ugu jiifsan doontaa

Waxa ay umulisadu baadhi doontaa:

  • Haddii aad farjiga dilaac ku yeelatay dhalmada ka dib.
  • Sida ay muruqyada agagaarka farjiga iyo dabadu u shaqeynayaan.

Haddii ilmaha lagugu soo qalay

Waxay umulisadu boogta baadheysaa iyadoo taabaneysa oo dareemeysa.

Haddii aad taageero u baahan tahay

Waxay umulisadu kaa caawin doonta inaad dhakhtar la kulanto, haddii aad taas u baahan tahay.

Mararka qaar ayaad u baahan kartaa inaad daryeel ka hesho daryeel bixiye kale. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa dhakhtarka dhimirka.
Umulisada ayaa ku caawin doonta in balan aad ku booqato laguugu qabto.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa booqashadaada daryeelka caafimaadka ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballantaada booqashada qabsaneyso.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page