In ilme la daryeelo

Barnaamijka tallaalka ee carruurta

Vaccinationsprogrammet för barn - somaliska

Waxa dhamaan carruurta Iswiidhan joogta loo soo bandhigaa tallaalka lagaga hortagayo laba iyo toban cudur. Taasi waa si ilmaha looga ilaaliyo inuu si xun u xanuusto. Qaadashada tallaalku waa bilaash.

Läs texten på svenska här.

Cuduradee ayaa carruurta laga tallaalaa?

Waxa dhammaan carruurta Iswiidhan joogta loo soo bandhigaa tallaalka lagaga hortagayo cudurradan soo socda: 

  • gawracatada 
  • xiiqdheerta 
  • teetanada
  • dabaysha
  • Hargabka Haemophilus nooca B
  • Bakteriyada keenta cudurada uu ka midka yahay qoorgoo   (cudur maskaxda ku dhaca 
  • jadeecada
  • qaamo-qashiir/Dhego-fidiye/Cuna-bacuuc
  • Jadeeco Jarrmalka
  • rotafayruus
  • Jooniska/cagaarshowga nooca B
  • HPV - humant papillomvirus.

Waxa badanaa carruurta hal irbad lagu siiyaa tallaalo badan. 

Waxa uu tallaalku ka difaacaa cudurrada halista ah

Waxa uu tallaalku carruurta ka difaacayaa inay si xun cuduradaas ugu xanuunsadaan.

Waxa uu sidoo kale tallaalku  ka hortagaa inay cudurradu fidaan.

Tallaalku waa dawo ammaan ah 

Waxaad ikhtiyaar u leedahay inaad ilmahaaga tallaasho.  

Waxa u daryeelka bukaanku dadka oo dhan kula talinayaa inay taas sameeyaan.

Tallaalku waa dawo ammaan ah. 

Goorma ayaa ilmaha la tallaalayaa?

Carruurta ayaa dhowr jeer la tallaalayaa inta ay korayaan.

Waxa tallaalka koowaad uu ilmuhu helayaa marka ay da'diisu tahay lix toddobaad.  

Carruurta Iswidhan waddamo kale uga soo guuray

Waxay waddamadu ku kala duwan yihiin noocyada tallaal ee carruurta la siiyo.

Carruurta ku dhalatay waddamo kale oo aan Iswiidhan ahayn waxa laga yaabaa inay tallaallo badan u baahdaan.

Qofka qaba wax su'aalo ah oo ku saabsan tallaalada ilmahiisa, waxa uu la soo xidhiidhi kara mid kuwan mid ka ah: 

  • barnavårdscentralen (BVC)
  • elevhälsan ee dugsiga
  • xarunta cafimaadka (vårdcentral). 

Maxaan sameeyaa si aan ilmaha ugu diyaariyo?

Waxa wanaagsan in uu ilmahu soo nastey oo uu wax soo cunay tallaalka ka hor.

Hase yeeshee ilmaha la siinayo tallaalka rotafayrusku waa inaanu waxba soo cunin tallaaka hortii.

Haddii uu ilmuhu welwelsan yahay

Waxa laga yaabaa inay carruurta qaar irbadaha ka baqdaan ama xanuun u keeneyso.

Ilmaha u sheeg  in talaalka degdeg loo sameynayo. Waxa laga yaabaa inay wax yar xanuun keento laakiin dhakhso ayay u tageysaa.

Haddii uu ilmuhu xanuusanayo

La xidhiidh BVC ama caafimaadka ardayga (elevhälsan) haddii ilmaha la tallaalayo laakiin uu xanuusanayo. Waxaad u baahan kartaan ballan cusub oo la idin siiyo. 

Sidee ayaa tallaalka loo sameynayaa?

Carruurta ay da'doodu ilaa shan jir tahay ayaa tallaalka lagu siinayaa BVC.

Carruurta dugsiga bilaabtay ayaa tallaalka lagu siinayaa caafimaadka ardayda (elevhälsan).

Ilmaha waxa la siinayaa irbad

Carruurta hal sano ka yar ayaa caadiga ahaan irbadda bowdada laga siiyaa.

Carruurta ka weyn hal sano ayaa irbadda laga siiyaa cududda/gacanta xageeda kore. 

Ilmaha ayaa tallaalka rotafayruska afka ka qaata

Tallaalka rotafayrusku waa qaab dhibco ah.

Ilmaha ayaa tallaalka afka ka qaadanaaya.  

Dareeraha ayaa dhadhan macaan leh. 

Sidee ayuu ilmahu ka did dareemayaa?

Waxay waxoogaa yar xanuujin kartaa meesha ilmaha irbadda lagaga muday.

Waa caadi inuu ilmuhu waxoogaa yar oo xanuun ah dareemo tallaalka ka dib. Waxa tusaale ahaan dhici karta inuu ilmahu xummad yeesho. Degdeg ayay caadi ahaan uga tagtaa.

Tallaalka rotafayruska ka dib ayuu ilmuhu jiro dareemi karaa oo ay calooshu xanuuni kartaa. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Dadka la tallaalay badankoodu uma baahna inay daryeelka caafimaadka la xidhiidhaan.

La xidhiidh rugta caafimaadka ee uu ilmahu tallaalka ka qaatey haddii aad su'aalo qabtid ama wax ka welwelsan tahay.

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Haddii ay xaaladu degdeg tahay

Degdeg ula soo xidhiidh daryeelka caafimaadka haddii ay ilmaha calooshu aad u xanuuneyso. La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda:

  • xarunta cafimaadka (vårdcentral).
  • rugta heeganka ee furan.

Haddii ay xidhan tahay, daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaarka degdega ah.

Isla markaasba wac 112 haddii uu ilmuhu kala daadsan yahay.  

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page