Regional guidelines and restrictions in Kalmar County
Regional guidelines and restrictions in Kalmar County - somaliskaThe content concerns Kalmar länLaga bilaabo 10-ka bisha
Nofeember waxaa lagu
boorinayaa dhamaan dadka
jooga gobolka Kalmar inay:
- Ay ka fogaadaan meelaha laysugu yimaado sida
dukaammada, suuqyada waaweeyn, maktabadaha,
matxafyada,meelaha lagu dabaasho iyo meelaha lagu
jimicsado. Meelaha lama huraanka ah waa la tegi karaa
sida dukaammada cuntada iyo farmishiga. - Ay ka fogaadaan ka geybgelidda kulammada,
riwaayadaha, bandhigyadda , tababaradda cayaaraha,
cayaaraha iyo tartannada. Taas kuma jiraan tababarrada
cayaaraha carruurta dhalatay 2005 iyo wixii ka
dambeeyay. - Haddii ay suuragal tahay ka fogoow la kulanka fool ka
foolka ah dadka aan ahayn kuwa kula nool. Taas
macnaheeda waa in lagaaga digaayo abaabulid iyo ka
qaybgelid xaflad iyo wixii la mid ah ee dad ku kulmaayo.
Ka fogaanshahaas kuma jiraan la kulanka xarumaha
caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka. Weliba
waxaa la rabaa in qofkii calaamadaha covid-19 qabaa
uu la kulanka dadka iska jiro.