Uurka leh

Dhiigkarka yimaada xilliga uurka

Havandeskapsförgiftning - somaliska

Havandeskapsförgiftning (dhiigkarka yimaada xilliga uurka) waa cudur aad qaadi karto markaad uurka leedahay. Waxaad yeelanaysaa dhiig kar. Taasi ayaa adiga iyo ilmahaba saameyn karta. Si cadaadiska dhiiggaaga loogu dejiyo waxaad u baahan kartaa nasasho iyo dawo lagu siiyo.

Waxa Havandeskapsförgiftning sidoo kale loo yaqaannaa preeklampsi. 

Läs texten på svenska här.

Calaamadaha

Dad badan ayaan cudurka dareemin. Umulisada ayaa markaa ah cida xanuunka garan doonta kadib markay baadhitaan sameynayso. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Markaad uurka leedahay waxaad marar badan booqan doontaa xarunta umulisada (barnmorskemottagning).  
Haddii aad havandeskapsförgiftning qaado ayaa baadhitaanno dheeraad ah lagugu sameyn doonaa. 

Haddii ay xaaladu degdeg tahay

Badiyaa waxa cudurka la qaadaa dhamaadka uurka. Caadi ahaan inta lagu jiro lixda toddobaad ee ugu dambeeya. Laakiin wakhti ka horreeya ayaa la yeelan karaa. 

Waxa laga yaabaa in si degdeg ah daryeelka caafimaadka loola xidhiidho haddii qaar waxyaalahan ka mid ahi ay ku khuseeyaan: 

  • Waxaad isla hal mar yeelaneysaa madax-xanuun aanad garaneynin. 
  • Waxaad yeelanaeysaa dhibaato xagga aragga 
  • Waxaad xanuun badan ku yeelanaysaa qeybta kore ee caloosha, gaar ahaan dhinaca midig ee feedhaha hoostooda. 
  • Waad yalaalugooneysaa oo aad matageysaa inta lagu jiro qeybta dambe ee uurka. 
  • Waxa ku bararaya wejiga, gacmaha ama cagaha. Bararka ayaad si degdeg ah ugu yeelataa. 
  • Waxaad guud ahaan dareemeysaa inaad xanuunsaneyso. 

La xidhiidh mid ka mid ah xarumahan caafimaad: 

  • Xarunta umulisada. 
  • Rugta heeganka ee furan. 

Haddii ay xidhan yihiin ama aanay ku qaabili karin, daryeel caafimaad ka raadso xarumahan caafimaadka mid ka mid ah. 

  • Rugta gargaarka degdega ah haddii lagu jiro qeybta hore ee uurka. 
  • Qeybta dhalmada haddii lagu jiro qeybta danbe ee uurka. 

Soo wac oo talo talobixin ka hel lambarka telefoonka 1177 

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.  

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi.  
Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.  

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Maxaan samayn karaa?

Markay havandeskapsförgiftning kugu dhacdo ayaa waxa muhiim ah in la is dejiyo oo la nasto. 

Baadhitaanada

Waxay umulisadu cabbireysaa cadaadiska dhiiggaaga markaad xarunta umulisada soo booqato.  
 
Waxaad dhiibi doontaa shaybaadh kaadi. 

Waxa lagaa qaadi doonaa kaadi. 
Waxa sidoo kale lagugu baadhi karaa ultraljud. Waxa uu baadhitaanku muujin karaa sawir ilmaha uurka ku jira. 
 
Waxa sidoo kale lagugu baadhi karaa aalad cabirta garaaca wadnaha ee ilmaha.  
Waxaa loo yaqaanaa CTG. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin.  
U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso. 

Daweynta

Dadka qaar waxa bilowga hore ee uurka la siin karaa dawooyinka dhiigga khafiifiya. Tusaale ahaan, haddii havandeskapsförgiftning kugu dhacay xilli aad uur hore laheyd. Dawadu waxay ka hortageysaa inaad mar kale cudurka qaaddo. 

Qofka havandeskapsförgiftning qaada waxa la siin karaa dawo cadaadiska dhiigga dejisa. 
 
Dadka qaar ayaa dhakhtar la dhigaa. Markaas ayaa shaqaalaha daryeelka caafimaadku la socon doonaan cadaadiska dhiigga iyo sida uu caafimaadkaagu yahay. 

Waxa dhici karta in Ilmuhu u baahdo inuu hore u soo dhasho haddii aanay nasasho iyo dawadu waxba kuu tarayn.  

Marka uu ilmahu soo dhasho kadib

Havandeskapsförgiftningen waxay tagtaa marka ilmahu soo dhasho kadib.  
Dadka qaar ayaa u baahda inay dhowr bilood dhalmada kadib dawo qaataan.  

Nolosha xageeda danbe ayaad u nuglaan kartaa inaad qaaddo cudurrada qaarkood.  
Waxa tusaale ahaan dhici karta inaad qaadid xanuunadda wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca. 
Sidaad darteed waxa fiican in qaab caafimaad leh loo noolaado. Waxa markaa yaraanaya khatarta cudurada lagu qaadayo.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page