Wada sheekeysiga 12 sanno jirada ee ka dhacaaya Xarunta Caafimaadka ee Högsby

12-års snack på Högsby hälsocentral - somaliskaThe content concerns Kalmar län

Loogu talagalay qofka dhowr iyo toban sanno jir noqon doona ama waalidka 12 sanno jirada ee taageero u baahan aya Xarunta caafimaadka carruurta iyo dhallinyaradu hadda ku soo bandhigeysaa wada sheekeysiga 12 sanno jirada oo ka dhacaaya Xarunta Caafimaadka ee Högsby.

In dhowr iyo toban jir la noqdo ama waalid loo ahaado qof dhowr iyo toban jir ah ayaa wax aad u fiican ah laakiin waxaynu sidoo kale ognahay inay tahay wakhti nolosha oo ay isbedelo badan jiraan, qofka dhowr iyo toban jirka ah iyo waalidnimadaba. Waxa la dareemi karaa walwal, walaac, murugo waxaana adkaan karta in la ogaado waxa caadiga ah iyo waxa kale. Su'aalaha laga yaabo in looga baahdo qof lagala hadlo ayaa tusaale ahaan ku saabsanaan kara, xidhiidhada, walwalka hurdada iyo waqtiga shaashada horteeda lagu qaato.

Waxaan rabnaa inaan idinka idiin suurtagelino inaad arintaas ama haddii aad waxyaalo kale ka fikireysaan aad anaga nagala hadashaan. Sidaa darteed, ayaanu adiga waalidka ah/idinka waalidka ah iyo adiga 12 sanno jirka ah kuugu soo martiqaadeynaa wadahadal aanu u yeedhno wada sheekeysiga 12 sanno jirada.

Sidee loo sameeyaa sheekeysiga?

Waxaad la kulmi doontaa anaga joogna Xarunta caafimaadka carruurta iyo dhalinyarta si aynu wada sheekeysi muddo 45 daqiiqo ah qaadanaaya ugu sameyno. Waxa uu sheekeysigu ka dhacayaa ama Xarunta caafimaadka ee Högsby ama qaab dhijitaal ahaaneed iyadoo la soo maraayo 1177.se.

Sidan ayaad balan u qabsanaysaa

Waxa ballanta laga qabsanayaa iyadoo la soo galaayo 1177 Vårdguiden's adeega elektarooniga ah, ee koontada waalidka.

  1. Soo gal 1177.se.
  2. Dooro ”Logga in”
  3. Ku soo gal e-legitimation-kaaga
  4. Guji magaca ilmaha ee ku hoos yaala cinwaanka Agera ombud
  5. Dooro ”Hitta och lägg till” ciwaanka Mottagningar hoostiisa
  6. Raadso Barn- och ungdomshälsan Västervik
  7. Dooro: Boka tid
  8. Dooro nooca wakhtiga ee wadahadalka 12 sanno jirka oo qabso wakhti wadahadalka
  9. Hana iloobin inaad wakhtiga xaqiijiso

Xidhiidh

Wixii su'aalo ah nagala soo xiriir bou@regionkalmar.se.

To the top of the page