Soomaali/Somaliska

Iska ilaali hargabka

Skydda dig mot influensa - somaliskaThe content concerns Jönköpings län

Hargabku waa cudur fayras ah oo la is qabadsiiyo oo kugu keena qufac iyo qandho badan.

Dadka badankood waxay ku caafimaadaan hal ama labo todobaad. Laakiin dadka waayeelkaa ama dadka qaba cudurada joogtada ah sida wadna xanuun ama macaanka wuxuu ku noqon karaa halis hadii la qabadsiiyo.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga hortagi karto hargabka waa inaad iska taalaashid intuunan kugu dhicin. Wuu kugu dhici karaa hargabku hadaad xataa iska taalsho, laakiin talaalka aad qaadatay ayaa kaaga dhigaya mid fudud oo halis ku gaadhsiin.

Talaalka hargabku waa kuu bilaash hadaad ka mid tahay dadka u nugul cudurka, sida hadaad tahay 65 jir ama aad uur leedahay.

Waxaad isku talaali kartaa xaruntaada caafimaad (vårdcentral). Waqtiga iyo meelaha tallaalka waxaad ka heli kartaa 1177.se/Jonkopings-lan

To the top of the page