Soomaali/Somaliska

Badeecaddu – way ka khatarsan tahay sidaad moodeyso!

Vattenpipa - farligare än man tror! - somaliskaThe content concerns Jönköpings län

Dalka Sweeden, waxaa wax iska caadi ah noqday in la tijaabiyo dabeecada lagu cabo qaaqa sigaarka oo laga cabayo baaybabka gaar ahaan dhallinyarada. Laakiin dabeecdan mexey tahay khtarteeduna in teey le’egtahay? Waraaqahan ama buggan yar waxaad ka akhrisan khatartasi waxa maanta arrintaasi laga ogyahay.

Badeecaddu (baybyka oo daroogada ama sigaarka laga dhuuqo) maaha wax la hubo in aanay dhibaato lahayn

Khuraafaadka ay dadku aaminsanyihiin ee sheegaya in cabbitaanka badeecaddu aanu khatar ahayn waa mid xoog leh. Maaddaama cabbitaanka u dhandhamayo sida dhadhanka vanilj, khudrad ama dhadhanka nacnaca ee karamell, ayaa sidaas awgeed ay dad badani dad badan oo cabbaa aaminsan yihiin in sideedaba cabbitaankaas badeecaddu aanu khatar ahayn. Urta udgoon iyo dhadhanka ayaa dad badan ku soo jiita in ay tijaabiyaan, xitaa dadkii aan tijaabiyeen in siggaarka ay cabbaan. Laakiin cabbitaanka badeecaddu maaha wax la hubo in aanu dhibaato lahayn.

Buuriga lagu cabbo badeecaddu wuxuu ka kooban yahay nikotin. Laakiin lama garanayo oo lama hubo sida cabbitaanka badeecaddu uu qofka u soo jiidanayo ee uu sobob u noqonayo in aanay iska deyn karin. Biyaha ayaa nuugaya qayb nikotiinka ka mid ah. Laakiin qofka cabbayaa wuxu u baahanaanayaa in uu cabbo saacado badan iyo in badan si uu u helo una gaadho oo ay u degto baahidiisa nikotiinka uu u qabo.

Ugu yaraan khatarteedu waxay la mid tahay ta siggaarka

Qiiqa badeecadda la cabbayaa wuxuu ka kooban yahay isku jirka qiiqa buuriga iyo qiiqa dhimbiisha dabka ee buuraga shidaysa. Baadhitaanka qiiqaasi wuxu muujinayaa in uu ka kooban yahay oo ay ku jirto ugu yaraan maaddooyinka siggaarka ku jira ee sida kolmonoxid, daamur (tjära), tungmetaller iyo maaddooyinka keena cudurka kansarka.

Cabbitaanka badeecadda ee hal saac la cabbaa wuxuu u dhugmaa qiyaastii in qofku cabbay 100 midh oo siggaar ah. Cabbitaanka dadban ee siggaarka waxay khatartiisu la mid tahay cabbitaanka siggaarka. Haba yaraatee ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in qalabka badeecadda lagu cabbaa uu baabiinayo khatarta ku jirta cabbitaanka badeecadda.

Asalkeedi hore waxay ka timid Bariga dhexe iyo Aasiya (Eeshiya)

Cabbitaanka badeecaddu waa dhaqan ka soo jeeda oo ka yimid waddamada Bariga dhexe iyo koonfurta Aasiya (Eeshiya). Waxa immika lagu xisaabtamaa in qiyaastii 100 milyan oo qof oo meelo kala duwen oo adduunka ah joogaa ay badeecadda cabbaan. Waxa loo arkaa in ay tahay hawl firfircooni ah oo bulsheed in la wada fadhiisto oo wada jirna loo wada cabbo, waxay u arkaan wax dabacsan, oo lagu nafisayo oo raaxo leh.

Magacyo kale oo badeecadda loo yaqaannaa waa nargile, argile, goza, hookah, hubbelbubbel iyo shisa. Nargile waa eray pershi ama iiraani ah oo micnihiisu yahay qumbaha. Markii ugu horreysay qalabka badeecadda lagu cabbo waxa laga samayn jirey qumbaha.

Waxay faafin kartaa cudurrada

Badeecaddu waxay faafin kartaa cudurrada la kala qaado, tusaale ahaan cudurka ama fayraska herps, qaaxada ama tiibiida, maddaama afka ama cudhka hore ee lagu cabbayo badeecadda ay isku dhiib-dhiibaan dad badan oo cabbitaanka badeecadda ka qayb qaadanaya.

Caawimada la heli karo sidii cabbitaanka layskaga deyn lahaa

Cidda maamulka caafimaadka ee gobolka u qaabbilsan iska deynta buurigu waa qof waxbarasho gaar ah loo siiyey sidii uu kuu caawin lahaa adigaaga doonaya in aad iska deyso cabbidda siggaarka ama badeecadda. 

Warbixin dgeeraad ah: Rugta daryeelka caafimaadka, Khadka telefoonka ee Iska deynta-cabbitaanka siggaarka ee (Sluta-röklinjen) 020-84 00 00 ama bogga Internetka www.slutarokalinjen.se.

To the top of the page