Calaamada cudurka/cudurka

Qaniinyada shilinta

Biten av fästing - somaliska

Shilintu waa cayayaan yaryar oo intay maqaarka ku dhagto dhiiga nuugta. Ka tuur shilinta aad maqaarka ka hesho. Marmarka qaarkood ayay shilintu cudurrada faafin kartaa. Markaas waxaad u baahan kartaa inaad daryeel raadsato.

Shilinta waxa laga helaa deegaanka

Fotografi på fästing i förstoring.

Shilintu waa cayayaan yaryar oo deegaanka laga helo inta u dhaxeysa Maarso iyo Oktoobar. Waxay tusaale ahaan ku noolshahay cawska dhaadheer dhexdiisa. Shilintu waxay dhiiga ka nuugtaa dadka iyo xawayaanka. Shilintu waxay u eegtahay caaro yar iyadoo dherer ahaan leeg 1-4 mm. Marka ay shilintu dhiig nuugto ayaa laga yaabaa inay ka sii weynaato.

Shilintu waxay faafin kartaa cudurrada

Shilintu ma aha khatar, laakiinse waxay faafin kartaa cudurada. Cudur ka mid ah waxa loo yaqaanaa TBE wuxuuna saameeyaa maskaxda. Cudur kale waxa loo yaqaanaa cudurka borrelia waxaanu saameyn karaa maqaarka, xubnaha iyo neerfeyaasha. Waxa jira talaal laga qaato TBE laakiin ma jiro mid ku lid ah/lagaga hortago cudurka borrelia.

Waxa jira halis dheeraad ah oo aad cudur ku qaadeyso haddii shilintu waqti dheer kugu sii dhaganaato. Sidaas daraadeed, shilinta uga tuur sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah.

Sidee ayaan shilinta jidhka uga tuurayaa?

  1. Isticmaal birqaab yar/bir qabato si aad uga tuurto shilinta. Waxa jira noocyo kala duwan oo laga soo  iibsado farmasiiga.  
  2. Ka qabo shilinta meesha suurtogal ahaan ugu dhow maqaarka. Si taxadir leh kor ugu jiid. Isku day inaad ku wada qaado shilinta oo dhan.
  3. Saabuun iyo biyo ku dhaq meesha ay shilintu ku dhaganeyd.

Waxaad isku dayi kartaa inaad ka saarto hadhaaga shilinta haddii uu ku sii dhagan yahay. Haddii kale ayaga ayaa kaligood iska baabi'i kara. Maqaarku wuxuu noqon karaa guduud yar isagoo dhawr maalmood barar ku yeesha meesha qaniinyada agteeda, laakiin markaa kadib iska bogsada.

Goorma ayaan raadsanayaa daryeel?

Närbild på utslag orsakat av borrelia. Fotografi.

Dadka shilintu qaniinto badankoodu uma baahna inay raadsadaan daryeel caafimaad.

Waa inaad rug caafimaadka la xiriirto haddii ay soo dhaaftey hal todobaad, oo aad isku aragto wax ka mid ah kuwan soo socda:

  • Waxa jira bar guduudan, taas oo ka weyn dhowr sentimitir oo meesha ay shilintu ku taalay ah.  Bartu waxay noqon kartaa mid gebi ahaanba casaan ah, ama u eeg giraan iyadoo noqon karta mid dhexda iftiin ku leh.
  • Waxaad yeelan doontaa qandho, madax xanuun, jidhka oo ku xanuuna iyo inaad uga daalan tahay sidii caadiga aheyd.

Rugaha caafimaadka qaarkood waxay furan yihiin habeenkii iyo dhammaadka toddobaadka.

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxa ay tahay inaad sameyso. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawinayaan halka aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso, hadii loo baahdo.

Talooyinka si aanay shilini kuu qaniinin

  • Xiro funaanad gacmo dheer ah, surwaal dheer iyo kabo dhaadheer ama kabo buudh ah oo dushoodu dheertey markaad duurka joogto.
  • Shilin ka raadi jidhkaaga ka dib markaad duurka aadey.
  • Baadhitaan ku samee maqaarka markaad dharka iska saareyso ama aad qubeysanyso.
  • Baadhitaan ku samee maqaarka carruurta kadib marka ay duurka aadeen.

Baadhitaan ku samee sidoo kale eeyga, bisada iyo xawayaanka kale ee guriga. Sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah iskaga goo shilinta.

Waxa jira halis weyn oo gaar ah oo ay shilintu meelaha qaarkood ugu faafineyso cudurka TBE, sida tusaale ahaan:

  • Uppland
  • Stockholms län, Badda agteeda
  • Södermanland
  • Västra Götalands län

Waxa sidoo kale jira meelo kale oo khatarta qaadista cudurku ay weyn tahay. Wax 1177 haddii aanad hubin waxa khuseeya deegaankaaga.

Iska talaal haddii aad aadeyso duurka ku yaala meel ka mid ah meelaha khatarta qaadista cudurku ay sareyso.

Waxaad u baahan tahay inaad laba bilood ka hor tallaal qaadato si aad si buuxda iskaga ilaaliso TBE. La xiriir xarun caafimaad ama rug caafimaad si aad tallaal ugu hesho.

 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page