Umusha/dhalmada

Cisbitaalka marka laga baxo iyo muddada ugu horeysa ee dhalmada ka dib

Att lämna sjukhuset och första tiden efter en förlossning - somaliska

Waxa kala duwan mudadda marka la umulo ka dib cisbitaalka lagu sii jirayo. Waxay taasi ku xidhan tahay nooca daryeelka iyo caawimo ee aad adiga iyo ilmahu u baahan tihiin. Xitaa marka aad ilmaha guriga la tagto ayaa haddii aad daryeel caafimaad u baahan tahay cisbitaalka la soo xidhiidh kartaa.

Läs texten på svenska här.

Marka ugu horeysa ee aad guriga tagi kartaan waa lix saacadood ka dib

Inta aad cisbitaalka joogayso waxay ku xidhan tahay sida adiga iyo ilmaha caafimaadkiinu yahay. Waxay sidoo kale ku xidhan tahay ilaa inta aad taageero adiga iyo ilmahaagu u baahan tihiin.

Waxaad markasta u baahan tahay inaad lix saacadood cisbitaalka ku jirto ka dib marka uu ilmahu soo dhasho. Waxa taasi loogu sameynayaa si ay shaqaalaha daryeelka caafimaadku ugu hubiyaan in aad adiga iyo ilmahaaguba caafimaad qabtaan.

Dadka qaar ayaa u baahan inay dhowr maalmood joogaan.

Haddii xilli hore guriga tagtaan

Waxa badanaa caadi ah in cisbitaalka hore looga baxo haddii aad hore carruur u soo dhashay.

Waxaad u baahan kartaan inaad dib u soo noqotaan haddii aad hore dhakhtarka uga baxdeen.

Ka hor inta aydaan cisbitaalka ka bixin

Ka hor inta aydaan cisbitaalka ka bixin ayuu shaqaalaha cisbitaalku eegayaa sida ay quudinta ilmahu u socoto. Waxay noqon kartaa sida naas-nuujintu u socoto ama sida ay u socoto siinta/qaadashada caanaha beddelka kuwa naaska.

Shaqaalaha ayaad haddii aad u baahan tahay ka helaysaa caawimo iyo taageero.

Ilmaha ayaa inta aydaan guriga tagin ka hor la baadhi doonaa

Dhakhtar ayaa ilmaha baadhi doona inta aydaan guriga tagin.

La xidhiidh BVC markaad guriga ku soo noqotaan

La xidhiidh xarunta daryeelka carruurta, BVC, markaad guriga ku soo noqotaan.

Waxaad BVC weydiin kartaa wax kasta oo aad ilmaha rabto inaad ka ogaato. Taasi waxay tusaale ahaan noqon kartaa sida ilme loo daryeelo iyo waxa ay in waalid la noqdo micnaheedu tahay. Kalkaalisada joogta BVC ayaa caafimaadka ilmaha iyo koritaankiisa baadhi doonta.

Halkan ayaad ka helaysaa xanaanada carruuurta (barnavårdscentraler). Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Baadhitaanada la sameynayo ka dib markaad guriga ku soo noqotaan

Markaad guriga ku soo noqotaan ayaa ilmaha lagu baadhi doonaa BVC.

Adiga ayaa lagu baadhi doonaa

Dhamaan dumarka carruur dhalay ayaa ballan umulisada loo qaban doonaa ka dib marka uu ilmuhu soo dhasho. Xilliga booqashada ayaa baadhitaan lagu sameyn doonaa gudaha iyo agagaarka farjiga.

Dumarka qaar ayaa u baahan kara in baadhitaanka wakhti hore loo sameeyo. Waxay tusaale ahaan taasi noqon kartaa haddii aad wax dhaawac ah yeelatay markii aad umulaysay.

Waxa lagaa caawin karaa quudinta ilmaha

Waxa quudinta ilmaha lagaaga caawin karaa cisbitaalka aad ilmaha ku umushay, BVC ama rugta umulisada. Waxay kaa caawinayaan naas-nuujinta ama dhalo/musaasad ku quudinta/wax kusiinta.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

La xidhiidh daryeelka caafimaadka haddii mid kuwan soo socda ka mid ahi ku khuseyo:

  • Ilmuhu wuu xanuunsanayaa.
  • Dhibaato ayaad dhalmada ka dib yeelatay.
  • Waxaad ka welwelsan tahay caafimaadka ilmaha.

Daryeel caafimaad raadso todobada maalmood ee ugu horeeya dhalmada kadib

Daryeel caafimaad raadso haddii aad adiga ama uu ilmuhu daryeel caafimaad u baahan yahay toddobada maalmood ee ugu horreeya dhalmada ka dib.
Qeybta dhalmada ama cisbitaalka uu ilmahau ku dhashay la xidhiidh. Waxay furan yihiin afar iyo labaatanka saacadood.

Daryeel caafimaad raadso todoba maalmood ka dib

Mid kuwan ka mid ah ayaad la soo xidhiidhi kartaa:

  • Xarunta daryeelka carruurta, BVC, haddii ay ilmaha tahay.
  • Xarunta umulisada, haddii ay adiga ku khuseyso.
  • Xarunta caafimaadka (vårdcentral).
  • Rugta heeganka ee furan.

Haddii ay xaaladu degdeg tahay

Daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaarka degdega ah.

La soo hadal oo ka hel talo talobixin telefoonka 1177

Waxaad soo wici kartaa telefoonka 1177 haddii in lagaa caawiyo waxaaad sameynayso aad rabto. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page