Tijaabada unugyada ee ilmo galeenka waxa laga soo qaadaa siilka. Waa tijaabo muujinaysa haddii ay ilmo galeenkaaga wax iska bedeleen, taas oo isku bedeli karta cudurka kansarka. Tijaabada unugyadu waxay muujin kartaa haddii xilli hore wax isbedeleen. Markaas ayaad wakhti hore heli doontaa daaweyn sax ah, hadii loo baahdo. Waxba kuma kharash gareynayso inaad dhiibto tijaabada unugyada.