In ilme la daryeelo

Sidan ayaad u dhimeysaa khatarta dhimashada degdega ah ee dhallaanka

Så minskar du risken för plötslig spädbarnsdöd - somaliska

Dhimashada degdega ah ee dhallaanku waa inuu ilmuhu neefsashada joojiyo oo uu si lama filaan ah ugu dhinto, badanaa xilliga hurdada. Taasi waa wax aan caadi aheyn. Waxa ugu muhiimsan ee khatarta lagu dhimayaa waa inuu ilmahu dhabarka u seexdo.

Waa caadi inuu ilmahu neefsashada hakad yara galiyo.  

Mararka qaar ayuu hakadku dhowr ilbiriqsi noqdaa. 

Waa wax dabiici ah mana keento dhimashada degdega ah ee dhallaanka. 

Läs texten på svenska här.

Waa maxay dhimashada degdega ah ee dhallaanku?

Dhimashada degdegga ah ee dhallaanku waa inuu ilmuhu neefsashada joojiyo oo uu si lama filaan ah ugu dhinto. Waxay caadi ahaan taasi dhacdaa marka uu ilmuhu hurdo. 

Ilmaha ayaan muujin wax calaamado ah oo ku tusaaya inuu xanuunsanaayo. 

Dhimashada degdega ah ee dhallaanku waxay badanaa dhacdaa ka hor intaanu ilmuhu lix bilood gaadhin. 

Taasi waa wax aan aad u caadi aheyn

Iswiidhan ayaanay wax caadi ah ahayn in carruurtu ku dhintaan dhimashada degdegga ah ee dhallaanka. 

Ma kala cadda gebi ahaanba waxa dhimashada degdega ah ee dhallaanka keena. 

Laakiin tallooyinka qaar ayaa waxay dhimaan khataraha. Halkan hoose waxaad ka akhrisan kartaa talooyinkan.

Ilmuhu dhabarka ha u seexdo

Taladu ugu muhiimsan waa inuu Ilmuhu dhabarka u seexdo. Inay tani caawisaa waxay ku xidhnaan kartaa iyadoo markaas ay u fududdahay in hawo la qaato. 

Waa inaanu ilmuhu caloosha u seexan.  

In dhinaca loo seexiyo ammaan ma aha, ilmaha ayaa markaas caloosha u rogmi kara. 

Marka ilmahu kaligii isku rogi karo dhinaca ama caloosha 

Khatarta dhimashada degdegga ah ee dhallaanku waxay yaraanaysaa markuu ilmuhu weynaado. 

Marka uu ilmuhu kaligii hurdada is rogi karo ayay khatarta dhimashada degdegga ah ee dhallaanku yaraataa. 

Sigaar ha cabbin

Nikotiinka iyo sigaar cabista ayaa ilmaha dhaawaca. Waxa uu sidoo kale sii kordhiyaa khatarta dhimashada degdega ah ee dhallaanka 
Waxay taasi khuseysaa marka uurka la leeyahay iyo marka uu ilmahu soo dhasho. 

Waxay nikotiintu sidoo kale ku jirtaa tusaale ahaan, sigaarka, shiishada, sigaarka elektaroonigga ah ama buuriga (snus) dibnaha hoostooda la galiyo. 

Haddii aad naaska nuujinayso waxay nikotiintu u gudbeysaa ilmaha. 

Isku day inaad sigaarka joojiso 

Waxa wanaagsan in dhamaan dadka ka ag dhow ilmahu ay isku dayaan inay sigaarka joojiyaan. Ilaa inta ugu badan ee suurtogalka ah iska yaree sigaarka haddii aadan gabi ahaanba joojin karin. 

La xidhiidh Xarunta cafimaadla (vårdcentral) ama Xanaanada cafimaadka caruurta (barnavårdscentral) haddii aad caawimo ugu baahan tahay inaad joojiso. 

Hubi inaanay ilmaha wajigiisa wax ku dhaweyn

Ilmaha ayay neefsashadu ku adkaata haddii wejiga wax ka saaran yihiin. Hubi in wejiga ilmuhu uu banaan yahay oo aanu qarineynin buste, barkimo iyo alcaabta waaweyn ee xawayaanka marada cufan ka sameysan. 

Waxa sidoo kale wanaagsan inaanu ilmuhu aad u kululayn. 

Waxa uu ilmahu sidoo kale u baahan yahay inuu hurdada isku dhaqdhaqaajiyo. 

Ilmaha ayay u ammaan badan tahay inuu sariir isagu leeyaahay ku seexdo

Ilmaha saddex bilood jir ka yar ayay u ammaan badan tahay inuu sariir isagu leeyaahay oo isla qolkaaga taala ku seexdo 

Haddii aad sariir ku wada seexataan, ayay ilmuhu gacan ama go´yaasha sariirtu wejiga ka fuuli karaan. 

Ilmaha ayay sidoo kale uga fududay inuu dhinaca ama caloosha u wareegsamo. 

Ilmaha sariirtiisa u qaad 

Ilmuha ayaa kula joogi kara markaad naas nuujinayso ama masaasada ku quudineyso. Kadibna ilmaha dhabarka ugu seexi sariirtiisa. 

Haddii uu ilmuhu meel kale seexdo waxaad ilmaha u qaadi kartaa sariirtiisa. 

Khamri ha cabin

Ilmaha ayay saameysaa haddii aad khamri cabtid ama aad dawooyinka dadka dejiya cuntid. 

Waxyaalahan soo socda ayaa dhici kara:  

  • Waxa kugu adkaaneysa inaad toosto haddii ilmuhu kuu baahan yahay. 
  • Waxa laga yaabaa inaanad dareemin haddii ilmaha neeftu qabato. 
  • Waxa dhici karta inaad ilmaha ku seexato/dul fuusho. 
  • Ilmaha ayay uga fududay inuu caloosha ama dhinaca u wareegsamo. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page