Tallaalada

Naftaada ka tallaal Covid-19 iyo hargabka

Håll dig frisk - somaliskaThe content concerns Gävleborg

Dadka qaar uu ku dhacay Covid-19 iyo hargabku waxay halis ugu jiraan inay si daran u bukoodaan. Adiga oo ah cidda lagula taliyey inay qaadato tallaalka oo caadi ahaan dareemaya caafimaad dhammaystiran ayaa laga yaabaa inaad weli u baahan tahay inaad qaadato tallaalka.

Waxaad tallaalka heli kartaa 7da Noofeembar. Si dhijital ah u muddayso ballantaada, booqo goobta ama wac 026-15 03 00 si aad u hesho macluumaad ku saabsan goobta iyo goorta aad qaadanayso tallaalka. Soo dhawayn diiran!

Qabashada ballanta dhijitaalkanah, caawimada taleefanka iyo macluumaadka khuseeya goobta iyo goorta aad is talaali kartid waa Iswidhish.

Waxbadan ka akhri talaalka oo Iswidhish ah

Covid-19 iyo hargabku waa cudurro fayras ah oo lagu garto qandho, qufac iyo jir xanuun. Cudurku aad buu u sarreeyaa oo qaar baa cudurka qaaday waxay halis ugu jiraan inay si daran u bukoonaadaan. Qaadashada tallaalku waxay kaa ilaalin doontaa xanuun halis ah - tallaaladu waxay badbaadiyaan nolosha.

Dadka lagula talliyay in laga tallaalo Covid-19:

  • 65 sano iyo ka weyn.
  • Ka tirsan tahay kooxda halista ah.
  • Uur leh.
  • 50 jir iyo ka weyn, kuwaas oo aan la tallaalin.
  • Nidaamka difaaca jidhka oo aad u liidato wuxuu yeelan karaa jadwal u gaar ah.
  • Caafimaad si wayn u hoos ugu dhacay waana in si gaar ah loola socdaa xaalada caafimaad.

Dadka lagula talliyay in laga tallaalo hargabka:

  • 65 sano iyo ka weyn.
  • Ka tirsan tahay kooxda halista ah.
  • Uur leh.
  • Cida lagala xidhiidhayo qofka leh nidaamka difaaceedka daciifka ah ayaa lagula talinayaa in la tallaalo.
  • Shaqaalaha daryeelka iyo daryeelka bulshada.
  • Caafimaad si wayn u hoos ugu dhacay waana in si gaar ah loola socdaa xaalada caafimaad.

Kuwa aan saameyn ku yeelan tallooyinka sare, tallaalka Covid-19 ayaa lagu heli karaa lacag la'aan, tallaalka hargabkana waxaa lagu bixin karaa lacag.

Fursada lagaga tallaalayo pneumococcal ayaa laga heli karaa xarumaha caafimaadka sanadka oo dhan. Weydii macluumaad dheeraad ah xaruntaada caafimaadka.

Si diiran ugu soo dhawoow inaad is tallaalto!

To the top of the page