Uurka leh

In la yalaalugoodo (lalaboodo) marka uur la leeyahay

Att må illa under graviditeten - somaliska

Waa wax caadi ah in la yalaalugoodo/lalaboodo oo la matago marka uur la leeyahay. Inkasta oo ay wax adag/la dhibsado noqon karto, ayaanay haddana taasi waxyeello adiga iyo ilmaha toona u laheyn. Waxa jira waxyaalo aad sameyn karto si aad uga roonaato.

Waxa yalaalugadu caadi ahaan la heeshaa bilowga uurka. Waxa dumarka badankooda yalaalugadu ka istaagtaa qiyaas ahaan toddobaadka 20 aad ee uurka. Dumarka qaar ayaa intay uurka leeyihiin oo dhan yalaalugooda.

Läs texten på svenska här.

Sidan ayaad dareemi kartaa

Dadka qaar ayaa marmarka qaar uun yalaalugooda. Kuwa kalena markasta way yalaalugoodaan. Waxa caadi ah in waxyalaha aad urineyso qaarkood ay kaaga sii dari karaan yalaalugada.

Dadka qaar ayaa si xun u yalaalugooda oo xataa ay ku keentaa inay matagaan.

Yalaalugo aad u badan

Dadka qaar ayaa aad u yalaalugooda oo marar badan mataga. Waxa markaas jirta khatar aad ku fuuqbaxi karto oo aad bilaa nafaqo noqon karto.

Qofka xoog u yalaalugoodaa wuxuu u baahan karaa daryeel caafimaad oo cisbitaal lagu siiyo.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsan karaa?

Dumarka uurka ku yalaalugooda badankoodu uma baahna inay daryeel caafimaad raadsadaan. Kala hadal umulisada (barnmorska) haddii aad wax su'aalo ah qabto ama talo u baahan tahay.

La xidhiidh daryeelka caafimaadka haddii aanay calooshaada wax cunto ama cabitaan ahi galeynin.

La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda:

  • Xarunta umulisada barnmorskemottagning.
  • Xarunta caafimaadka (vårdcentral).
  • Rugta heeganka ee furan.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin.

U sheeg inaad turjumaan luqada u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso.

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Maxaan samayn karaa?

Waa kuwan dhowr talooyin oo ku caawin karaa:

  • Soo qaado hawo nadiif/fareesh ah oo dhaqdhaqaaq samee.
  • Naso.
  • Iska ilaali welwelka/istareeska.
  • Isku day inaad wax cunto isla markaad soo toosto.
  • Marar badan wax cun, laakiin kolba qadar yar.
  • Iska ilaali cuntada dufanka leh, xawaashku ku badan yahay ama shiilan.
  • Isku day inaad cabto shaaha ama cunto ay sinjibiili ku jirto.

Waxa uu qofka matagayaa u baahan yahay inuu cabo wax ka badan intii caadiga ahayd.

Haddii aad taageero u baahantay

Waxaa badanaa adag in la yalaalugoodo oo la matago marka uurka la leeyahay. Waxa laga yaabaa inaad ka yara nafisto haddii aad qof kala hadasho dhibaatada. Waxaad tusaale ahaan la hadli kartaa umuliso.

Daweynta

Waxaa jira dawooyin ku caawin kara. Dumarka qaar waxay tusaale ahaan ka roonaadaan markay qaataan dawada loo cuno yalaalugada uu safarku keeno.

La hadal dhakhtar, umuliso ama shaqaalaha farmasiiga ka hor inta aanad wax dawo ah isticmaalin markaad uur leedahay.

Irbadaha shiinaha ee Acupunktur ayaa ku caawin kara.

Dumarka qaar ayaa daryeel caafimaad oo cisbitaal u baahan kara

Dumarka aadka u yalaalugooda ee matagaaya ayaa in daryeel caafimaad cisbitaal lagu siiyo u baahan kara. Waxaad markaas nafaqada toos ugu helaysaa dhiiga iyadoo biyo lagugu xidhaayo.

Maxaa yalaalugada xilliga uurka keena?

Waxa yalaalugada keena hormoono jidhkaaga ku jira markaad uur leedahay. Dumarka qaar ayaa hormoonnadaas jidhkoodu falcelin ka badan sameeyaa marka kuwa kale la garab dhigo.

Yalaalugada ayaa ka sii darnaan karta haddii aad daalan tahay, welwelsan tahay ama aanad waxba cunin.

Waxay badanaa yalaalugadu ka sii badan tahay haddii aad uur hal ilme ka badan leedahay.

Wax waxyeelo leh ma aha

In la yalaalugoodo oo la matago adiga iyo uurjiifka toona dhaawac uma keenayso. Waxa ay uurjiiftu helaysaa nafaqada ay u baahan tahay.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page