Umusha/dhalmada

Dhiigga caadada ka dib markaad ilmo dhashay

Mens efter du har fött barn - somaliska

Waxa kala duwan xilliga ay caadadu soo noqonayso marka ilmo dhashay ka dib. Waa suurtogal inaad uur qaado ka hor inta aanay caadadu soo noqon.

Läs texten på svenska här.

Xilliga ugu horeysa ee umusha dabadeed ayaanu dhiiggu aheyn kii caadada

Wakhtiga ugu horeeya ee dhalmada ka dib ayaa dhiig farjiga ka yimaadaa. Dhiiggii caadada ma aha. 

Intee in leeg ayay qaadanaysaa ka hor inta aanay caadadu soo noqon?

Wakhtiga uu qaadanayo inuu dhiiggu soo noqdo ayaa kala duwan. 

Haddii aan ilmaha naaska la siinin ayay caadi ahaan caadadu lix ilaa sideed bilood gudahood soo noqotaa.   

Haddii aad naasnuujiso ayay caadi ahaan wax ka badan qaadataa. Laakiin dumarka naasnuujiya ayaa caadi ahaan dhiiggu ku soo noqdaa lix bilood ka dib. 

Dumarka qaarkood ayay ilaa sanad qaadataa ka hor inta aanu dhiigu soo noqon.  

Sidan ayay caadadu ahaan kartaa 

Waxa caadi ah in la yeesho dhiiga caadada oo ka badan ama ka yar, marka la garab dhigo sida ay aheyd ka hor inta aanad uur qaadin. Waxa sidoo kale caadi ah in xanuun ka badan ama ka yar la yeesho. 

Uur ayaad qaadi kartaa ka hor inta aanay caadadu kuu soo laaban

Uur ayaad qaadi kartaa xitaa haddii aanay caadadu kugu soo laaban. 

Caadada koowaad horteed ayaad ugxan daadin kartaa. Waxa uu taas micnaheedu yahay inaad markaas uur qaadi karto. 

Aalada ka hortaga uurka si aanad uur ugu qaadin 

Isticmaal aalada ka hortaga uurka haddii aanad rabin inaad uur qaado. 

Dhamaan dumarka carruur dhalay ayaa ballan umuliso loo qaban doonaa ka dib marka uu ilmuhu soo dhasho. Markaas ayaad haddii aad dooneysaan aaladda ka hortaga uurka ka hadli kartaan. 

Dheecaan – dheecaan farjiga ka yimaadda

Dheecaanku waxa weeye dareere is jiidjiidanaaya oo farjiga ka soo baxaya. Waxa uu noqon karaa mid caddaan xiga ama la iska dhex arki karo. 

Dheecaanka ayaa dabiici ah. Waa caadi in dheecaan maalin kasta la yeesho.  

Dumarka qaarkood ayaa dheecaanku noqon karaa mid ka qaro weyn marka la garab dhigo kii dhalmada ka hor.  

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Daryeel caafimaad raadso haddii aanay caadadu kuu soo noqon hal sano dhalmada ka dib. 

La xidhiidh rugta umulisada ama dhakharka dumarka. 

La xidhiidh rugta umulisada haddii waxa kaa dareerayaa uu ur xun leeyahay ama haddii ay hoostu xoog kuu cuncuneyso. Waxa ay taasi calaamad u noqon kartaa caabuq/infegshan. 

La soo hadal oo ka hel talo talobixin telefoonka 1177 

Waxaad wici kartaa telefoonka 1177 haddii in lagaa caawiyo  waxaaad sameynayso rabto. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo. 
 
Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. 
 
Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa booqashadaada daryeelka caafimaadka ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso.  

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page