DARYEELIDA GAARKA EE CARUURTA

Xummadda carruurta

Feber hos barn - somaliska

Xummaddu waxay astaan u tahay difaaca uu jirku isaga difaacayo infakshanada ay sababaan fiiruska iyo bakteeriyada. Xummad fudud ayaa carruurta ku dhacda, laakiin taasi uma baahna inay la mid noqoto inay si gaar ah u bukaan. Ahmiyaddu waa in ay carruurtu sidooda kale u caafimaad qabaan.

Xummaddu waxay astaan u noqon kartaa cudur khatar ah, in kastoo aysan badanaaba taasi dhicin.

Läs texten på svenska här.

Ku saabsan xummadda carruurta

Waxaa xummad lagu xisaabiyaa haddii heerkulku gaaro 38 garaaddo oo Celsius ah ama ka sarreeya. Carruuro kala duwani waxay muujin karaan heerkul jir oo kala duwan. Ahmiyaddu waa in xoogga la saaro sida caafimadka ilmuhu yahay.

Xummaddu jahawareer ayey u keeni kartaa carruurta

Carruurta qaarkood waxay xummaddaasi u keeni kartaa welwel waqti gaaban. Taasna waxaa badanaaba loogu yeeraa waa wareerayaan. Waxaa laga yaabaa in ay arkaan, maqlaan ama dareemaan waxyaalo aan run ahayn ama ay u qaataan in wax waliba sidii ay ahaayeen ka duwan yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad adiga iyo cunugguba taas u aragtaan wax dhib badan, laakiin welwelku khatar ma ahan oo dhaqso ayuu qofka uga baxaa.

Sidaan ayaad heerkulka u cabbireysaa

Waxaa jira habab badan oo lagu cabbiro heerkulka ilmaha laakiin kulligood ma sugna.

Habka ugu sugan oo carruurta da’doodu ka sannad looga qaado heerkulka waa in la isticmaalo qalabka dhegta. Taas beddelkeeda waxaa ah in heerkulka laga cabbiro malawadka. Taas waxaa lagu talinayaa carruurta ilaa sannad jirka ah.

Qalabka heerkulka waxaa laga iibsan karaa farmashiyaha. Si aad heerkulka uga cabbirto dhegta waxaad u baahan qalab dhegaha u gaar ah. Akhriso qoraalka baakada ku dhexjira ama kala tasho shaqaalaha farmashiyaha.

Haddii ay suurtagal tahay ha nasto ilmuhu muddo soddon daqiiqo ah inta aadan heerkulkiisa cabbirin. Isku si u cabbir mar walba Heerkulka ka cabbir subaxdii iyo galabtii oo meel ku qor natiijada.

Sidaan ayaad heerkulka dhegta uga cabbireysaa

Muraayadda qalabka heerkulka dusha kaga dheji xaashi hal mar la isticmaalo. Tartiib kor ugu jiid dhegta cunugga inta aadan qalabka gelin. Waxaa muhiim ah inaad qalabkaas dhegta u geliso hab marinka maqalku ku wareegsan yahay qalabka. Haddii kale waxaa kuu soo baxaaya heerkul hooseeya. Ma ahan in madaxa qalabka kulbeeggu taabto xuubka maqalka, ee kulaylka ka soo baxa dhegta gudaheeda ayaa la cabbirayaa.

Sidaan ayaad heerkulka malawadka uga cabbireysaa

Qalabka kulbeegga mara xoogaa dufan ah si u fududaato in uu dhegta gudaha u galo. Qalabka kulbeegga waxaa dhegta la gelinayaa hal ilaa labo sentimitir si heerkul sax ah loo helo. Carruurta ilaa lix bilood jirka ah waxaa la gelinayaa caaradda hore oo qur ah. Waxaa muhiim ah in uusan ilmuhu is dhaqdhaqaajin marka heerkulka laga cabbirayo si aan dhaawac u gaarin.

Mar walba oo aad isticmaasho nadiifi qalabka kulbeegga.

Goormaan doontaa daryeel caafimaad?

Xummaddu ma ahan waxa khatarta ah ee waa waxa sababay xummadda sababta uu ilmuhu ugu baahan yahay dhakhtar. Badanaaba xummaddu iyadaa iskeed isaga baxda.

Toos daryeel caafimaad uga doono rugta daryeelka caafimaadka, qaabbilaadda carruurta  ama gargaarka degdegga ah haddii ilmuhu

  • ka yar yahay saddex bilood oo heerkulkiisu gaaro 38,0 garaad ama ka badan.
  • u dhexeeyo saddex ilaa lix bilood oo heerkulkiisu gaaro 39,0 garaad ama ka badan.
  • xummad qabo oo uu u muuqdo mid xanuunsan.
  • marka ugu horreysa ee uu yeesho jarayn xummaddu keento.
  • uu xummad qabo oo meeli xanuuneyso ama uu kala joogsi la’aan u ooyayo.
  • uusan dooneyn in uu wax cabbo ama uu muujiyo in jirku qallalay, sida afka oo engegay ama kaadidiisa oo si aan caadi ahayn u yaraatay.

Doono daryeel caafimaad haddii aysan ilmaha xummaddu ka degin afar cisho kadib.

Waxaad waci kartaa telefoonka 1177 mar walba oo aad ka welwelsan tahay xaaladda ilmahaaga ama aadan hubin in uu daryeel u baahan yahay.

Maxaan anigu ilmaha ku caawini karaa?

Ilmaha xummaddu hayso wuxuu u baahan yahay in uu guriga joogo oo nasto si uu u caafimaado. Ilmuhu uma baahna in uu sariirta saarnaado laakiin waa in uu dafdafta yareeyo. Waxaa ugu wanaagsan in ilmaha loo daayo in uu isagu garto inta uu soo jeedi karo.

Carruurta xummaddu hayso waa in ay marar badan biyo cabbaan

Ilmaha xummaddu hayso wuxuu u baahan yahay cabbitaan dheeraad ah. Haddii kale si fudud ayuu jirku u qallalayaa. Tusaale ahaan sii ilmaha biyo, sharaab ama juus. Ilmaha cabbitaankiisu yar yahay wuxuu muujiyaa daal iyo tabardarri iyo kaadidiisa oo sidii hore ka yaraata. Ilmuhu waa in uu maalintii marar badan kaadiyaa.

Mararka qaarkood ma jecla carruurta xummaddu hayso inay cunaan cuntada caadiga ah. Khatar ma ahan haddii ilmaha rabitaankiisa cuntadu isdhimo dhawr maalmood. Sii ilmaha cuntada iyo cabbitaanka uu jecel yahay.

Wax walba u khafiifi ilmaha

Waa caadi in ilmuhu jareeyo oo qarqaro marka ay xummaddu hayso. Waxay kaloo yeelan karaan dhidid badan. Isku day in dharka aad u xireyso iyo kuwa aad sariirta ugu gogleyso ay noqdaan kuwo ku habboon kulaylka jirkiisa. Marka ay xummaddu aad u sarreyso waxaa habboon in ilmaha qolka loo layriyo. Laakiin waa in aysan qaboow noqon. Ka qaad bustaha iyo dharka culus waqti gaaban oo huwi go’ khafiif ah oo uu ku seexdo.

Sii daawada xummadda dejisa haddii loo baahdo

Xummadda waa hab uu jirku uga hortago infakshanada oo isugu difaaco. Sidaas darteed ha siin daawo xummadda dejisa ilmo xummad qaba haddii uu sidiisa kale u caafimaadqabo.

Haddii ilmuhu gunuunuc bato oo diido in uu wax cuno ama cabbo oo uusan xasillooneyn habeenkii waxaad siin kartaa daawada dejisa xummadda iyo xanuunka oo ay ku jirto maaddada paracetamol. Sida Alvedon ama Panodil. Waxaa la siin karaa carruurta da’dooda laga bilaabo saddex bilood, laakiin mar walba la xiriir rugta daryeelka caafimaadka ka hor inta aadan ilmaha lix bilood ka yar siin daawo.

Daawooyinka xanuunka iyo xummadda dejiya oo ay ku jiraan maaddada ibuprofen, oo ay ka mid yihiin Ipren iyo Ibuprofen waxaa la siin karaa carruurta da’doodu ka bilaabato lix bilood.

Daawooyinkaasi waxay ka kooban yihiin noocyo kala duwan, taas oo ku xiran hadba da’da ilmaha. Weyddii farmashiyaha waxa ku habboon ilmahaaga. Raac qoraalka habka isticmaalka oo la socda daawada, oo marnaba ilmaha ha isugu darin daawooyin kala nooc ah.

Iska daaf daawooyinka qaarkood

Sidoo kale haddii ilmuhu qabo busbus, ha siin daawooyinka ay ku jiraan ibuprofen ama daawooyinka kale oo ka tirsan kooxda NSAID ama nooca cox. Haddii daawooyinkaas lala qaato cudurka busbuska waxaa kordhaaya khatarta infakshano halis oo aan caadi ahayn.

Ma habboona in daawooyinka ay ku jiraan acetylsalicylsyra, la siiyo carruurta ay da’doodu tahay ilaa iyo 18 sano, haddii uusan dhakhtar u qorin. Waxaa daawooyinkaas ka mid ah Treo iyo Bamyl. Waxaa ka dhalan kara khatarta astaamaha cudurka Reyes. Kaasina waa cudur aan caadi ahaan la dhicin oo keeni kara dhaawac halis ah oo maskaxda ku dhaca.

Ilmuhu ma u baahan yahay antibiyootiko?

Waxaa marar qaarkood dhici kara in ilmuhu u baahdo antibiyootiko si looga daaweeyo infakshanka xummadda keenay. Anibiyootikadu waxay wax ka qaban kartaa infakshanada bakteeriyadu keento laakiin wax kama qaban karto kuwa fiiruska.

Ma in uu ilmuhu guriga joogaa?

Carruurta dhigata dugsiyada barbaarinta ama kuwa xannaanada waa in ay guriga joogaan ilaa inta ay xummaddu ka degeyso. Inta aadan ilmaha geyn dugsiga barbaarinta ama dugsiga kale, waa in uu muddo maalin ah xayi firfircoon soo ahaa.

Ma laga hortegi karaa xummadda carruurta?

Sababta badanaaba keenta xummadda waa in ilmaha uu ku dhacay infakshan bakteeriyo ama fiirus keenay. Xummadda lagama hortegi karo laakiin waxaad yarayn kartaa khatarta in ilmuhu infakshan qaado. Infakshanada waxaa la isku qaadsiiyaa neefta hawada raacda ama jirka dadka oo is taabta. Waa wax adag in la iska ilaaliyo in ilmuhu infakshan qaado, laakiin waxaa jira hab lagu yareyn karo khatarta in infakshanku faafo.  

  • Badanaaba mayr gacmaahaga iyo gacmaha ilmaha. Cuntada ka hor iyo kadib iyo musqusha kadib.
  • Bar ilmaha in uu ku hindhiso laabka gacantiisa intii uu toos u hindhisi lahaa.
  • Isku day inaad ilmaha barto in uusan faraha gelin sanka iyo indhaha, maadaama uu fiirusku halkaas si fudud ugu dhego.
  • U daa ilmaha in uu bannaanka joogo haddii ay suurtagal tahay, xataa xilliga qaboobaha. Fiiruska waxaa si fudud loogu kala qaadaa guryaha gudahooda.

Qiiqa sigaarku wuxuu keenaa infakshano badan oo ku dhaca neef-mareenada

Carruurta ku sugan bey’ad sigaar lagu cabbo waxaa badanaaba neef-mareenada uga dhaca infakshano marka la barbardhigo carruurta aan sigaarka ka ag dhoweyn. Qiiqa sigaarku wuxuu saameyn ku yeelan karaa gudaha neefmareenada, taas oo sahasha in infakshan ku dhaco. Ilmaha ka ilaali meelo ay joogaan dad sigaar cabbaya.

Carruurta yaryar badanaaba infakshan ayaa ku dhaca.

Carruurtu waxay infakshanada aad ugu nugul yihiin inta u dhexeysa 7 ilaa 18 bilood jir. Carruurta jirta ilaa lix bilood waxay leeyihiin difaac jir oo ay ku dhasheen oo ay hooyada ka dhaxleen intii ay uurka u jireen.

Carruurta jirta ilaa 2 ama 3 sano waxaa infakshan ku dhici karaa sannadkiiba 12 goor.

Baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay xummadda

Dhakhtarku wuxuu marka hore baarayaa ilmaha caafimaadkiisa guud. Ilmaha badanaaba dhabta ayaa lagu qabtaa inta dhakhtarku ka eegayo dalqada iyo dhegaha oo ka dhegeysanayo wadnaha iyo sambabada. Dhakhtarku wuxuu kaloo ilmaha ka dareemayaa qoorta iyo qadaadka. Mararka qaarkood ilmaha caloosha ayaa loo jiifinayaa si dhakhtarku caloosha uga baaro. Dhakhtarku wuxuu mararka qaarkood ka baaraa murqaha iyo kalagoysyada.

Dhakhtarku wuxuu mararka qaarkood u baahnaan karaa in uu dhacaanno ka qaado si lagu ogaado nooca infakshanka. Dhacaan dalqada lagu soo qaado wuxuu muujin karaa in ilmuhu qabo bakteeriyada streptobocker, oo loo yaqaan bakteeriyada cunaha. Waxaa kaloo mararka qaarkood loo baahnaan karaa in kaadi ama dhiig laga qaado farta ama cududda laabkeeda.  

Haddii loo baahdo waxaa ilmaha loo gudbinayaa isbitaalka carruurta, halkaas oo badanaaba baaritaano kale looga qaado.

Xaq ayaad u leedahay inaad fahanto

Haddaba, si aad qayb uga noqoto daryeelka caafimaad oo lagu siinayo iyo si aad go’aan u yeelato, waxaa muhiim ah inaad fahanto warbixinaha ay ku siiyaan shaqaalaha caafimaadku. Su’aalo weyddii haddii aadan fahmin. Waxaad kaloo ka codsan kartaa warbixinta oo qoraal ah si aad adigoo deggan u akhrisato. Haddii aadan ku hadlin af-iswiidhishka ama aad dhegoole tahay, waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan ku caawina.

Xummaddu waa sidaan

Jirka dadku wuxuu dheellitiraa heerkulka jirka oo heerka ugu wanaagsani u dhexeeyo 36 ilaa 38 garaaddo. Heerkulka jirku waa kala duwan yahay habeenka iyo maalinta. Caadi ahaan habeenkii ayuu ugu hooseeyaa halka uu gaaro heerka ugu sarreeya maalinta gelinkeeda dambe.

Xummaddu waa dareenka jirku ka muujiyo infakshanada ka dhasha fiirus ama bakteeriyo. Haddaba si uu isaga difaaco fiiruska ama bakteeriyada waxaa kor u kaca heerkulka jirka. Taranka fiiruska iyo bakteeriyadu wuu xumaadaa haddii heerkulku ka kormaro 37 garaad.

Xummaddu waxay badanaaba ka dhalataa infakshano fiirus keeno oo ay ka mid yahay hargabku, qufaca iyo dhuunxanuunka.

Jareynta xummaddu keento waa mid dhif dhacda

Waa dhacdaa in ilmuhu jareeyo marka xummadi hayso. Balse carruurta badankood xummadda lama jareeyaan, xataa haddii heerka xummaddu sarreeyo. Waxaa laga yaabaa inay u muuqato wax dhib badan, laakiin ma ahan wax khatar ah.

Isla marka ugu horreysa oo uu ilmuhu muujiyo jareynta xummadda waa inaad daryeel uga doontaa rugta daryeelka caafimaadka ama qaabbilaadda gargaarka degdegga ah. Taasna waxaa dan leeyahay in la hubiyo in aysan jareyntaasi ka dhalan sababo kale oo xummadda ahayn.

To the top of the page