In ilme la daryeelo

Naasnuujinta

Amning - somaliska

Waxa ay naasnuujintu ilmaha siisaa cunto, isku-dhowaansho iyo ammaan intaba. Laakiin wakhti ayay qaadan kartaa si ay naasnuujintu u shaqeyso. Waxa jirta caawimo la heli karo.

Läs texten på svenska här.

Sidan ayaad ku helaysa inuu ilmahu si wanaagsan naaska ugu qabsado

Caanaha naaska ayaa cudurrada ka ilaalin kara

Caanaha naasku waxay ilmaha ka ilaaliyaan cudurrada qaarkood.  

Waxa ay sidoo kale naasnuujintu dhimi kartaa halista ay ku imanayso dhimashada dhalaanka ee degdegga ahi. 

Caanaha daasadda ayaa lagu bedeli kara 

Dumarka qaarkood ayaan naaska nuujin karin ama aan rabin inay naaska nuujiyaan. Markaas ayuu ilmuhu heli karaa caanaha daasadda.  

Waxa kuwaas loo sameeyaa si ay sida ugu suurtogalsan ugu dhawaadaan caanaha naaska. 

Ilaa da'dee ayay tahay in ilmaha naaska la siiyo? 

Lixda bilood ee ugu horreeya waa inuu ilmuhu kaliya helo caanaha naaska ama caanaha daasadda oo keliya. 

Lix bilood ka dib, ayaad ku bilaabi kartaa inaad ilmaha qadar yar oo cunto ah siiso. Waxaad isla xilligaa sii wadi doontaa inaad naasnuujinta ama caanaha daasada siiso. Sii wad taas ilaa iyo inta uu ilmuhu hal sano gaadhaayo. 

In ilme hadda soo dhashay naasnuujinta loo bilaabo

Marka uu ilmuhu soo dhasho ayay fiican tahay in ilmaha maqaarka maqaarka loo saaro.  

Ilmaha ayaa isagu bilaabi doona inuu naaska raadsado. Carruurta qaar ayaa waxooga caawimo ah u baahan karta. 
 
Caanaha ugu horreeya ee yimaada ayaa waxa loo yaqaanaa caano qaydhin. Waxaanay leeyihiin faa'iido dheeraad ah. 

In naas nuujinta la bilaabo ayaa wakhti qaadan karta  

Mararka qaarkood ayay qaadataa dhowr maaalmood ka hor intaanay naasnuujintu bilaabmin. Waxay sidoo kale qaadan kartaa wakhti  intuu ilmuhu ka baranaayo hab wanaagsan oo loo jaqo. 

Waxa uu ilmuhu u baahan yahay inuu si weyn u cantuugo 

Waxa uu ilmuhu u baahan yahay inuu afka si weyn ugu cantuugo ibta naaska iyo vårtgården. Vårtgården waxa weeye meesha ku wareegsan ibta naaska. Markaas ayuu ilmuhu heli karaa caano ku filan. Waxay taasi sidoo kale dhimeysaa khatarta aad adigu ku dhibaatooneyso markaad naasnuujinayso. 

Sidan ayaad ku dareemeysaa inuu ilmuhu si weyn ugu cantuugaayo: 

  • Ilmaha ayaa ilaa inta ugu weyn ee suurtogalka ah vårtgården afka ugu galinaaya.
  • Ibta naaska ayaa isku eeg marka uu ilmuhu naaska jaqey ka dib. 
  • Debnaha ilmaha ayaa kala fidsan.

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad gacanta ku listo

Haddii aanay naasnuujintu bilaabmin ayaad u baahan kartaa inaad naasaha gacanta ku listo ama mashiin ku bambgareyso. Ilmaha ayaa u baahan kara in la siiyo caanaha  daasadda.  

Shaqaalaha jooga qeybta BB ayaa ku tusi doona sida la iskaga liso ama bamka naasaha loo isticmaalo . 

Ilmaha ayaad caano ama caanaha daasadda malqaacad, koob ama galaas ku siin kartaa. 

Sidee ayaan ku ogaan karaa inuu ilmuhu caano ku filan helay?

Carruurta badankooda ayaa muujiya marka ay qanacsan yihiin oo aanay wax dheeraad ah rabin.  

Sida aad ku ogaan karto inuu ilmuhu helayo caano naaska oo ku filan:

  • Ilmuhu waa firfircoon yahay.  
  • Ilmaha ayaa iskiis iskaga toosa oo raba inuu naaska nuugo. 
  • Ilmaha ayaa u muuqda mid qanacsan naasnuujinta ka dib. 
  • Ilmaha ayuu miisaankiisu kordhayaa. Waxa miisaanka lagu kantaroolayaa BVC. 
  • Ilmaha ayaa kaajaaya taas oo keenta inaad maalintii ugu yaraan lix jeer xafaayada ka beddesho.  
  • Saxarada ilmaha ayaa midabkeedu isbedelayaa iyadoo halkay midab madow ka aheyd jaale/huruud noqonaysa todobaadka ugu horreeya.

Talo iyo taageero

Wakhti ayay qaadan kartaa in la bilaabo naasnuujinta oo ay saani ugu shaqeyso. Markaas ayay wanaagsan tahay in taageero laga helo ehelka/qaraabada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka labadaba.  

Todobaadka ugu horreeya ee dhalmada ka dib ayaad BB la xiriiri kartaa. 

Wakhtigaas ka dib ayaad  mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda la xidhiidhi kartaa: 

  • BVC  
  • Rugta umulisada  
  • Rugta naasnuujinta haddii meesha aad degan tahay ay ku taalo. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. 

Soo wac oo hel talo talobixin telefoonka1177 

Wac telefoonka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page