Umusha/dhalmada

Qaabka/sida marka la umulaayo loo joogo

Ställningar att föda i - somaliska

Waxa jira qaabab badan oo marka la umulaayo loo joogo. Waxa wanaagsanaan karta in kolba qaabka aad u joogto la beddelo si aanad xoog ugu daalin. Waxay taasi sidoo kale ilmaha u fududaynaysaa inuu hoos u soo dego oo uu soo baxo.

Way kala duwan tahay qofba waxa ku habooni.   
 
Dadka qeybta dhalmada ka shaqeeyaa waxay inta badan soo jeediyaan in qaabab kala duwan la isku rogrogo dhamaan inta la umulaayo. Waxay kaa caawin doonaan inay kuu sharaxaan sidaad sameynayso.

Läs texten på svenska här.

Taagni/Sare-joog

Istaag adigoo miiska socda qabsanaaya.

Waad istaagi kartaa adigoo ku tiirsan qof qaraabo ah, sariirta ama qalabka kale ee guriga.

Waxa qeybta dhalmada yaala miisas lagu socdo oo gaar ah.

Istaag iyadoo aad jilibka waxoogaa soo laabayso oo aad lugahaagana kala fogeysay. Isku dey inaad marmarka qaar isku ruxdo hore iyo dib/gadaal, misig ilaa misigta kale.

Miisaan aan badneyn saar cagaha iyadoo aad wax cuskan tahay. Markaas ayaa murqaha miskaha dabacsanaan karaan.

Afarta adinba ku istaag

Afarta adinba ku istaag.

Markaad afarta adinba ku istaagto ayuu dhabarku nasan karaa.

Qaabka aad tahay markaad umulayso ayaa awood badan siin kara markaad ilmaha soo ducaneyso.

Marmarka qaar ayaa la dareemi karaa inay wanaagsan tahay in misgaha la dhaqdhaqaajiyo.

Kadaloob u fadhiiso

Kadaloob u fadhiiso.

In la kadaloobsado ayaa keenaysaa in miskahu aad u kala furmaan.

Qaabkaas ayaa markarka qaar keenta inuu ilmahu si ka dhakhso badan ugu soo baxo. Waxay keeni kartaa dilaac. Sidaas sarteed ayay muhiim ugu tahay in umulisadaada la maqlo si aad ugu ogaato sidaad sameynayso.

In förlossningspall lagu fadhiisto

Waxa uu förlossningspall u sameysan yahay qaab gambadh salkiisu goobo bandhkeed yahay oo kale. Waad ku dul fadhiisanaysaa iyadoo aad isla markaana dabadaada hoos ugu dejin karto.

Waxaad debcin kartaa murqaha bowdada iyo badhida agagaarkeeda.

Waxa dhabarka kaa soo taageeri kara qof qaraabo ah.

Markaad förlossningspall ku fadhido ayay miskahu aad isku furayaan.

Jilbaha ku istaag

Waxa ay sariirta qolka dhalmadu leedahay qeyb madax sare ku taala oo korna loo qaadi karo oo hoosna loo dejin karo.

Waxaad sariirta ku istaagi kartaa jilbaha iyadoo aad ku tiirsan karto madaxa kor u soo kascan.

Waxa fiicnaan karta in saccosäck la geliyo inta u dhaxaysa caloosha iyo sariirta si ay taageero dheeri ah kuugu siiso. Saccosäck waxa weeye sida barkin weyn oo ay fududahay in kolba qaab laga dhigo.

La fadhiyo iyadoo meel lagu tiirsan yahay

Markaad badh fadhido ayaad taageero dhabarku ku haysataa. Waxaa ku taageeri karta sariirta, qof qaraabo ah ama saccosäck.

Isku day inaad jilbahaaga kor u qaaddo si miskahaagu u furmaan. Waxay tani markaa ilmaha u fududaynaysaa inuu hoos u dego.

Dhinac u jiifso

Dhinac u jiifso.

In dhinac loo jiifsado ayaa wanaagsanaan karta si ay dhalmadu tartiib tartiib ugu socoto. Tusaale ahaan, marka aad ilmaha soo ducaneyso.

In dhinac loo jiifsado ayaa sidoo kale wanaagsanaan karta markaad u baahan tahay inaad nasato.

Waxa jira taageero la isticmaalo haddii ay adag tahay in kor loo qaado lugta kore.

In dhinac loo jiifsado iyadoo lugaha wax lagu taageeraayo

In dhinac loo jiifsado iyadoo lugaha wax lagu taageeraayo.

Waxaad qaabkan badh ugu jiiftaa dhabarka iyadoo lugaha wax lagu taageeraayo.

Markaad sidan u jiifto ayay miskahu furmayaan.

Waxa booskan badanaa la isticmaalaa haddii umulisadu ama dhakhtarku u baahan yahay inay eegaan marka ilmuhu soo dhalanaayo.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page