Umusha/dhalmada

In ilmo farjiga laga dhalo

Att föda barn genom slidan - somaliska

Waxay badanaa dhalmadu ku bilaabantaa xanuunka foosha ama inay biyo farjiga ka soo baxaan. Xanuunka foosha ayaa dheeraada isagoo xanuunkuna marar ka badan kuu yimaadda/soo noqnoqda. Waxa ay dhalmadu ku soo dhammaataa adiga oo ducanaaya si uu ilmuhu farjiga ugu soo baxo. Waxay umushu/fooshu qaadan kartaa mudo dhawr saacadood ilaa dhawr maalmood ah.

Läs texten på svenska här.

Dhalmada farjiga ayaa sidoo kale loo yaqaanaa dhalmada siilka.

In farjiga ilmo laga dhalo

Waxa furmi doona afka hore ee ilmogaleenka

Gravid med foster i magen där livmodertappen pekas ut.
Waxa furmava afka hore ee ilmogaleenkaa.

Waxa uu ilmahu dhex jiifaa ilmo-galeenka. Ilmo-galeenka xagiisa hoose ayaa waxa ku yaala afka hore ee ilmo-galeenka. Waxa aanu hoos ugu daloolaa farjiga.

Waxa uu ilmo soo dhalan karaa marka uu afka ilma-galeenku jilicsanaado/khafiif noqdo oo uu is wada furo.

Sidan ayay dhalmadu ku bilaabantaa

Waxa caadi ah inay dhalmadu ku bilaabanto xanuun foosha. Xanuunka foosha ayaa ka yimaada marka ilmo-galeenku isku soo ururiyo si uu ilmahu ugu soo dhasho.

Bilawga hore ayaa xanuunka foosha waxa lagu dareemaa sida xanuun aad ku yeelaneyso caloosha xaggeeda hoose. Markaas ayuu kolba waxyar kadib kuu yimaadaa. Mararka qaar ayuu hakad dheer u kala dhaxeeyaa kolba xilliga uu hadana imanaayo xanuunka fooshu. Waxa dhici karta in dareere ka badan intii hore kaa yimaado.

Mararka qaar ayaa biyo ama dhiig yar kaa yimaadaa

Mararka qaar ayay dhalmadu ku bilaabataa biyo farjiga kaa soo baxa.

Dhalmada qaar ayaa ku bilaabmata dhiig yar oo farjiga kaa yimaada.

Mararka qaar ayaa xanuunka fooshu oo weyni/badani toos ugu bilaabmaa. Markaas ayuu afka ilmo-galeenku si ka degdeg badan ugu furmayaa.

Xanuun foosha oo ka badan marka uu ilmuhu afka farjiga hoos ugu soo dego

Markaas kadib ayaa xanuunka fooshu ka sii awood bataa. Waxa uu noqdaa mid ka sii dheer oo marar ka badan joogto ugu yimaada.

Waxa caadi ah inuu xanuunka foosha dhowr saacadood ku hayo. Mararka qaarkood ilaa maalmo.

Afka hore ee ilmo-galeenka ayaa wada furmaaya

Ilmaha ayaa hoos u soo degaaya. Marka uu ilmuhu afka farjiga ku soo dhawaado ayay caadi tahay in la yalaalugoodo oo la matago.

Waxa wanaagsan in booska la bedelo

Dhalmada ayaa si degdeg ah ugu dhaci karta haddii aad booska bedesho. Waxaad tusaale ahaan sameyn kartaa inaad socsocoto, dhinac u jiifsato ama jilbaha ku istaagto sariirta dusheeda.

Umulisada ayaa marka ay tahay inaad booska bedesho kuu sheegi karta.

Waxay gaadhay waqtigii la ducanaayey

Marka ilmuhu uu afka farjiga joogo ayaa la gaadhay xilligii la ducanaayey.

In la ducado macnaheeu waa inaad soo cadaadiso si uu ilmahu farjiga uga soo baxo.  Waxa la ducdaa marka uu xanuunka fooshu ku qabto.

Wakhtiga xanuunada foosha u kala dhaxeeya ayaa caadi ahaan la nasan kartaa.

Marka uu xanuunka fooshu kugu yimaado ayaa la dareemi karaa sidii oo uu xaar ku hayo. Marmarka qaar ayaa xaar yimaadaa.

Umulisada ayaa ku caawin doonta

Umulisada ayaa ku caawin doonta oo kuu sharaxaysa sida aad u ducaneyso iyo goorta aad ducaneyso.

Waxa dhici karta inay ku gubto oo ay ku hafeefato/belbesho marka madaxa ilmuhu uu farjiga ka soo baxaayo.

Afka farjiga ayaa awooda inuu kala fiddo haddii ay waxoogaa wakhti ah yara qaadato. Waxa markaas jiri doonta khatar ka yar oo uu dilaac ku imanaayo.

Mararka qaar ayaa la isticmaalaa sugklocka

Mararka qaarkood ayaa loo baahdaa in dhalmada lagu soo afjaro iyadoo la isticmaalaayo aalad lagu dhejiyo madaxa ilmaha. Waxa taas loo yaqaanaa sugklocka. Dhakhtar ayaa markaa ka caawinaaya in si tartiib ah ilmaha loo soo jiido isla marka aad adiguna ducaneyso.

In taas loo baahdo waxa badanaa sabab u ah iyadoo xanuunka fooshu daciif yahay.

Marka uu ilmahu soo dhasho

Ayaad isla markiiba ilmaha saari kartaa naasaha haddii aad rabto iyo haddii ay u muuqato inuu ilmuhu caafimaad qabo.

Waxa fiican in ilmaha maqaarka maqaarka loo saaro.

Waxa caadi ah in ilmahu bilaabo inuu qaliyo.

Carruurta qaar ayaa caawimo uga baahan umuliso ama dhakhtarka carruurta.

Ilmo-galeenka ayaa isku soo urura

Marka uu ilmahu soo dhasho ayuu ilmo-galeenku isku soo ururaa.

Mandheerta ayaa ka soo go'da darbiga ilmo-galeenka iyadoo ay markaad ducato soo baxayso.

Nabar ayay ku noqotaa marka ay mandheerta ka soo go'do darbiga ilmo-galeenka. Markaas ayaa dhiig ka yimaadaa nabarka sida markaad caadada leedahay oo kale. Dhiigbaxa ayaa loo yaqaan dheecaan.

Umulisada ayaa ku baadhi doonta

Waxay umulisadu baadhitaan ku sameysaa farjiga iyo xubnaha taranka si ay u eegto haddii aad wax dilaac ah leedahay.

Waa la isa suuxiyaa baadhitaanka kahor.

Markaad dhalayso ayaa dhiig badan la lumiyaa. Taas ayuu jidhku isku diyaariyey. Waxa xilligii aad uurka laheyd sameysmay laba litir oo dhiig dheeraad ah.

Waxaad heli kartaa turjumaan

Haddii aanad Iswiidhish ku hadlin ayaad turjubaan xaq u yeelan kartaa.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page