In ilme la daryeelo

Xarunta xanaanada carruurta

Barnavårdscentralen, BVC - somaliska

Xarunta xanaanada carruurtu waa rug gaar ah oo loogu talogalay carruurta ilaa lix sano jirka ah. Halkaas ayuu shaqaaluhu ku baadhi doonaa caafimaadka ilmaha iyo sida uu u korayo. Waxaad weydiin kartaa dhamaan wax kasta oo khuseeya ilmahaaga iyo su'aalo waalidnimada ku saabsan.

Waxa xarunta xanaanada carruurta loo soo gaabiyaa BVC. 

Waxa lagu soo dhaweynayaa dhammaan waalidka. 

Läs texten på svenska här.

Sidee ayaan ula xidhiidhi karaa BVC-ga?

Waxay xarumaha BVC:du badanaa ku dhex yaallaan xarun caafimaad. 

Halkan ayaad ka raadsan kartaa xarunta xanaanada carruurta. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. 

Badanaa xarumaha BVC:du toos ayay waalid ahaan kuula soo xidhiidhi doonaan.  

Waxaad ku booqan kartaa goobta, ama telefoon ama emayl ayaad u diri kartaa 

Caadi ahaan waa la booqdaa BVC-ga ama telefoon baa loo diraa 

Qaar ka mid ah BVC-yada ayaa sidoo kale yeelan kara telefoonka fiidiyaha ah. 

Waa maxay BVC?

Waxay BVC:yadu ku shaqo leeyihiin/khuseeyaan dhamaan wax kasta oo ku saabsan caafimaadka ilmaha iyo korriinkiisa. 

Waxa ay xarumaha BVC raacaan barnaamij dhammaan carruurta dalka oo dhan u yaalla. 

Waxaad BVC kula kulmeysaan kalkaaliso. 

Mararka qaar ayaad sidoo kale dhakhtar kula kulmeysaan. 

Booqashooyin da'aha kala duwan ah 

Waxay booqashadu dhacaysaa laga bilaabo marka uu ilmahu soo dhasho ilaa intuu lix jir gaadhayo. 

Ha booqan BVC-ga marka uu ilmuhu xanuusanayo

Ha booqan BVC-ga haddii ilmuhu infegshan/caabuq leeyahay. 

Waxay tusaale ahaan taasi noqon kartaa calool xanuun ama hargab. 

Taas bedelkeeda la xidhiidh xarunta caafimaad (vårdcentral). 

Halkan ayaad ka raadsan kartaa vårdscentraler. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. 

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee1177 

Wac lambarka telefoonka ee1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. 

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. 

Waxay sidoo kale kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo. 

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. 

Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. 

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Maxaa ka dhacaya BVC-ga?

Kuwani waa waxyaabo tusaale ahaan ka dhici kara BVC-ga: 

  • Waxay shaqaaluhu eegayaan nooca daryeelka iyo tallaallada ee ilmuha la siiyey. 
  • Waxa uu ilmahu qaadanayaa tallaal. 
  • Kalkaalisada ama dhakhtarka ayaa ilmaha baadhitaan ku sameynaya.  
  • Kalkaalisada ayaa ilmaha cabbiraysa oo miisaameysa. 
  • Waxaad heli doontaa taageero iyo talo ku saabsan sida uu caafimaadka ilmuhu yahay iyo sida uu u korayo. 
  • Waxaad weydiin kartaa su'aalo ilmahaaga iyo waalidnimada ku saabsan. 

Waxay booqashadu ku saabsan tahay waxaad u baahan tihiin 

Waxyaabaha aad ka hadlaysaa waxa ka mid ah: 

  • Sida uu caafimaadka ilmahu yahay. 
  • Sida uu ilmahu u korayo. 
  • Sida aad tihiin. 
  • Sida uu ilmuhu wax u cuno iyo sida uu u seexdo. 

Ilmaha ayaa booqashada ka qeybqaadanaya 

Ilmaha ayaa wadahadalka ka qeybqaadanaya.  

Waa muhiim inuu ilmahu aragtidiisa/sida uu war u arko muujiyo. 

Waxa uu ilmuhu isku dayi doonaa inuu waxyaabo kala duwan sameeyo 

Mararka qaar ayuu ilmuhu waxyaabo kala duwan sameeyaa.  
Taasi waa si loogu arko in ilmahu sidii la filayey u korayo. 

Waxa uu ilmuhu isku dayayo inuu sameeyo waxa go'aaminaya da’da ilmaha. 

Waxay tusaale ahaan noqon kartaa inuu wax sawiro, kubad laado ama kuul qori ah dun ku xidho. 

Goorma ayuu ilmahu tallaal qaadanayaa

Waxa uu ilmahu tallaalka u qaadanayaa sida ku saleysan barnaamijka tallaalka ee Iswiidhan. 

Shaqaalaha weydii haddii aad su'aalo qabtid.  

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeraad ah oo tallaalka ku saabsan. 

Waxa la idiin qaban karaa turjumaan

Waxa idin caawin kara turjumaan haddii aaanad af-Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tihiin markaad ballanataada booqashada qabsaneyso. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page