Calaamada cudurka/cudurka

Hargab

Influensa - somaliska

Hargabku waa cudur uu fayrus keeno. Waxaad yeelan kartaa qandho iyo xanuun madaxa, jidhka iyo cunaha. Hargabka waxa caadi ahaan la yeeshaa laga bilaabo diisembar illaa abriil.

Waxa sidoo kale hargabka loo yaqaanaa hargab xilliyeed.

Läs texten på svenska här.

Calaamadaha

Sidan ayaad dareemi kartaa haddii aad hargab qabtid:

  • Waxaad dareemeysaa inaad xoog u jiran tahay oo aad daalan tahay.
  • Murqaha ayaa ku xanuunaaya.
  • Waxaad leedahay qandho badan iyo madax xanuun.
  • Cunaha ayaa ku xanuunaaya.
  • Waad qufacysaa.

Carruurta ka yar laba sanno jir ayaa badiyaa yeesha calool xanuun markay hargab qaadaan.

Waxa caadi ah in qandho la yeesho oo hal todobaad la jirado. Waxa sidoo kale caadi ah in todobaadyo badan ka dib la sii daalanaado.

Dadka qaarkood ayaa si xun/aad u xanuunsada

Dadka qaarkood ayaa si xun/aad hargabka ugu xanuunsada.

Khatarta inaad si xun ugu xanuunsato ayaa u weyn haddii aad 65 sanno jir ka weyn tahay, aad uur leedahay ama aad cudurada qaarkood qabtid.

Maxaan sameyn karaa anigu?

Halkan waxa ku yaala talooyin ku saabsan waxaad sameyn karto si aad uga roonaato:

  • Naso oo waxyaalo adag/culculus ha qaban. Laakiin uma baahnid inaad maalinta oo dhan jiiftid.
  • Cab wax intii caadiga aheyd ka badan.
  • U jiifso qaab uu madaxu meel sare saare yahay.
  • Isku dey inaad isticmaali dhibcaha sanka ama dawada sanka la iskaga buufiyo haddii aad cabudhsan tahay.
  • Cab biyo qabow ama cabitaan diiran haddii uu cunuhu ku xanuunaayo. Waxaad sidoo kale isku dayi kartaa kiniinka cunaha/dhuunta.

Waxaad isticmaali kartaa dawo paracetamol ku jirto hadii aad qandho/xumad badan aad leedahay.

Carruurta lix bilood ka weyn ayaa dawada paracetamol ku jirto isticmaali karta. Dhakhtar weydii marka hore haddii uu ilmuhu lix bilood ka yar yahay.

Goorma iyo xaggee ayaan daryeel ka raadsanayaa?

Dadka badankoodu uma baahna inay daryeel caafimaad raadsadaan. Hargabka ayaa kaligiis iska taga.

La xiriir rug caafimaad (vårdcentral) haddii waxyalaha soo socda mid ka mid ahi kugu haboon yahay:

  • Aad qandho leedahay muddo afar maalmood ah ama wax ka badane.
  • Waxaad leedahay qandho badan oo kaa yaraatey laakiinse haddana kor u kacday.
  • Waxaad qabtaa calaamado hargabka oo kale ah iyadoo aad leedahay khatar weyn oo aad xoog hargabka ugu xanuunsaneyso.

Haddii rugta caafimaadku xiran tahay, ayaad sugi kartaa ilaa iyo inta dib loo furaayo.

Markay xaalad degdeg ahi jirto

Waxay xaalad degdeg ah oo rug caafimaad lagula xiriirayaa jirtaa markay waxyaalahan soo socdaa kugu haboon yihiin:

  • Inaad isla hal mar uun xanuunsato.
  • Neeftasashada ayaa kugu adag xitaa markaad nasaneyso.

Rugaha caafimaadka qaarkood waxay furan yihiin fiidkii/habeenkii iyo maalmaha fasaxa.

Daryeel ka raadso qeybta gargaarka degdega ah (akutmottagning) haddii rugta caafimaadku xiran tahay ama aanay idin qaabili karin.

Wac oo talo ka hel lambarka telefoon ee 1177

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxay tahay inaad sameyso. Waxay iyagu karaan inay kuu sheegaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin iyagoo ku hadla Iswiidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaarkood ayay suurtogal tahay in luqado kale caawimo lagu helo.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad haysato telefoon lambar wadanka dibadiisa leh.

Waxaad iska tallaali kartaa hargabka

Waxa jira tallaal loogu talogalay hargabka. Waa bilaash haddii ay tahay inaad is tallaasho.

Waa inaad is talaasho haddii kuwan mid ka mid ahi ay kugu haboon yahay:

  • waxaad khatar ugu jirtaa inaad si xun hargabka ugu xanuunsato.
  • waxaad la nooshahay qof uu habdhiskiisa difaaca jidhku uu aad u hooseeyo.

Tallaal hargabka ayaa loo baahan yahay in sanad kasta la qaato.

Waxaad u baahan tahay inaad hargabka iska talaasho xitaa haddii covid-19 lagaa tallaalay.

Dawooyinka fayruska ka hortaga

Waxa jirta dawo fayruska ka hortagta inuu kaa dhigo qof si xun ugu bukooda. Dadka khatarta ugu jira inay si xun ugu xanuunsadaan hargabka ayaa kaas dawo lagaga daaweyn karaa.

Sidan ayaa hargabka loo kala qaadaa

Waxa hargabka la kala qaadi karaa marka tusaale ahaan qof cudurku qabaa uu hindhiso ama qufaco. Markaas ayaa dhibco yaryar oo fayrus wataa sameysmayaan. Waxaad qaadi kartaa haddii ay adiga dhibcuhu ku soo gaareen. 

Hargabka ayaa sidoo kale la kala qaadi karaa markaad taabato qofka fayruska qaba, tusaale ahaan haddii aad gacmaha is qabsataan. Waxa uu fayrusku kaa gali karaa afka ama sankaaga haddii aad gacmahaaga wajiga ku taabato.

Waxaad hargabka dadka kale qaadsiin kartaa xitaa haddii aanad adigu inaad xanuunsaneyso dareemeynin.

Hargabka ayaa si dhibyar gudaha loogu kala qaadaa.

Sidan ayaad khatarta hargabka u yareyn kartaa

Sidan ayaad u yareyn kartaa khatarta aad hargab ku qaadeyso:

  • Badiyaa gacmaha dhaq.
  • Ha taabanin indhahaaga, sankaaga ama afkaaga.
  • Masaafad u jirso dadka xanuunsanaaya.
  • Iska tallaal hargabka.

Sidan ayaad u yareyn kartaa khatarta aad dadka kale ku qaadsiineyso:

  • Guriga joog oo shaqada ama dugsiga ha tagin haddii inaad xanuunsaneyso aad dareemeyso.
  • Ku qufac ama ku hindhis xusulkaaga.
To the top of the page