Raadso daryeel

Sida aad ugu raadinayso daryeelka caafimaadka ee Blekinge

Så söker du vård i Blekinge - somaliska
The information concerns Blekinge

1177 – talo bixin habeen iyo maalinba ah

Haddii aadan hubin calaamadahaaga iyo nooca daryeelka caafimaad ee aad u baahan tahay, waxaad heli kartaa talo caafimaad habeen iyo maalinba, sannadka oo dhan. Markaas waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaadka oo qiimeyn doonta baahidaada daryeelka caafimaadka oo kuu tilmaami doonta meesha saxda ah. 1177 waa lambar telefoon oo qaranka loogu talagay, waxaanad bixinaysaa kharashka wicitaanka telefoonka caadiga ah. Waxaad heli kartaa talooyin caafimaadka ah oo luqadda iwiidhish iyo luqadda ingiriiska ah adigoo wacaya 1177. Haddii aanad lahay heshiiska shirkadaha ee telefoonada bobiilada iswiidhish ah ama kaarka SIM, waxaad wacaysaa lambarka +46 771-11 77 00.

Bogga websaydka ee www.1177.se waxaad ka akhrisan kartaa cudurrada, daawaynta, talooyin ku saabsan daryeelka iyo caafimaadka, iyo sidoo kale xeerarka iyo xuquuqda daryeelka caafimaadka. Macluumaadka qaarkood waxaa lagu turjumay luqado kale, guji halkan si aad u hesho macluumaadka turjuman ee ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka.

Xarunta daryeelka caafimaadka – halka ugu horreeya ee aad la xiriirayso

Xarunta daryeelka caafimaadka waxaad la xiriiraysaa haddii aad qabto su’aalo iyo dhibaatooyin la xiriira caafimaadkaaga. Xarunta daryeelka caafimaadka ee ku qaabilsan ee aad la xiriirto, ayaad la xiriiraysaa marka hore haddii aanu caafimaadkaagu fiicanayn, aad dhaawacanto ama aad u baahan tahay caawimaad caafimaad oo dhinac maskaxda ah.

Xarumaha daryeelka caafimaadka ee Blekinge waxay furanyihiin maalmaha shaqada waqtiyada maalintii. Wac had iyo jeer kahor si aad u hesho talooyin iyo ballamo aad qabsato. Uma tegi kartid xarunta daryeelka caafimaadka (vårdcentralen) haddii ay xaaladaadu degdeg tahay oo ay noloshaadu halis ku hirto.

Xogta lagala xiriirayo iyo cinwaanada xarumaha daryeelka caafimaadka ee Blekinge.

Xarunta adeegga heeganka – markay xarunta daryeelka caafimaadku xiran tahay

Xarunta adeegga heeganku waxay u shaqaysaa sida xarunta daryeelka caafimaadka, laakiin waxay furan tahay habeenkii iyo maalmaha fasaxa ah. Ma tegeysid xarunta adeegga heeganka haddii ay xaaladaadu degdeg tahay oo ay noloshaadu halis ku hirto. Xaaladahaas, waa inaad wacdaa 112.

Xogta xiriirka iyo cinwaanka xarunta adeegga heeganka ee Karlshamn.

Xogta xiriirka iyo cinwaanka xarunta adeegga heeganka ee Karlskrona.

Xarunta gargaarka degdegga – markay timaado xaalada halis ah

Haddii aad qabto cudur halis ah ama aad gasho shil, tag qaybta gargaarka degdegga ah ee Karlskrona. Dhammaan bukaanada yimaada qaybta gargaarka degdegga ah waxaa marka hore qiimeeya oo kala hormariya qof kalkaaliye caafimaad oo khibrad leh. Waa in aanad u aadin qaybta gargaarka degdegga ah haddii aad qabto dhibaatooyin fudud ama xanuun aan degdeg ahayn, kuwaas oo lagu daaweyn karo xarunta daryeelka caafimaadka (vårdcentral) ama xarunta gargaarka degdegga ah (jourcentral).

Haddii ay jirto xaalad degdeg ah oo halis gelinaysa nolosha waa inaad wacdaa 112.

Xarunta gargaarka degdeggu waxay qaabilaan xaaladdaha khatarta ah sida tusaale ahaan:

  • shil/shilal halis ah
  • shibaatooyin neefsashada ah oo khatar ah
  • xanuun laabta/xabadka ah oo daran oo qofka markaa haya
  • dhiig bax khatar ah
  • xanuun caloosha ah oo daran
  • tuhun ku saabsan istaroog ama faalidh
  • jabitaan khatar ah.

Cinwaanka iyo tilmaamaha waddada ee xarunta gargaarka degdegga ah ee Karlskrona.

To the top of the page