SHARCIYADA IYO XUQUUQDA

Qiimeyn dhakhtar oo labaad, second opinion

Ny medicinsk bedömning, second opinion - somaliska

Haddii loo tagay dhakhtar oo laga helay jawaab cudur taas oo micnaheedu yahay in qofka ay soo wajahday go’aan daweyn oo adag waxa qofku xaq u yeelan karaa in la helo qiimeyn dhakhtar oo labaad oo ka timi dhakhtar kale, wixi hore loo odhan jiray second opinion.

Läs texten på svenska här.

Ujeedada in la helo qiimeyn dhakhtar oo labaad waa in la hubiyo in qofku helo daryeelka caafimaad iyo daweynta ku haboon qofkaas.

Sidee u samaynaa?

Qiimeyn dhakhtar oo labaad waxa xaq loo leeyahay haddii qofku leeyahay cudur nafta halis ku ah ama khatar gaar ah leh ama dhaawac. Tusaale ahaan waxa qofku uu xaq u yeelan karaa second opinion haddii qofku qabo kansar ama nooc cudur dhinaca dareemayaasha jidhka. Qofku wuxu mar kastaba waydiin karaa dhakhtarkiisa haddii qofku leeyahay fursad ah in la helo second opinion.

Haddii qofku leeyahay rabitaan ku saabsan in loo tago dhakhtar ama isbitaal gaar ah gudaha Iswiidhan markaasi waa in maamulka gobolka ee caafimaadka ee qofku ka diiwaan-gashanyahay ay isku dayaan in la diyaariyo si qofku halkaasi u tago.

Haddii second opinion ay keento natiijo ah in qofku helo soo jeedin daweyn oo kale waa in xitaa qofku helo daweyntaas. Shuruudu waa in daweyntan

  • waafaqsantahay cilmiga oo waayo-aragnimo lagu soo tijaabiyay iyo
  • leedahay kharash kaas oo marka la tixgeliyo cudurkan ama dhaawacan loo arko mid lagu qanci karo.

Qofku waxa kale oo uu la xiriiri karaa guddiga bukaanka (patientnämnden) ama wakiilka bukaanka (patient ombudsman) ee maamulka gobolka ee caafimaadka meesha qofku deganyahay si loo helo warbixin ku saabsan sida la sameeyo si loo helo second opinion.

To the top of the page